Somaliland oo qaadey tallaabo ay ku kasbanayso Mareykanka

Maamulkan oo 30 sano sheeganayay gooni u goosad ayaan helin aqoonsi caalami ah, iyadoo loola macaamilo sida gobol kamid ah Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo qaadey tallaabo ay ku kasbanayso Mareykanka

HARGEYSA, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland ayaa sheegtay inay heshiis kula gashay Mareykanka in Hargeysa la geeyo qaxootiga reer Afghanistan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda ayaa xaqiijiyay in Somaliland ay qaabili doonto qaxootiga Afghanistan laga soo qaadey ee la doonayo in Mareykanka loo qaado.

Uganda ayaa Arbacadii la geeyay tobaneeyo u dhashay Afghanistan oo laga soo qaadey Kabul, waxaana ay Fiisooyinka inta uga soo baxayaan kusii sugayaan Kampala.

Lama oga in Mareykanka uu geyn doono Somaliland qaxootiga laga soo daad-gureynayo Kabul, waxaana tallaabadan ku dhawaaqay oo kaliya maamulka Muuse Biixi.

Maamulkan oo 30 sano sheeganayay gooni u goosad ayaan helin aqoonsi caalami ah, iyadoo loola macaamilo sida gobol kamid ah Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.