Xaaladda Gaalkacyo iyo Khasaaraha Qaraxa oo kordhay

Garoonka waxaa xiliga qaraxa buuxay dadweyne aad u badan, oo isku diyaarinayay soo dhaweynta Ra'iisul Wasaare Rooble oo Gaalkacyo booqasho ku tagey.

Warar Keydmedia Online
Xaaladda Gaalkacyo iyo Khasaaraha Qaraxa oo kordhay

GAALKACYO, Soomaaliya - Khasaaraha dhimashadda qaraxii Is-miidaamiinta ee shalay ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta ee Koonfurta Gaalkacyo ayaa sii kordhaya, waxaana hadda ay gaartey tirada 17 oo isagu jira Saraakiil Ciidan, askar iyo shacab.

Naftii-hallige isku soo xiray walxo qarxa ayaa isku qarxiyay albaabka laga galo Garoonka Cabdullaahi Ciise xili galab ah, oo dadku ay buuxeen goobta oo ka socotay soo dhaweynta Ra'iisul Wasaare Rooble, oo booqasho ku joogey Gaalkacyo, qeybta Galmudug maamusho.

Ujeedka weerarka ayaa ahaa in lagu dilo Rooble, balse ka badbaadey, iyadoo dartiisa u dhinteen Taliyihii Qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka DANAB qeybta 16aad ee Galmudug, ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyihii hore Gaalkacyo ee Puntland iyo dad kaloo shacab ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda qaraxa, oo ay rabtay inay ku disho RW Rooble, laakiin ku laysay Saraakiil Ciidan oo muhiim u ahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, oo madaxdeeda ku fashilmeen amniga dalka.

Farmaajo iyo Rooble labaduba waxay baraha bulshada uga tacsiyadeeyeen qoysaskii iyo eheladda dadkii ay jeclaayeen ku waayay qaraxa, waxayna direen baaq ku aadan in dagaalka Al-Shabaab meel looga soo wada jeesto.

Xaaladda magaaladda ayaa saakay degan inkastoo uu jiro bandow, waxaana socda baaritaan ay wadeen Ciidamada amniga oo dadka guryaha ugu galaya iyagoo baadi goobaya Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.