Al-shabaab oo Saraakiil looga dilay duqeymo

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay howlgallada military ee Soomaaliya tan iyo markii Trump la doortay sanadkii 2016.

Warar Keydmedia Online
Al-shabaab oo Saraakiil looga dilay duqeymo

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Sarkaal oo katirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay maanta gobollada Jubbada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Duqeynta koowaad waxaa laga fuliyay degaanka Haaway, waxaana ku dhintay Sarkaal lagu Magacaabi jiray Daahir Macalin iyo Xubno kale oo isaga kula sugnaa xero ay Al-Shabaab halkaasi ku leedahay.

Waxyar kadib, waxay diyaaradaha sidoo kale duqeeyeen goob kale oo ku taalla duleedka degmada Sablaale, ee gobolka Shabeellaha Hoose oo Al-Shabaab ay kasoo abaabusho weerarada Muqdisho.

Sida Keydmedia Online u sheegeen dadka degaanka, howlgalka cirka lagu khaarijiyay ku-xigeenka Al-Shabaab oo lagu Magacaabi jiray Axmed Nuur, waxaana wali la ogeyn dalka laga leeyahay diyaaradaha.

Mareykanka ayaa beegsi ku haya Saraakiisha Al-Shabaab, iyadoo uu ka dilay hogaamiyeyaal sare oo kamid ah Axmed Godane, kaasoo ku dhintay duqeyn ka dhacday duleedka Baraawe September 1, 2014.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.