Dictator aan dhargin!

Falanqeyn Keydmedia Online

Todobaadkaan, hal sanno ayaa kasoo wareegtay maalintii ay dhamatay muddo xileedka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Qoraalkaan Dr. Culusow ayaa uga hadalaya ciqaabta lagu muteystay ku Xadgudubka Muddo Xileedka Barlamaanka iyo Madaxweynaha JFS iyo Musuqmaasuqa Doorashada Federaalka.

Dictator aan dhargin!

8da Febraayo 2022, waxay noqon doonta maalin Ummadda Soomaaliyeed ku xusuusato in ku xadgudubka muddo xileedka xilalka dowladda, gaar ahaan Barlamaanka iyo Madaxweynaha heer kasta  iyo musuqmaasuqa doorashada heer kasta ay yihiin dambiyo qaran iyo kuwo caalmi ah, laguna muteysanayo ciqaab rasmi ah.

Qoraalka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Mareynkanka Antony J. Blinken soo saaray sannad guurada koowaad ee ka soo wareegtay dhammadka muddo xileedkii Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmajo ee kala ahaa 27 Disember 2020 iyo 8 Febraayo 2021 iyo musuqmaasuqa iyo gaabiska doorashada federaalka wuxuu caddeynaya ciqaabta ay muteysatay cid kasta ee mas'uul ka ah dib u dhaca iyo musuqaamsuqa doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha JFS. Ciqaabtaas waxay kaloo saameyneysa xubnaha qoysaska Saraakiisha dambiga gasha.

Go'aanka Dowladda Mareykanka wuxuu mas'uuliyinta doorka ku laheyd doorashada Barlamaanka Federaalka dareensiinaya inaan lagu aamini karin haynta xil dowladeed ee loogu tala galay u adeegidda danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed, ayadoo la raacayo dastuurka kmg iyo nidaamka dimoqradiga ah.
Soomaaliya waxaa u bilowday waa cusub ee loo baahan yahay in laga faa'ideysto.

Qoraalka Xoghayaha wuxuu ka kooban yahay lix (6) qodob oo kala ah:

1. In Dowladda Mareynkanka ay marar badan ku celcelisay walaaca ay ka qabto daahidda, gaabiska, iyo musuqmaasuqa dorrashada Soomaaliya, iyo  cawaaqib xumda ay arrimahaas ku leeyihiin nidaamka dimoqradiga ah iyo xasilloonida Soomaaliya.

2. In dariiqa nabad waarta ee Soomaaliya uu ku jiro degdeg u dhammeystirka doorasho hufan oo lagu kalsoon yahay.

3. In laga bilaabo 8 Febraayo 2022 oo hal sano ka soo wareegay dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha JFS (Maxamed Cabdullaahi Farmajo), Xoghayaha wuxuu amray hirgelinta siyaasadda dowladda Mareykanka ee ku cad qodobka 212 (a) (3) (c) ee sharciga Qaxootiga (Geediga) iyo dhalashada, qodobkaasoo Viisada (dal ku galka) Mareykanka loogu diidayo Saraakiisha xilka haysa ama hore u soo qabatay ee la aaminsan yahay inay mas'uul ka yihiin ama ku lug ku leeyihiin fashilka nidaamka dimqoradiga ah (dastuuriga) ee Soomaaliya, ayagoo weeraray, ku tacadiyay dhibaateeyay bannanbaxayaal, sharcidarro ku xiray ama cabsigeliyay Saxafiyiinta iyo xubno ka mid ah mucaaradka, isla markaana hagardaamiyay habsamida hannaanka doorashada. Diidmada dal ku galka waxay kaloo saameyneysa xubnaha qoysaska saraakiisha eedeysan.

4. In hirgelinta Siyaasadda kor ku xusan ay saameyneyso shakhsi kasta ee ka qayb qaatay qalloocinta, jaahwareerinta, qaska, iyo musuqmaasuqa hab-raaca doorashada oo dhaawacday habsamida doorashada Soomaaliya, shakhsi kasta ee ka baaqsaday ama ku fashilmay inuu si wanaagsan u fuliyo waajibaadka ka saarnaa ilaalinta waqtiga iyo daahfurnaanta doorashada, iyo shakhsi kasta ee u geystay ama la beegsaday saxafiyiinta iyo mucaaradka xisbiyada dhibaato, cabsigelin, xarig, iyo gacan ka hadal.

5. In Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboledyada ay ka dhabeeyaan fulinta ballaanqaadyadkoodii  la xiriiray dhammeystirka doorasho hufan, daahfuran ee Barlamaanka federaalka 25 Febraayo 2022, taaso u gogol xaareysa dhismaha dowlad Soomaaliyeed ee u hoggaansan Shacbiga Soomaliyeed.

6. In Mareykanka taagerayo shacabka Soomaliyeed, kana go'an tahay wada shaqeeyn lagu horumarinayo nidaamka dimoqradiga ah iyo barwaaqa gaarsiinta labada dal.

Dr. Maxamud M. Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.