Fahadow fallaari gilgilasho kaagama harto

Falanqeyn Keydmedia Online

Wakiilkii Qatar ee Soomaaliya, Fahad Yaasiin, Fahad Daahir, Cabdiraxmaan Xaji ama Ubuu Camaar, hadba sida aad u taqaan ayaa bixiyay wareysi ka kooban shan qeybood kaasoo uu qaaday wariye Faarax Cabdulqaadir Gaylan oo sanadihii la soo dhaafay ka mid ahaa saxafiyiinta saldhigtay Turkiga ee miisaaniyadda ka helayay dowladdii hore

Fahadow fallaari gilgilasho kaagama harto

Fahad oo ahaa shaqsi is-qariya sida Amiirkii hore ee Al-Shabaab Abuu Subeyr, ayaa daaha ka qaaday wareysi uu caro, cuqdad, ciil iyo cataaw badan ka muuqdo, kaasoo ku soo aaday maalmo kadib markii ay kooxdii uu isagu hoggaanka qarsoon u ahaa guuldarro qaraar kala kulmeen doorashooyinkii dalka, majaraha waddankana uu la wareegay mucaaradkii.

Fahad waxaa ka muuqday sas xooggan iyo degganaan la’aan, wajigiisa waxaa saarnaa walwal iyo walaahow ku aaddan muujadaha waaweyn ee ku soo wajahan, darbiyada ayuu madaxa ku garaacday si uu danbiyo uu galay dad kale ugu tiro, been aan beyd run ka ahayn ayuu miisay, wax aan moorada caqliga iyo maanka fayow galayn ayuuna tixay.

Inta aannan gudaha u gilin doodda wareysigiisa Keydmedia ayaa eegeysa dhowr qodob oo ay waajib ahayd in wax laga weydiiyo - siduu doonaba ha uga jawaabee,  yeelkeede uu wariyuhu iska indho tiray, maadaama xogahu sheegayaan in su’aaluhu ahaayeen kuwo tifaftiran oo loo meeriyay wareystaha taasoo meesha ka saartay su’aalihii dadku u baahnaayeen.

DILKII CABDIRAXMAAN CUMAR CUSMAAN [YARIISOW]

Wareysiga laguma soo hadal qaadin qarixii July 24, 2019, ka dhacay Xarunta Dowladda hoose ee gobolka Banaadir, kaasoo lagu xasuuqay maamulkii caasimadda oo uu ugu horreeyo Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Yariisow] kaasoo ahaa dhacdo weyn oo dalku marti-galiyay intii Fahad talinayay.

Qaraxaas oo hadda laga joogo 2 sano, 10 bilood iyo 22 maalin, ma jirto baaris rasmi ah oo lagu sameeyay, wuxuuna ka mid yahay kiisaska la filayo in dowladda cusub dib u furto sida ay Keydmedia ogaatay, waxaa hore u soo baxay eedo xooggan oo qaraxa la xariirinaya xafiiskii Fahad Yaasiin, halka ay jiraan kiisas kale oo xiriir la leh qaraxaas oo dhacay khaarijinta Injineerka kadib.  

14 OCTOBER 2017 - QARAXII MUQDISHO [SOOBE]

Wareysiga loogama hadlin weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara Soomaaliya taariikhda, kaasoo sidoo kale ahaa qarixii ugu dhimashada badnaa qaaradda Afrika iyo qarixii 2-aad ee ugu dhimashada iyo dhaawaa badnaa adduunka ee argagaxiso fuliso, kadib qaraxyadii 11 Sep, marka xogta Dowladdu faafisay la eegana noqonaya midka afaraad.

WEERARKII CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR WARSAME

Mid ka mid musharrixiintii xilka Madaxweynaha ee 2017, ayaa xilli saq dhexe ah gurigiisa loo daatay, ilaaladiisii la xasuuqay isagana la dhaawacay, ma jirin waararn maxakamadeed oo duullaankiisa fasaxday, waxaana la bililiqeystay dhamaan hantidii gurigiisa taallay, ilaa hadda ehallada askartii la laayay ma oga in la aasay in la gubay midna.

DHIIBISTII CABDIKARIIN SHEEKH MUUSE [QALBI-DHAGAX]

Bishii Agoosto 2017, waxaa Dowladda Itoobiya loo gacan galiyay Cabdikariin Sheekh Musse [Qalbi-dhagax] taasoo xiisado siyaasadeed oo ka dhashy ay sababtay in Xukuumadii xilligaas jirtay ay urur-ka ONLF u aqoonsato urur argagaxiso, taasoo qaraw iyo qarracan siyaasadeed ku noqotay umadda geeska Afrika oo Itoobiya ugu horreyso.

DUL-MARKA QODOBBADA UU KA HADLAY

Ujeedka uu wareysiga u bixiyay Fahad Yaasiin wuxuu ahaa 4 qodob, afartaas labo ka mid ah, isaga ayaa isku difaacayay, mid ka mid ah beelo Soomaaliyeed ayuu qoorta isku galinayay, halka midka kalana uu Dowladda cusub ku furayay mowjido waaweyn iyo eedo aan maan-gal ahayn oo durba bulshadu si weyn uga hor timid.

Tusaale; ka hadalka Kiiska Ikraan Tahliil iyo eedeynta Mahad Salaad, wuxuu ka dhigtay gaashaan uu uga hor tagayo sharciga isaga duullaanka ku soo ah, sidoo kale wuxuu dilka Ikraan dusha ka saaray beel gaar ah, si uu isugu dhifto Habargidir & Gaaljecel, hayeeshee, isku daygaas ma hirgalin, waxaana xusid mudan in Fahad qabiillo badan qoorta isku galshay in uu talada hayay.

KIISKA IKRAAN TAHLIIL FAARAX

Fahad wuxuu ogyahay in aan looga hari doonin kiiska Ikraan, sidaas daraddeed wuxuu go’aansaday inuu dhilka Sarkaaladda oo maqan tan iyo 26-kii Juun dusha ka saaro, Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad oo ah labada shaqsi ee hadda laga sugayo in ay kiiska dhaqaajiyaan.

Fahad wuxuu sheegay in Ikraan aysan wax shaqo ah u heyn NISA, wuxuu inkiray in ay dhanka ammaanka internet-ka u qaabilsanayd hay’adda, hayeeshee xogta rasmiga ayaa ah, in ay Sarkaaladdu shaqo muhiim ah u heysay Nabad-sugidda, waliba ay Fahad iyo Kullane Jiis ka soo celiyeen UK – kadib markii ay qorsheeyeen in ay khaarijiyaan.

Hadallada aan is-qabaneyn ee Fahad, weydiimaha ka dhalanaya waxaa ugu horreya, haddii aysan Ikraan u shaqeyneyn NISA, waa maxay sababta loo beegsaday?, xitaa ay u beegsadeen RW Roobe iyo Agaasime Mahad, ma waxa ay waayeen shaqsi u shaqeeya hay’adda?, waa marka hadalkaada laguu raaco, taas in uusan ka fakarin ayaa muuqata.

Haddii aysan Ikraan ku maqneyn gacanta Fahad, maxay isaga iyo Farmaajo u hor istaageen in kiiska loo daayo cadaaladda? Waa maxay sababta ay hadallada aan isku dhinaca u socon u jeediyeen Fahad iyo Yaasiin Farey oo labaduba ku eedeeysan kiiska, uguna sarreeyay NISA, xilligii raq iyo ruux ugu war danbeysay Ikraan Tahlii?

EEDEYNTA MAHAD MAXAMED SALAAD

Fahad si uu uga baxsado Mahad oo kursigiisii dhaxlay, gacantiisana ay galeen xogo kala duwan iyo gabood-fallo uu Fahad galay, ayuu dusha ka saaray eedo uu gaashaan ka dhiganayo, si marka dacwooyin kala duwan lagu soo oogo uu u yiraahdo, waxaa i beegsanaya raggii aan hore u sheegay ee danbiilayaasha ahaa. Yeelkeede, taasi waa “Fallaari gil-gilasho kaagama harto”.

Fahad wuxuu ku dooday in Mahad Salaad uu lahaa xasaanad Xildhibaannimo, taasoo hay’adaha amniga ka hor istaagtay in ay la xisaabtamaan, hadalkaas wuxuu muujinayaa in Fahad uusan maalin qura aqrin Dasturka dalka, wuxuuna iska indha tiray inuu isagu ahaa shaqsigii xeer ilaalinta u adeegsaday in ay dalbato in xasaanadda laga qaado Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka 2017-kii.

Fahad wuxuu duullaan ku qaaday Madaxweynayaashii hore oo 18-kii Feberaayo 2021 ku sugnaa Huteel Maa’idda, halkaasoo lagu dilay ilaaladoodii, halka uu maalinkii xigtay weerar ku qaaday bannaan-bax silmi ah oo ay hoggaaminayeen, RW Kheyre iyo CCW, kaasoo uu qeyb ka ahaa Mahad Salaad. Sida uu sheegay, hadduu ilaalinayay xasilloonida dalka, ma dhacdadaas fowdo amni oo ka weyn ayaa jirtay?.

MAXAA LOOGA FADHIYAA DOWLADDA CUSUB?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa looga fadhiyaa inuu si buuxda ula xisaabtamo shaqsiyaadka danbiyada ku eedeysan ee Fahad iyo Kooxdiisu ugu horreeyaan, si mar kale looga fogaado in koox xilka qabata aysan u galin gabood-fallo la ceyn ah jarriimooyinkii magaca dowladda lagu galay shantii sano ee la soo dhaafay.

MW Xasan Sheekh, waa inuu geed dheer iyo mid gaabanba u koro, sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen qoysaska Ikraan Tahliil Faarax, Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Yariisow] oo ku maqan gacanta Fahad Yaasiin, waana in howlaha 1-aad ee garsoorka iyo ha’adaha amnigu noqdaan Caddaalad u raadinta dhibanayaashii shantii sano ee la soo dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.