Xog cusub oo laga helayo Qaraxii Xalay ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxa oo ahaa mid lala damacsanaa in lagu dilo wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga Soomaaliya, balse uu ka badbaaday.

Warar Keydmedia Online
Xog cusub oo laga helayo Qaraxii Xalay ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay qaraxii Xalay Fiidkii ka dhacay Isgoyska Taleex, ee magaaladda Muqdisho, kaasoo uu ku dhintay mid kamida howlwadeenada Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya.

“Wasaaradda Cadaaladda waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma Ilyaas Maxamed Sheekh Cabdikariim oo kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda, wuxuuna ahaaya Shaqsi Allah kusifeeyey akhlaaq iyo howl-karnimo, waxaana Allah uga baryeynaa inuu Naxariistiisa kawaraabiyo, anakana Samir iyo iimaa” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen.

Marxuum Ilyaas geeridiisa waxay qabsatay xalay baraha bulshada, wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo dhawaan jaamacad kasoo baxay islamarkaana u shaqeynayay dalka, laakiin uu ku dhintay fal argagaxiso oo loo maleegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabbdinaasir Saciid Muuse (Bahaay).

Muqdisho waxaa tobaadkii hore ka dhacay qarax Is-miidaamin ah, oo loo adeegsaday Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa kaasoo la rabey in lagu dilo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen Odowaa Yuusuf Raage, balse uu ka badbaaday weerar. Qof dhalinyaro shacab ah oo wadada Tarabuunka marayay ayaa ku dhintay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.