Farmaajo oo dayacay Ciidankii ku jiray jiidda hore

Warbixin Keydmedia Online

Afartii billood ee lasoo dhaafay, Soomaaliya waxaa ka dhacay in ka badan 20 weerarro argagixiso iyo dilal ah oo ay geysatay Kooxda Al-Shabaab, oo ka faa’idaysanaysa habacsanaanta amni iyo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, tani waa Warbixinta tifaftiraha Keydmedia Online ee Caasimadda. 

Farmaajo oo dayacay Ciidankii ku jiray jiidda hore

MUQDIHSO - Billowgii bisha April, Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday Awdheegle iyo Bariire, waxayna ku dhex dishay saldhigyadood askar aad u badan, waxayna kula wareegtay hubkooda iyo gaadiidkoodii dagaalka.

Weeraradan ayaa imaanaya xili ay Soomaalidu isku diyaarineyso doorashada guud ee baarlamanka iyo Madaxweynaha, kuwaasoo uu Farmaajo caqabad ku noqday inay si guul leh kusoo dhamaadaan, oo heshiis laga gaaro qodobada khilaafka ka taagan.

Farmaajo ayaa kursiga ku fadhiya sharci-darro ah, iyadoo isku dhejinta xukunka ay sababtay jahwareer doorasho iyo fowdo siyaasadeed, oo laga dhaxlay inay Al-Shabaab sii xoogeysato.

Argagixisadda Al-Shabaab oo sii xoogeysaneyso

Dad badan ayaa is-waydiinaya maxaa u suurta-geliyay Al-Shabaab inay weerar lixaad leh soo qaado, oo ay la wareegto saldhiyadii ugu waaweyn ay Ciidanka Dowladda ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalladii milateri ee dhowaanahan hakadka la geliyay ayaa u ogolaaday Al-shabaab inay dib isu abaabusho oo ay qaado weerarro argagaxiso oo askar iyo mas’uuliyiin badan lagu laayay.

Ciidanka ku jiray jiidda hore ee dagaalka ayuu Farmaajo dayacay oo heli waayay xaquuqdoodii, isagoo intooda badan kuwii Turkiga tababaray u daabulay G/Gedo, oo hadda dagaal beeleed uu ka hurinayo.

Sidoo kale, AMISOM ayaa billowday inay dib u gurasho sameyso oo faarujiso saldhigyo muhiim ah, sida midkii laga difaacaya Afgooye, oo 30-KM u jirta Muqdisho, waxayna tani dhiira-gelisay Kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa Ciidankiisa ka baxay Soomaaliya bishii January 2021, waxay banneeyeen boos muhiim ah la dagaalanka Al-Shabaab, maadaama ay tababari jireen DANAB, sidoo kalena duqeyn jireen Kooxda, inkastoo ay laayeen dad badan oo rayid ah. 

Ciidanka DANAB ayaa xulufo muhiim ah, waxayna joojiyeen weerarada Al-Shabaab, kadib markii askarta Mareykanka oo dhanka hawada ka taageeri jiray ay baxeen, waxayna ku noqdeen in badan oo kamid ah degaanadii ay ka yimaadeen markii hore.

Al-Shabaab derbiga hortaagan waxay ahaayeen AMISOM iyo Mareykanka, mar hadii ay howlgallada joojiyeen, waxay Kooxda heshay fursad ay ku baabusho kuna fuliso weeraro gudaha iyo dibada Muqdisho.

Farmaajo oo markii horeba ku fashilmay la dagaalanka Al-Shabaab ayaa hadda dayacay amniga, wuxuuna muruqiisa iyo maankiisa isagu geeyay sidii uu awoodda kusoo haysan lahaa, oo waxay indhihiisa kusii jeedaan Mucaaradka oo kursiga ka ilaashanayo.

Farmaajo ayaa iloobay mas'uuliyadda saaran oo ah in uu shacabka Soomaaliyeed ka difaaco cadowga Argagixisadda, waxeyna shaqadiisa oo dhan noqotay sidii uu kursiga usii fadhin doono.

Beesha Caalamka ayaa dhaqaalo badan ku bixisay inay Soomaaliya soo gaarto meesha ay maanta joogto, waxayna AMISOM ku waysay askar badan in Al-Shabaab laga saaro magaalooyinka, sidoo kalena amniga iyo xasiloonida dalka lasoo celiyay.

Dalka Ciidan qaran oo awood badan uma dhisin Farmaajo, taasoo qeyb ka ahayd balan-qaadkii uu doorashadda kusoo galay 2017, waxaana dad badan aaminsan yihiin hadii AMISOM baxdo inay Al-Shabaab si fudud dib ugu soo laaban doonto goobihii laga saaray, oo Muqdisho ay kamid tahay.

Muxuu Sh/Hoose u noqday xudunta dagaallada?

Gobolkan ayaa leh khayraad aad u baaxad wayn, wuxuuna caan ku yahay beeraha maadaama uu maro Webiga Shabelle oo dadka beeralayda ah uga faa'idayta wax soo saarka.

Tartanka khayraadka uu leeyahay ayaa ka dhigtay gobolka Shabeellaha Hoose xudunta dagaallo aan dhamaad lahayn oo u dhaxeeyay dhinacyo kala duwan, kuwaasoo Al-Shabaab ay qeyb ka tahay.

Gobolka oo ka kooban 7 degmo, magaalo madaxdiisuna tahay Marka ayaa leh dhul beereed aah u ballaaran, oo laga soo saaro khudradda ugu badan ee laga cuno Muqdisho, waxaana usii dheer dhaqashadda xoolaha isagu jira Geella, Ariga iyo Lo'da.

Degmooyinka Kunturwaareey iyo Sablaale ayay Al-Shabaab ka maamushaa, halka shanta degmo ee kale ay dawladda gacanteeda ku jiraan, laakiin degaanada ugu badan waxaa ku sugan argagaxisadda.

Al-Shabaab ayaa ku ukumo dhashay Gobolka oo mudo ku dhaw 10 sano maamulaysay, waxayna hadda kula dagaalamaysaa Ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM, oo saldhigyo ku leh.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee u dhamaan la'yahay dagaalka waxaa kamid ah in Beelaha degan oo dhexdooda colaad ka dhaxeyso, taasoo Al-Shabaab ka faa'idaysatay, waxaana jira wada-shaqeyn la'aan Ciidamada ka howlgala, oo dano kala duwan u jooga.

Dembiyo dagaal ayaa ka dhacay gobolka mudadii dagaallada Sokeeye dalka ka socdeen, waxaana wali jira raadadkii hore oo ugu darsan tahay fekerka argagaxisadda ay Al-Shabaab ku beertay bulshadda, iyadoo caruur badan ku askareysay mudadii ay ku xoog badnayn.

Hogaamiyaal waaweyn ayaa Al-Shabaab looga dilay gobolka, oo uu kamid yahay Axmed Godane, oo Sep 2014 duqeyn diyaaradeed Mareykanka uu ku khaarijiyay duleedka magaaladda xeebta leh ee Baraawe.

Dhaqaalaha ugu badan ayaa Al-Shabaab ka heshaa gobolka, oo shacabka ku dhaqan ka qaado canshuur, xoolo dhaqatada, beeralayda iyo ganacsiga, iyadoo sidii kale u yahay meel ay kasoo abaabusho weerarada Muqdisho, maadaama deris la yahay.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.