Shir waynaha Musharixiinta oo furmay [Sawirro]

Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu hanaanka doorashadda afduubey, islamarkaana uu doonayo inuu ku shubto codadka.

Warar Keydmedia Online
Shir waynaha Musharixiinta oo furmay [Sawirro]

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku dhowaad 15 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir uga furmay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kulan la filayo in looga hadlo doorashooyinka soo socda ee dalka ka dhici doona inta u dhexeysa December 2020 iyo 8 February 2021.

Murashaxiinta mucaaradka, oo intooda badan dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayaa lagu wadaa inay soo saaraan bayaan wadajir ah oo ay ku diidayaan gudiga doorashooyinka ee hadda jira oo xubnihiisa inta badan ay yihiin Sirdoon iyo shaqaalaha dowladeed.

Musharixiinta ka qyebgalaya kulanka waxaa ka mid ah Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, R/wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Daahir Geelle, C/qaadir Cosoble, Shariif Xasan, Mustaf Dhuxulow, Xuseen Cabdi Xalane iyo Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Horey ayay Musharaxiinta uga dhawaajiyey inay diidanyihiin gudiyada doorashada ee dowlada Federaalka magacowday, waxayna markale ku celiyaan dalabkooda ku aadan in la helo gudi dhexdhexaad ah oo kormeera si cadaalad ah oo xor ah doorashada 8da Febuary 2021.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka waxay ku eedeynayaan Farmaajo inuu doonayo ku shubasho codadka doorashadda, waxayna ku dhaarteen inay qaadacayaan doorashooyinka haddii ay dowladda ku guul darreysato inay aqbasho dalabkooda in la bedelo gudiyadda aan dhexdhexaadka ahayn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.