Shacab diiday dulmiga Al-Shabaab oo la weeraray

Goobta dagaalka uu dhacay shalay waxaa ka dhaw saldhig militeri oo ay degan yihiin Ciidamada dowladda, qeybta 21-aad, kuwaasoo xaruntooda tahay Bacaadweyn.

Warar Keydmedia Online
Shacab diiday dulmiga Al-Shabaab oo la weeraray

GAALKACYO, Soomaaliya - Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, 5 kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo shacab hubeysan oo diiday canshuurta qasabka ah ee Kooxda.

Iska hor-imaadka khasaaraha geystay, ayaa shalay ka billowday degaanka Shabellow oo qiyaastii 20-KM galbeed uga began degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Dadka degaanka ayaa iska-caabiyay duulaanka Al-Shabaab, iyagoo ka difaacday xoolahooda la doonayay in si qasab ah looga qaato, sida ay sheegeen goob-joogiyaal.

“Waxay isku dayday Al-Shabaab inay degaanka la wareegto, sidoo kalena xoolaheena qaadato, balse taasi way u suurta-gali waysay kadib markii shacabka hubka qaateen iskana-celiyeen,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim, oo ah gudoomiyaha degaanka Shabellow.

Goobta dagaalka uu dhacay shalay waxaa ka dhaw saldhig militeri oo ay degan yihiin Ciidamada dowladda, qeybta 21-aad, kuwaasoo xaruntooda tahay Bacaadweyn.

“Al-Shabaab ayaa dishay 8 shacab ah, oo ay ku jiraan odayaal iyo haween, waxayna gubtay guryo iyo goobo ganacsi, kahor inta aysan ka bixin degaanka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Maxamed.

Kooxda Al-Shabaab waxay ku tilmaantay xaafadda ay weerartay saldhig ciidan, base sheegashadaas waxaa beeniyay dadkii degaanka ee dhibaatada gaartay.

Yoonis Maxamed Shaare oo ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa ku qeexay wixii ka dhacay Tuuladda Shabellow “Xasuuq shacab”, wuxuuna ku baaqay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Kooxda Al-Shabaab.

“Way ogaayeen in saldhiga Military ee dowladda uu 20-KM u jiro Xaafadda, oo markii ay weerari waayeen bedelkeeda Tuuladda ku duulay kadibna xasuuqay shacabka,” ayuu yiri Xildhibaanka.

Degaanka waxaa horey uga jiray dhibaatooyin bini’aadanimo oo ka dhashay abaaro ku dhuftay, iyadoo dadka ay ku waayeen xoolihii ay dhaqan-jireen, waxaa u haray wax yar oo xoolo ah, iyagoo iska diideen dalabka Al-Shabaab ee ah inay bixiyaan xoolo Zako qasab ah.

Degaanno badan oo bartamaha Soomaaliya ku yaalla ayaa laga diiday Zakada Al-Shabaab, iyadoo xoolo-dhaqatada iyo beeralayda ay hubka u qaateen inay iska celiyaan Kooxdan boobka wada.
 
KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.