Dictator Farmaajo wuxuu Kansar ku yahay Soomaaliya!

Falanqeyn Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

Qof kaloo nagu cudubba, wuxuu doono ha isaga keen dhigo, wuxuu doono ha inoo jilo, wuxuu doonoo been-iyo-hawaas ahba ha inoo aqriyo, laakiin dictator Farmaajo, shantii sanee lasoo dhaafay, ayaa inooga filan. Fadlan dib aan kuu xasuusiyo kaligii-Taliyahan.

Dictator Farmaajo wuxuu Kansar ku yahay Soomaaliya!

1-Dictator Farmaajo soow ma aha qofkii dhalinyaro tiradooda lagu qiyaasay 5000, oo tababar ciidan loogu diray dalka Eretria, naftooda ka iibsaday cadowgeena soojireenka ah ee Itoobiya, si iyagoo calooshood-ushaqeeystayaal lasoo qasbay ah (Mercenaries), ugu dhamaadaan gobolka Tigree, ee uu dagaalka ka wado Aby Axmedka Itoobiya. Sidee wadaniyad qofkaa ummada kulasoo indha-Cadeeyn karaa bisinkee?

2-Dictator Farmaajo soow ma aha, qofkii casaasimada dalka dagaalka ka dhex-Qarxiyey, kaasoo dhiig ku daatay, shacab farabadanna ku baro-Kaceen, si uu ugu darsado 2-Sanoo xaaraan ah. Bisinka! Waa ninkaa ku fikirayay xukun uu iskasii heeystoo, qori caaradii iyo jajuub isaga heeysto.

3-Dictator Farmaajo soow ma aha, qofkii hanti-Dhowrkiisii uu ku eedeeyey, ineey ku maqan tahay malaayiin doollaroo ah hantidii ummada. Waliba wax xisaab-Xir sanadeed ahba aan sameeyn, intuu xafiiska joogay, marka laga reebo halkii mar ee uu sameeyey, ee malaayiinta dollar kusoo bexeena, waakan burburiyey guddigii maaliyada ee baarlamaanka. Dad aan waxba ogeynbaa naleh hantida dadweynaha ma cuno! Malaha warbixintii Baarlamaanka iyo tii hanti-Dhowka qarankaba ma eeysan arag, maqal, aqrinna warkeedaba daa.

4-Dictator Farmaajo soow ma aha, qofkii dagaalka ba’an ku qaaday, ee isku dayey inuu burburiyo, nidaamkii federaalka, ee ummadu ku heshiisay, ee dastuurka dalka uu qorayo, ee deegaanno badan ku xasuuqay muwaadiniin Soomaaliyeed, si uu udul-Saaro siyaasiyiin kabo-Qaadyo isaga u ah! Si uu dhamaantood ugasoo wada saarto, xildhibaanno wada ah gacan-kurimis.

5-Dictator Farmaajo soow maaha, qofkii halgamaa Qalbi-Dhagax oo garba-Duub uxiran, indhahana ka duuban, nolosha ugu gacan-Galiyey cadowga soojireenka ah, ee ummadeena-Waa cadowga Itoobiya’e-Kaligii-Taliyahan  wadaniyada ka maran, ayaa raba inuu wadaniyad inoo jilo manta, sidii in dadkoo dhan xoolo aan waxba kala garan yihiin.Wixii dhacayna wada illoobayba.

6-Dictator Farmaajo soow ma aha, qofkii heerka musuqmaasuqa, iyo qaraabo-Kiilka uu ka gaaray, qaadkii Itoobiya ka imaanayey uxiray walaalkiis la dhashay: Xasan Farmaajo, isagoo wax canshuur ah aan laga qaadin, kadib markuu tirtiray ganacsatadii kalee qaadka, si aan loola tartaminna uxannibay qaadkii Kenya ka imaanayey, si qoyska reer Farmaajo degdeg uga taajiraan.

7-Dictator Farmaajo soow ma aha, qofkii hor-Istaagay in la maxkamadeexo, kuwii dilkii Ikraan ku eedeeysnaa, ee xarunta NISA ku dhex-Qashay, ee waliba dallacsiiyey, ee dhaqaalaha xooggan ku bixiyey, inuu xildhibaanno xasaanad leh kawada dhigo, si eeysan marxuumad Ikraam Tahliil iyo qoyskeedaba caddaalad uhelin. Xil.Aamina M. Cabdi oo caddaalad uhelida kiiska Ikraan Tahliilna iyadana khaarijiyey, oo RW Rooble sheegay in ragii dilay joogaan, waliba fariimo hayo.

8-Dictator Farmaajo soow ma aha, qofkii ummada baray, heerka liidata ee qabyaalada la gaartay, ee gobolka reerkiisa dagaan ee Gedo, qabyaaalad darteed uga gooyey maamulkii eey ka tirsanaayeen ee Jubbaland, ee Gen. Biixi ciidamada lugta madax uga dhigay, maadaama Ciidan Cir iyo mid  Bad aaneey dhisneyd, wiil yaroo aan ku khibrad aheynoo maqaar-saar ahna ciidanka guud ku magacaabay, ee sir-doonnka geeystay Kullane Jiis oo ah ninka labaade ugu awooda badan NISA, iyo Cabdi-Deere oo heeysta (Daba-Galka/Hangash-ta), iyo Zakariye (Amniyaadka Al-Shabaab heeysan jiray). Arimaha Dibadana geeystay Balal Cismaan, taasoo keentay in si qabyaal iyo qaraabo-Kiil xargo-gooystay looboobo waxkastuu qarankani lahaa, awoodna loogu adeegsado.

9-Dictator Farmaajo soow ma aha, qofkii hogaamiyaha xisbiga Wadajir mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur gurigiisa habeen madoow weeray kumiray, wiilal Soomaaliyeed, oo aan waxba-Galabsanna ku xasuuqay, waliba kabahooda kuwada duugay, ee illaa iyo maantana udiiday, inuu usheego waalidkii ubadkaa dhalay, meeshuu kabaha kula aasay, waakan kuwii laayeyna wada dallacsiiyey, iskadaa ineey caddaalad helaan dhibanayaasha iyo waalidiintoodaba’e.Xasbunallaah!

10-Dictator Farmaajo soow ma aha, qofkii diyaaradna la ridi gaaray, hotel Maa'ida ku weeraray, ee askarta uga laayey guddoomiyehii hore golaha shacabka, iyo labadii madaxweyne, ee isaga xukunka dalka uga wada horeeysey, ee waliba midna raysalwasaare ka dhigayoo ummadaba baray, midna si nabad ah xukunka ugu wareejiyey, ee Villa Soomaaliya kusoo dhaweeyey.

11-Dictator Farmaajo soow ma aha qofkii xabada kala daalay isu-Soobixii nabadeed ee Dal-Jirka Dahsoon, ee muwaadiniinta Soomaaliyeed shucuurtooda si dastuuri ah ugu cabirayeen, oo eey hogaaminayeen madax eey ku jireen raysalwasaare hore, wasiiro hore, hogaamiyeyaal ururo siyaasadeed, iyo muwaadiniin si nabad ah ugudanayey xaqooqda dimoqraadiyeede dastuuriga ah.

12-Dictator Farmaajo soow maaha, qofkii ciidan qabyaalad lagusoo xulay, ee qoristiisa uu uxilsaarnaa Kullane-Jiis, lagana soo qoray gobolka Gedo iyo magaalada Cabudwaaq, kuwaasoo lagu barxay dhalinyaro laga keenay gobollada Baay iyo Bakool, balse laga ilaaliyey dadka “Reer Muqdisho”, si eeysan beri ugu jixinjixin, maadaama caburintooda loo dhisay. Kuwaasoo magacyo kala duwan loo bixiyey sida, Waran, Duufaan, Haramcad, …iwm.Waxaa xogtu sheegeeysaa, in markii Turkida loo gudbinayey liiskooda, laga dhigay ineey Soomaali oo dhan, kasoo kala jeedaan, iyadoo reero kale duwan lagu kala qoray. Markeey tababarrada soo dhameeysteena, waxaa gacanta loo galiyey, hubkii ugu cuslaa ee Turkida Soomaaliya ku deegday. Ogoow ciidankaa hal maalin uma dhaqaaqiin dhanka Al-Shabaab iyo Daacish, ee waxaa loo isticmaalay oo kaliya caburinta siyaasiyiinta ka ra’yiga duwan dictator Farmaajo iyo kooxdiisa dhiig-Cabyada ah, ee wax dila uun.

13-Ugu dambeyn, dictator Farmaajo soow maaha, qofkii doorasho waqtigeeda ku qaban waayey, ee mudo sanad ka badan si xaaraan ah ku dhex fadhiyey guriga ummada (Villa Soomaaliya) ee walina ku haminayey, inuu Soomaaliya ka noqdo madaxweyne aan dhicin, inuu kursiga ka dhinto maahane, sidii saaxiibkii Afawergiga Eretreya! Ee kursiga qoriga caaradii iyo xoog ku heeysta.

Wa billaahi toowfiiq.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Dhaqaaleyahan, qoraa, & falanqeeye siyaasadeed. Minnesota-USA.

abdulkadirphd@hotmail.com




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.