Muxuu Weerarka Al-Shabaab ee Ethiopia daboolka ka qaaday?

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.

Muxuu Weerarka Al-Shabaab ee Ethiopia daboolka ka qaaday?

Sida waafaqsan dastuurka kmg, maalinta Madaxweynaha JFS la doortay la wareego xilka ilaa maalinta Golaha Wasiirrada ka helayo kalsoonida Golaha Shacbiga waxay qaadaneysa ugu yaraan 80 ilaa 90 maalmood. Sidaa darted, 90 maalmood kaddib ayaa lagu tala geli karaa bilowga rasmiga ah ee xilgudashada Xukuumadda cusub. Taas macnaheedu ma ahan in dalka aysan ka jirin xukuumad u xilsaaran fulinta hawl maalmeedka caadiga sida ilaalinta difaaca iyo nabadgelyada, socodsiinta maamulka, iyo fulinta sharciga ee dowladda federaalka. Dowladda Xilgaarsiinta ah iyo Maamulka hay’adaha dowladda waxaa laga rabaa dadaal dheeraad ah ee la xiriira hawlaha dowladda.

Inkastoo ay aad u wanaagsan tahay in lagu dadaalo soo gaabinta muddada maalmaha magacaabidda Ra’iisul Wasaaraha iyo dhismaha Golaha Wasiirrada, haddana marka la fiiriyo heerka khilaafaadka, kala daadsanaanta, iyo xaaladda murugsan ee dalka ku jiray 5 sano iyo bar, waa adag tahay dhismaha xukuumad taabbagelin karta isbeddelka ballaaran degdegga ah ee shacabka Soomaaliyeed ku taamayo. Doorashada 2021-2022 waxay la dagaalantay kobaca dhaqan dowladeed la hana qaada Xildhibannada la doortay oo ka arraday ama iska tuuray dhaqanka iyo fikirka dowladnimada ku sharraxan dastuurka iyo Cilmiga siyaasadda iyo wadaninimada dhabta ah.

Ayadoo weli lagu jiro marxaladda kala guurka ah, waxaa dhacay labo arrimood oo xiisad iyo hadal hayn ballaaran ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kooxda N&N oo la caadifootay Ethiopia. Labada arrimood waxay kala yihiin:

1. War Madaxweynaha Masar sheegay asagoo la taagan Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar, warkaasoo ahaa in Soomaaliya iyo Masar isku waafaqeeyn “khatarka ku jirta siyaasadda hal dhinac maroorsiga ah ee la xiriira mashaariicda saameyneysa webiyada caalamiga ah iyo lagama maarmaanimada ilaalinta mabda’a iskaashiga iyo Wadatashiga hordhaca ah ee ka dhexeeya dalalka biyo wadaagga ah si loo xaqiijiyo inaan dhibaato loo geysan dal ka mid ah dalalka biyo wadaagga ah.”

Qoraalka Ingiriiska:

“ We were in agreement on the dangers of ‘unilateral policies’on international rivers, as well as the inevitability of commitment to the principles of cooperation and prior consultation among littoral states to ensure no damage is done to any of them (states).”

Webiyada iyo badaha caalaamiga ah waxaa ka jira sharciyo iyo xeerar loogu tala galay in looga hortago dagaallo la xiriira ka faa’ideysiga iyo maritaanka badaha iyo webiyada mara dalal badan.

11 dal ayaa webiga Nile wax ka sheeganaya. Nolosha iyo horumarka dalka Masar waxay ku xiran tahay biyaha webiga Nile.

Soomaaliya oo deris la ah Ethiopia, dhibaato culus ayaa ka soo gaareysa dagaal Masar iyo Ethiopia ku dhexmara muraanka biyo xireenka Ethiopia hirgelineyso oo 25 km u jira xuduudka Ethiopia la leedahay Sudan oo dhinac ka ah muranka.

Dagaalka ka dhex socda Russia iyo Ukraine ayaa saameeyay dhammaan adduunka, gaar ahaan nolosha shacabka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa dhexdhexaadineysa Masar iyo Ethiopia/Sudan, taaso muujineysa cabsida laga qabo baaxadda dhibaatada ka dhalan karta dagaal ka dhex qarxa saddexda dal.

Labada webi ee Soomaaliya Jubba iyo Shabelle waxay ka yimaadaan Ethiopia, waxaana jira in dowladda Ethiopia ka wado biyo xireenno gudaha dalkeeda, ayadoo aan wadatashi kala yeelaan dowladda Soomaaliya, taas ah sharcidarro iyo ku xadgudub xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.

Mawqifka DF ee Madaxweyne Xassan Sheikh waa sax, dhexdhexaad, waafaqsan sharciga caalamiga ah ee biyaha, ilaalinta xuquuqda iyo danaha shucuubta Masar, Sudan, Ethiopia iyo kan shacabka Soomaaliyeed, iyo ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida geeska Afrika.

Waxaa intaa dheer in Soomaaliya ay xubin ka tahay Jaamacadda Carabta, isla markaana Masar, Sudan, iyo Soomaaliya wadaagaan xiriir sokeeye. Lama inkirin xuquuqda shacabka Ethiopia.

Dowladdii Madaxweyne Farmajo waxay la safatay Ethiopia, waxayna iska indhatirtay sharciga Caalamka, xaqa shacabka Masar iyo Sudan, iyo danta shacabka Soomaaliyeed, iyo u hiilinta nabadgelyada deegaanka geeska Afrika.

Labo Wasiir Arrimo Dibedeed ayaa xilka looga qaaday diidmada mawqifka qaldan ee Madaxweyne farmajo qaatay. Wasiir Maxamed Cabdirizaq wuxuu sheegay in Dowladda Masar loo diiday inay shacabka Soomaaliyeed soo gaarsiiso kaalmo aad loogu baahna oo diyaarad militeri soo qaadi laheyd si Ethiopia loo raalli geliyo.

2. Weerar Ururka Al Shabab oo ka mid ah ururrada argagixisada Caalamiga ah ka fuliyay Ethiopia. Ururka Al Shabab wuxuu dagaal ka wadaa Soomaaliya, Kenya, Ethiopia, Angola, Mozambique, iyo Nigeria. Ethiopia oo si xun oo dal qabsi ah u adeegsaday la dagaalanka Maxkamadihii Islamiga ah iyo Ururka Al Shabab waxay ka dhaxashay jab taarikhi ah.

Markaa kaddib, sida lala wada socda, Beesha Caalamka waxay ku heshiisay in Al Shabab lagula dagaalamo Soomaaliya, waxaana la keenay ciidammo ka socda dalal afrikaan ah oo ay ku jiraan ciidaamo ka socda dalka Ethiopia, kuwaaso dalka ku sugnaa 15kii sano ee la soo dhaafay. Beesha Caalamka waxay ku bixisay malaayiin doolar.

Weerarka Al Shabab ee Ethiopia wuxuu daboolka ka qaaday:

1. Fashilka Ciidammada AMISOM (ATMIS), gaar ahaan kuwa Ethiopia oo u xilsaarnaa difaaca iyo taagerada DG Jubbaland iyo Koofur Galbeed oo ah deegaannada lagu tababaray Ciidammada Al Shabab ee weeraray Ethiopia.

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka cabanaya khiyaanada iyo hagardaamada dowladda iyo Ciidammada Ethiopia ka jooga Soomaaliya oo 15 sano dhaqaale iyo taagero badan la siinayay si Al Shabab loo daciifiyo ama looga adkaado. Nasiib darro, waxaa la maraya in Al Shabab gaareen inay weeraraan Ethiopia, isla markaana xasuuq iyo burbur xad dhaaf ah ka wadaan Soomaaliya;

2. 5tii sano ee la soo dhaafay Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Soomaaliya, iyo Eritrea waxay ku mashquulsanaayeen boobka doorashooyinka Soomaaliya iyo Ethiopia si loo dhiso dowlado keligi talisyo ah;

3. Taagerada iyo taakuleynta tooska ah ama dadban ee xagga hubka, dhaqaalaha, iyo Sirta (intelligence) ee ururka Al Shabab ka helay dowladdii farmajo iyo Fahad oo marar badan laga hadlay;

4. Fashilka Sirdoonka Ethiopia oo ogaan waayay ama ogaa haseyeeshe aan waxba qaban Ciidammada Al Shabab ka soo qorteen gudaha Ethiopia, isla markaana muddo dheer lagu tababaray goobo Soomaaliya ee Ciidammada Ethiopia ka hawlgalayeen.

Ma jirin xogwarran ku saabsan weerarka Ururka Al Shabab la damacsan yahay Ethiopia ee dowladdii Farmajo/Fahad ku wargelisay dowladda cusub ee Madaxweyne Xassan Sheikh.

Waxaa ilaa hadda lala yaaban tahay farrin Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasin ku qoray Facebook-iisa, kuna sheegay inaan la sahlan weerarka Al Shabab ku qaadeen Ethiopia iyo arrimo kala duwan oo nuxurkooda ahaa ha lala shaqeeyo, ha la isu dhiibo, Ethiopia, hana laga soo horjeesto Masar, taaso ka fajicisay Shacabka Soomaaliya.

Dad badan waxay aaminsan yihiin in farmajo/Fahad iyo Ethiopia ogaayeen qorshaha muddada dheer socday ee Al Shabab ugu diyaar garoobeen weerarka Ethiopia.

5. Ma jiro sharci, sabab, iyo xikmad Ethiopia ku qabsato dhul Soomaaliyeed si ay uga taliso. 16 sano ayaa Ethiopia loo oggolaaday, lagu taageray, laguna taakuleeyay ka adkaanshaha Al Shabab, hase yeeshe ay ku fashilantay, weliba la tuhunsan yahay in hub iyo xog badan ay siisay Al Shabab.

Hadda kaddib, danta Ethiopia iyo tan Soomaaliya waxay ku jirta in Ciidammada ATMIS ( Ex AMISOM) oo kaashanaya dowladda federaalka iyo DG u gutaan waajibkooda si karti iyo daacadnimo ku jirto muddo gaaban si Al Shabab loo ciribtiro ama inay ka baxaan Soomaaliya, kaddibna dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo deeq bixiyaasha Soomaaliya ka taagera xagga difaaca, Amniga, iyo la dagaalanka Argagixisada la wareegaan mas’uuliyadda la dagaalanka Al Shabab.

Waxaa la og yahay in deegaannada qaarkood, dadweynaha Soomaaliyeed iska difaaceen, kana adkaadeen Al Shabab.

6. Dowladda Ethiopia sharciyad iyo awood midna uma lahan inay qabsato deegaan Soomaaliyeed ay xeyn daab ka dhiganeyso ( buffer zone). Al Shabab waa urur argagixiso ah, horeyna looga heshiiyay in lala dagaallamo. Ethiopia ha iska difaacdo Al Shababka dalkooda galay sida Soomaaliya, Kenya, Mareykanka, iyo dalal badan ula dagaalamayaan. Al Shabab ma ahan jabhad dowladda Soomaaliya soo hubeysay, soo taakuleysay.

Dr. Maxamud Maxamed Culusow




Falanqeyn 17 June 2022 13:43

Wakiilkii Qatar ee Soomaaliya, Fahad Yaasiin, Fahad Daahir, Cabdiraxmaan Xaji ama Ubuu Camaar, hadba sida aad u taqaan ayaa bixiyay wareysi ka kooban shan qeybood kaasoo uu qaaday wariye Faarax Cabdulqaadir Gaylan oo sanadihii la soo dhaafay ka mid ahaa saxafiyiinta saldhigtay Turkiga ee miisaaniyadda ka helayay dowladdii hore