Rag miino aasaayay oo la qabtay

Tan iyo markii dawladdu la wareegay deegaanada Sabiid iyo Caanoole sanadkii tagey ee 2019-ka waxaa jiray iska horimaadyo iyo Qaraxyo miinooyin ah oo wadooyinka la galinayay.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya -  Ciidamadda dowladda ayaa Maanta gacanta ku dhigay labo nin oo ka tirsan Al-shabaab, xilli ay miino ku aasayeen wadada isku xirta Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgal gaar ah oo Ciidanka ay ka sameeyeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu qabtay raggan, waxaana la fashiliyay qaraxyadii ay maleegayeen, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.