Waa xiligii Fahad Yaasiin lagu dari lahaa liiska cunaqabateynta EU

Wuxuu ku lug leeyahay dembi kasta oo ka dhan ah bini'aadanimada oo laga galay Shacabka Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Waa xiligii Fahad Yaasiin lagu dari lahaa liiska cunaqabateynta EU

MUQDISHO, Soomaaliya - Dad badan ayaa god ugu jira, kuwa ayaa Xabsi u jiifa, in kale baa dalka dartiisa uga cararay Fahad Yaasiin afartii sano ee dowladda Farmaajo jirtay 2017-2021.

Wuxuu Fahad ku lug lahaa ama bixiyay amarka dhibaato kasta oo dalka ka dhacday iyo dhiig kasta oo la daadiyay, wuxuu adeegsaday Ciidanka qaranka oo hubkii difaaca cadow loogu tala galay ayuu u isticmaalay inuu ku meel-marsiiyo danaha qarsoon ee uu ka leeyahay Soomaaliya.

Dadkii shacabka ee lagu xasuuqay Baydhabo doorashadii Lafta-Gareen December 2018, xarigii Roobow, weerarkii iyo isku-daygii dilka ee CC Warsame, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif dhamaantood Fahad ayaa ka dambeeyay.

Waa marqaati ma doonto, Fahad Yaasiin wuxuu gacan ku lahaa xadgudub kasta oo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhaca Soomaaliya, waxayna galaan diiwaanka dembiyadda Fahad Yaasiin, maalinbaa la xisaabin!

Waxaa la gaarey xiligii la maxkamdeyn lahaa Fahad Yaasin, maadaama uu waqtiga dowladdii uu dhistay dhamaadey, lagana soo saaro hay'adda NISA ee uu gabaadka ka dhiganayo. Cidna sharciga iyo cadaaladda kama sareyso.

Midowga Yurub ayaa Isniintii cunaqabateyn saaray Eritrea sababo la xiriira ku xad gudubka xuquuqda aadanaha, waxayna liiska madow ku dareen ninka madaxda ka ah hay;adda Amniga Qaranka ee dalkaas, kaasoo u xilsaarnaa aruurinta xogaha Sirdoonka, qabqabashada xubnaha mucaaradka ku ah Afwerki iyo su'aalaha la waydiinayo.

Bilowgii bishaan Maarso, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in Ciidamada Eritrea ay ka howlgalayaan guud ahaan woqooyiga Itoobiya ee gobolka Tigreega, iyadoo warbixinnada la soo saarayna ay tilmaamayaan inay mas'uul ka ahaayeen gaboodfallada ay kamid yihiin kufsiga iyo dilalka sharciga ka baxsan.

Fahad Yaasiin waa nin siyaasadiisa dhanka Ciidanka iyo xukun marooqsiga ku xiran kaligii taliye Afwerki oo hadda Ciidamo NISA kusoo biiray usoo tababaraya, kuwaasoo qaarkood la geeyay Itoobiya, laguma dilay gobolka Tigreega.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.