Weerar lagu qaadey Baraawe iyo Wararkii ugu dambeeyay

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalka uu yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay weerartay Saldhiga AMISOM ee nawaaxiga degmada Baraawe, waxaana labada dhinac soo gaarey khasaaro.

Warar Keydmedia Online
Weerar lagu qaadey Baraawe iyo Wararkii ugu dambeeyay

BARAAWE, Soomaaliya - Ciidanka AMISOM ayaa iska-caabiyay weerar gaadmo ah oo Kooxda Al-Shabaab ku qaadey saldhig ay ku leeyihiin duleedka magaalo xeebeedka Baraawe, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay maqlayeen xalay dhawaqa hoobiyeyaasha iyo hubka kale ee la isku adeegsaday dagaalka, kaasoo Al-Shabaab iyo AMISOM ay uga dhinteen askar iyo dagaalayahanno, sidoo kalena uu jiraan dhaawacyo.

Ciidanka AMISOM waxay saakay sameeyeen howlgal ay ku xaqiijinayaan amniga, waxayna tageen tuulooyin banaanka degmada ku yaalla, iyagoo baadi-goobayay kuwii xalay weerarka kusoo qaadey, laakiin ma jirto cid ay xireen illaa hadda.

Baraawe oo mudo sanado badan ku jirta gacanta dawladda ayaa ka go'doonsan gobolka intiisa kale, iyadoo aan lagu tagi karin safar dhulka ah, waxayna Saraakiisha isticmaalaan dhanka badda marka ay aadayaan Marka ama Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.