Shirka Mudullood oo Muqdisho ka furmaya

Shirkaan ayaa ah mid ay Beelaha kaga tashanayaan masiirkooda siyaasadeed, waxaana la filayaa in war-murtiyeed laga soo saari doono.

Warar Keydmedia Online
Shirka Mudullood oo Muqdisho ka furmaya

MUQDISHO,Soomaaliya - Shirka Mudullood ayaa la filayaa in uu maanta si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho, ee Caasimadda dalka, waxaana hada socdo qaban-qaabadii ugu dambeysay.

Mowlaca Macalin Nuur oo ku yaalla degmada Hodan ayuu ka furmayaa shirka, waxuuna socon doonaa muddo saddex maalin ah, sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen qaban-qaabiyaasha.

Waxaa ka qeyb-galaya mas'uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Cali Mahdi Maxamed, Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo marti sharaf kale oo shirka khudbado kala duwan ka jeedin doono.

Shirkaan oo ku kooban kaliya mid wada-taashi ah ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacay, waxaana inta badan dib u dhiciisa lagu eedeynayay Madaxtooyada Soomaaliya oo is hor istaag ku sameynaysay, sida ay noo xaqiijiyeen qaar katirsan agaasinka kulanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkan u arka mid caqabad ku ah qorshihiisa siyaasadeed ee mudo-korarsiga, waxaana dhowr jeer oo hore dhacday in meelaha shirka lagu qaban rabay la dhigay Ciidamo badan, iyadoo waddooyinka qaar ee magaalada la xiray.

Si kastaba, maalinta saddexaad ayaa la filayaa in shirka war-murtiyeed laga soo saaro. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.