Afgambigii dhicisoobay ee Madaxweyne hore Farmajo

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Qiyaastii 2 ama 3 habennimo ee 26 iyo 27 Disember 2021, Madaxweyne hore Maxamed Cabdullahai Farmajo wuxuu soo saaray warsaxaafadeedyo uu ku fuliyo qorshe oo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xussein Roble ku dhalliilayo, kaddibna shaqada uga joojiyo, si uu xukunka kula wareego.

Afgambigii dhicisoobay ee Madaxweyne hore Farmajo

Farmaajo ayaa isku dayay in uu joojiyo doorashada, kaddibna ku codsado taagerada dalalka Ruushka, Shinaha, Qatar, Eritrea, iyo Ethiopia. Nasiib wanaag, qorshahaas waxaa fashiliyay saraakil iyo ciidammo geesiyaal ah, naftood hurayaal ah, go'aansaday inay difaacaan dastuurka kmg iyo nidaamka dimoqradiga ee Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya doortay.

RW Roble wuxuu ku guuleystay inuu subixii 27 disember 2021 tago xafiiskiisa la rabay in lala wareego, asagana lagu go'doomiyo gurigiisa haddii aan la dilin.

27 Disember 2021, RW Roble wuxuu shacabka Soomaaliyeed u jeediyay khudbad uu ku cambareeyay tilaabadii uu qaaday Madaxweynihii hore. 

RW Roble wuxuu shacabka soomaaliyeed u sheegay in Farmajo yahay madaxweyne hore, musharrax madaxweyne a mid ah musharrixiinta kale, hase yeeeshe doonaya inuu hay'adaha iyo awoodda dowladda u adeegsado danihiisa shakhsiga u ah, haddii kale uu burburiyo dowladnimada Soomaaliya. RW Roble wuxuu sheegay in Madaxweyne hore Farmajo ku soo qaaday weerar ciidan xafiiska RW iyo Xafiisyada Golaha Wasiirrada si looga hor istaago gudashada waajibaadkooda qaranka. RW Roble wuxuu ku amray dhammaan hay'adaha dowladda oo ay ku jiraan Ciidammada Qalabka Sida inay si toos ah uga amar qaataan Xukuumadda, xafiiska RW. Gaar ahaan wuxuu faray Ciidammada Qalabka Sida inaysan ka amar qaadan Maxdaxweynihii hore Farmajo.

RW Roble wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday sida ay uga go'an tahay in doorashada barlamanka federaalka noqoto doorasho hufan, loo siman yahay, daahfuran. Wuxuu sheegay in shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu ballansanaa 27 Disember 2021 dhici doono, Madaxda dowlad goboleedyada ka soo qayb geli doonaan.

Nasiib darro, RW Roble kuma xusin khudbadiisa geesiyaashii Ciidammada Badbaada Qaranka ee fashiliyay isku daygii muddo kororsiga April 2021 iyo isku daygii afgambigii 27 Disember 2021, kuwaaso u bareeray inay noloshooda u hibeeyaan difaaca dastuurka iyo dowladnimada Soomaaliya.

RW Roble waxaa sugaya inuu u diyaar garoobo mowjadaha iska soo daba dhacaya maalmahaan gudaha iyo dibeddaba. Waxaan halkaan hoose ku soo bandhigaya talooyin ku aadan mowjadaas:

1. In tallaabooyinka , dhaqanka, iyo go'aamada RW Roble waafaqsanaadan khudbadii taarikhiga aheyd ee 27 Disember 2021. Waxaa muhiim ah in RW Roble qaadan tallaabo iyo go'aan aan mudnaanta siineyn kuwa difaacay dastuurka iyo dowladnimada (Ciidammada Badbaada Qaranka).

2. In dhacda 27ka disember loo fasirin khilaaf dhexmaray ama dhexyaal asaga iyo Madaxweyne hore farmajo ee dhacdaas aheyd afgambi dhicisoobay. Sidaa darted, Madaxweyne hore farmajo yahay dambiile qaran ee ku tallaabsaday inuu burburiyo xukuumad sharci ah, isla markaana hor istaago geedisocodka doorashada barlamaanka federaalka, isla markaana halis geliyay noloshada Ra'iisul Wasaaraha, qoyskiisa, iyo ilaaladiisa.

3. In Beesha Caalamka laga codsado in Madaxweyne hore Farmajo laga fogeeeyo Xarunta Madaxtooyada si howlaha xukuumadda xilgaarsiinta iyo hirgelinta howlaha doorashada uga badbaadan jillafooyin iyo qalalaase, isla markaana xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka uga xorooban kontrolkiisa, fidnadiisa, cadaadiskiisa, iyo hagardaamadiisa.

4. In beesha caalamka loo sheego in ku sugnaanta Madaxweyne hore Farmajo xilka Madaxweyne sharcidarrada ah ay xaaladda siyaasadeed ee dalka gelisay cakirnaan, qalalaase, is maqal la'aan, iyo kalsoonidarro. Sidaa darted, waxaa lagama maarmaan ah in si degdeg ah Madaxweyne hore Farmajo ka mid noqdo musharrixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha, inuu faraha kala baxo dhammaan howlaha dowladda. Haddii uu ka harayo musharraxnimada, waa ka sii fiican tahay, wuxuuna noqon kara dibed joog ilaa laga dooranayo Madaxweyne cusub.

5. In safaaradaha shisheeyaha, xubnaha Golaha Ammaanka, iyo Madaxda dalalka iyo Ururrada Caalamiga ee Arrimaha Soomaaliya daneeya lala socodsiiyo afgambiga iyo mowqifka xukuumadda xilgaarsiinta iyo codsiga ah in Farmajo laga fogeeyo Madaxtooyada JFS si looga gudbo caqabadaha iyo xiisadaha ay wadaan tabcanayaasha (proxies).

6. In Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo diblomaasiyiinta Soomaaliyeed lagu wargeliyo go'aannada ku xusan khudbadda RW Roble, isla markaana lala socodsiiyo ka amar qaadashada Xukuumadda iyo xafiiska RW keli ah.

7. In Saraakiisha Ciidaammada Xoogga Dalka, Nabadsugidda, iyo Booliska loo sameeyo kormeerayaal ka mid ah Golaha Wasiirrada si loola socdo hawl galkooda.

8. In Madaxweynayaasha DG oo ka mid ah Golaha Wadatashiga Qaranka lagu baraaruiyo in laga wada shaqeeyo samatabixinta dalka iyo turxaabinta doorashada si kalsoonida shacabka kor loogu soo qaado.

9. In shacabka Soomaaliyeed laga codsado feejignaan, heegan, iyo taagero buuxda muddada kala guurka ah si loo hirgeliyo doorasho hufan iyo xasillooni siyaasadeed.

10. In beesha caalamka, sama jeclayaasha, danleyda siyaasadeed, dillaalinta, qaswadayaasha, jaahwareeriyaasha la gaarsiiyo inaysan isku masquulin dhexdhexaadin iyo arrimo kale, loona sheego in danta dadka iyo dalka ku jirto in madaxweyne hore Farmajo u hoggansamo dastuurka iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo ee uu ku dhaartay 8dii Febraayo 2017, isla markaana ka buuxa khudbadihii uu ku galay tartanka doorashada xillka Madaxweynaha.

11. In lala socda kooxaha ku howlan beenta, dicaayadaha, iyo marin habaabinta ee isugu jira Soomaalida iyo Ajnabiga ee uu howl geliyeen madaxweyne hore farmajo iyo kooxda N&N.

Dr. Maxamud M. Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.