Tirada duqeymaha Mareykanka iyo khasaaraha 2020

Afartii sano ee Trump, wuxuu Mareykanka fuliyay duqeymo ka badan 276, kuwaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya inta u dhaxaysa 134 illaa 174.

Warar Keydmedia Online
Tirada duqeymaha Mareykanka iyo khasaaraha 2020

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin cusub oo ay soo saartey Airwars, oo ah hay'ada fadhigeedu yahay London lagu magacaabo ayaa lagu sheegay in Militeriga Mareykanka uu Soomaaliya ka fuliyay afartii sano ee Trump uu xukunka haystay duqeymo gaaraya 276 iyo howlgallo dhulka ah.

Airwars ayaa sheegtay in sanadkii tagey maadaama uu jiray COVID-19, waxaa hoos u dhacey duqeymaha cirka ee diyaaradaha Mareykanka ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya.

Maamulkii Trump ayaa shaaciyay 205 weerar, oo kamid ah 276 duqeyn oo ka dhacday Soomaaliya, kuwaasoo lagu dilay dad shacab ah oo lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 134 illaa 174, waxay aa duga badan tahay howlgalladii dhacay dowladihii ay hogaaminayeen Bush iyo Obama oo fuliyay 67 duqeyn.

Tirada dadka uu ku dilay Maamulkii Trump duqeymaha drones-ka Soomaaliya waxay noqdeen kuwii ugu badnaa oo abid Mareykanka ka fuliya dalka intii ay socdeen dagaalladii sokeeye iyo soo ifbixii Al-Shabaab 2008.

Mareykanka wuxuu qirtay inuu Soomaaliya ku dilay hal qof oo shacab ah iyo dhaawaca shan kale dhamaan duqeymihii dhacay sanadkii tagey ee 2020.

Airwars waa hay'ad kormeerka iyo qiimeynta ku sameysa waxyeelada rayidka ee laga soo sheegay falalka militari ee Ciraaq, Suuriya, Liibiya, Soomaaliya iyo Yemen, waxayna u ololeysaa ilaalinta dadka rayidka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.