Xasan Sh: Farmaajo Naag la furay ayuu ilmo ka dhalayaa

"Farmaajo wuxuu sameynayo waxba kama duwan Nin Xaaskii ay kala tageen oo wali Caruur ka dhalaya, Xukuumadda maanta jirtaa waa saas, sharci kuma dhisna," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sh: Farmaajo Naag la furay ayuu ilmo ka dhalayaa

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Sheekh, Madaxweynihii hore ee Soomaaliy ayaa banaanka soo dhigay hab-dhaqanka Farmaajo iyo sida uu ugu ciyaarayo dowladnimada xili lagu guda jiro waqtigii kala-guur ah, oo ahayd in la samata-bixiyo wadanka.

Qaladka ugu wayn ee uu Farmaajo sameeyay ayuu ku sheegay Xasan Sheekh inuu yahay in dalka ka dhigay Xukuumad la'aan mudo 54 cisho ah, taasoo noqonaysa arin ugub ah oo aan horey u dhicin.

Laga soo billaabo markii dalka uu xorriyada qaatey 1960, Madaxweyne soddon (30) Maalmood ka badan haystay in Raii'sul Wasaare uu magacaabo soo ma marin, Madaxweynaha wuxuu sameynayo dastuurka sax kuma ahan" ayuu yiri Xasan Sheekh.

"Madaxweynaha wuxuu sameynayo waxba kama duwana nin xaaskiisa kala tageen/furay oo wali ilmo u dhalaysa. Xukuumadda Maanta jirtaa waa saas, sharci ma ahan, waa sharci darro, dastuurka meel uu ka tilmaamayo ma jirto in Xukuumadii dhacday sii shaqeyso, oo qawaainiin cusub dejiso, islamarkaana sharciyo soo saarto," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in waxa meesha ka socdo ay falaad tahay, aaney ka jirin dowladnimo iyo nidaam sharci ah, wuxuuna ku eedeeyay Madaxweynaha inuu kala go' ku sameeyay qulqulkiisa dowladnimada iyo dib u yagleelida Soomaaliya.

"Madaxweynaha isagaa khilaafka ka dhex abuuray labada golle ee baarlamaanka oo ka dhigay howlgab, sidoo kalena Xukuumadii meesha ka saarey," sidaasi ayuu cod dheer ku sheegay Xasan Sheekh, isagoo xusay in Farmaajo afkiisa ka maqleen doorasho iyadoo waqtiga 3 bilood ka dhiman tahay.

Hadii Madaxweynihii laga rabey in noqdo ilaaliyaha dastuurka, isagaa ku tumanaya, sidee dadka kale ugu dhaqmayaan?. Farmaajo wuxuu abuuray jawi cusub, isagoo lasoo baxay astaamihii keli-taliska, waana dhaqan dalka aan lagu xukumi karin, oo lasoo tijaabiyay.

Doorashadda oo dib loo dhigo, wuxuu Xasan Sheekh Maxamuud ka digay inay ka dhalato dagaal iyo fowdo, isagoo ugu baaqey Farmaajo in dalka badbaadadiisa ka shaqeeyo, oo uusan u horseedin colaad dhacda, oo isaga mas'uuliyadeeda qaadi doono.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.