Wasiir la sheegay inuu la shaqeeyo Shabaab oo Muqdisho lagu xiray

Wasiirkan ayaa la dhashay gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, oo la sheegay inay xarigiisa ka dambaysay kadib markii NISA ay ku wargelisay inuu la shaqeeyo walaalkeeda Kooxda argagaxisada Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Wasiir la sheegay inuu la shaqeeyo Shabaab oo Muqdisho lagu xiray

MUQDISHO, Soomaaliya - Luqmaan Xaaji Baarqab oo ah Wasiirkii hore ee Maaliyada Hirshabeelle ayaa lagu xiray magaaladda Muqdisho kadib markii lagu eedeeyay inuu la shaqeeyo Al-Shabaab, isagoo u gudbin jiray xogaha dadka ay Kooxda doonayso inay disho.

Xariga Wasiirka waxaa ka dambaysay, sida Keydmedia Online ogaatay walaashiisa Jawaahir Baarqab, oo hadda ah gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir, oo u gacan-gelisay hay'adda NISA markii uu Muqdisho yimid.

Luqmaan ayaa horey ula soo shaqeeyay gobolka Banaadir, waxaana ku socda hadda baaritaan, iyadoo NISA sau'aallo ku waydiinaysa xabsi ku yaalla magaaladda Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.