Digniin: Barri ayaan ka nahay rafaadka uu Rooble soo wado 

Falanqeyn Keydmedia Online

Soomaaliyeey hala ogaado in Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble reerna ma matalo, raad nin weyna ma leh, waxa uu fadhiyaa meel aan cidina kaga war qabin cidna usaan ku matali, oo haddii uu bahal ku cunayo aan la ogeyn, lagana soo gaarin!

Digniin: Barri ayaan ka nahay rafaadka uu Rooble soo wado 

Nin ay isku hayb yihiin Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa yiri “Waxaan kamid ahaa guddi is abaabulay oo afar jeer la kulmay RW beel ahaan ayaan ugu tagnay Ra’iisulwasaaraha intii uu xilka hayay, waxaan xasuustaa afarta su’aalba wuxuu uga jawaabay si isku mid ah!”.

Markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday guriga hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaan la kulanay Mr.Kheyre, waxaan weydiinay beesha aan walaalaha nahay cabasho ay noo soo jeediyeen awgeed ayaan kuugu nimid, ninka odayga ah gurigiisa inta la weeraray, oo lixdii askari ee ilaalada u ahaydna la laayay ayaa isagiina gacanta laga jibay, ee maxaad kala socotaa?” si aan dhib yareen ayuu uga jawaabay howshaas dowladda ayaa wadata!

Shariif Xasan Sheikh Adan oo ahaa madaxweynihii ee dowlad goboleeka KGS, xididna la ah reerka uu kasoo jeedo Ra’iisulwasaaraha ayaa waxay u dacwoodeen tolka, waxayna ku yiraahdeen “Aw-Shariif maxaa loo haystaa? Oo cadawga loo dul dhigay?” iyagoo rajeynaya in xididnimada darteed loo difaaco ayey kooxdan u aadeen Ra’iisulwasaare Khayre, isna warkiisu wuu caddaa oo miskiin ilaahay ayuu ahaa, labiskiisa iyo qolyaha Kaamirooyinka wata ee daba-yaacaya ayaa loo moodi jiray nin xil sare haya, dushiisana gabbaad laga dhigan karo, hayeeshee waa lagu hungoobay wuxuuna ku yiri guddigii maalintaas la kulmay “Howshan dowladda ayaa wadata!

Shakhsigii la doonayay in lagu baddalo Shariif Xasan Sheikh Aadan inagoo xog ka raadinayna ayaan Kheyre la kulanay mar saddexaad, waxaana weydiinay xiriirka kala dhaxeeya Lafta-gareen oo xilligaas kamid ahaa golahii wasiirada ee xukuumaddii Xasan Cali Khayre. Waxa uu noo sheegay in Cabdicasiis Lafta-gareen uu yahay shakhsi markii horeba kaga mid noqday golaha wasiirada talada madaxweyne Farmaajo, anigana Ra’iisulwasaare uun ayaan u ahaaye xiriir kale nagama dhaxayn, haddana dowladda ayaa wadata qorsho la doonayo in madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed looga dhigayo” ayuu yiri Kheyre

Markii waqtigiisa lagu ciriiriyay madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ee ay dowladda Farmaajo qorsheysatay in ay meeshaas nin geystaan ayey kooxdii dhallinyarada ahayd u aadeen Ra’iisulwasaare Khayre in ka helaan xog shakhsiga ay dowladdu gadaal ka riixayaan, waxayna weydiiyeen “Musharraxa  Axmed Qoor Qoor yaa soo xulay?” si lamida su’aalihii horay loo weydiiyay ayuu haddana yiri “Dowladda ayaa wadata Qoor Qoor!”.

"Dowladda ayaa wadata" oraahdaas waxay macnaheeda noqotay Farmaajo oo uu ku lammaansanyahay Fahad ayaa wata qorshaha, wax talo reageed ah ee uu ku lahaa dowladda ayaana soo baxday Xasan Cali Khayre oo markan musharax u ah in uu fariisto Xafiiska Villa Soomaaliya!

Ra’iisulwasaare sidaas loo isticmaalay kaarkiisa oo aan wax saameyn ah ku dhex yeelan bulshada intii uu joogay, talo uu leeyahayna aan maalina la fulin, qof ahaana liita ayuu madaxweyne Farmaajo markiisii horeba doonayay, muddo xileedkii dowladda markii uu gabagabo yahay ayuu ka hor yimid si lama filaan ah, durbadiiba Farmaajo wuxuu go’aansaday in la baddalo Xasan Cali Khayre, oo markaa la keeno xafiiska mid isaga ka liita!

Konton maalin ku dhawaad ayey ku qaadatay nuuc ahaan qofkii la doonayay in lasoo helo, wuxuu soo helay Ra’iisulwasaare cusub oo baddal loo aayo u noqon kara Kheyrihii halka mar dabka qaaday ee buulkii u uku jiray qabadsiiyay! Maxamed Xuseen Rooble wuxuu ku qancay in uu xafiiska sii joogo muddo 4 bilood ah oo ka dhimman muddo xileedka dowladda Farmaajo uu hoggaamiyo, dadnimo xumidiisa iyadoo la gorgoninayo ayaa loo keenay markii ugu horreysay liiska Golihii Wasiirrada ee sharci ahaan loogu talagalay in uu soo xulo Ra’iisulwasaaraha isagoo la tashanaya mas’uuliyiinta kale ee Dowladda iyo aqoonyahannada.

Qofna isagoo aan ku darin kana dhimin ayuu si indho la’aan ah u hor keenay Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa gole, si hal-heel ah ayaa qalinka loogu saxiixay magac-u-yaaladii NISA iyo Villa Somalia ay soo xuleen, dood kalena kama ay dambeyn!

Beel ahaan reerka uu ka dhashay Ra’iisulwasaaraha durba wey ogaadeen tayada wiilkooda ku matala kursiga 2-aad ee ugu sarreeya Soomaaliya, in badan oo kamida wey u cudur daareen waxayna ku yiraahdeen waa nin magaca Ra’iisulwasaaranimada uun uu u muuqdo! Ninka soo xulayna waa Dikteetarkii weynaa ee Farmaajo oo markiisii horeba iska ilaalin jiray in uu xafiis u dhiibto qof ka hor imaan kara, dabacsanaantiisa iyo dadnimo xumidiisa waxa ay aad u soo shaac baxday oo looga qancay markii uu soo magacaabay gole wasiirro oo midna uusan ku laheen wax talo ah!

Rooble waxa uu qeyb ka yahay shakhsiyaad loo ekeysiiyay mas’uuliyiin balse tiir dhexaad u ah Ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo oo doonaya in uu xafiiska kusoo laabto isagoo kaashanaya Abaan-duulaha weyn ee Fahad Yaasiin, Qatar, Eritrea, Itoobiya iyo Qalqalayaasha Facebook. 

Soomaaliyeey hala ogaado in Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble reerna ma matalo, raad nin weyna ma leh, waxa uu fadhiyaa meel aan cidina kaga war qabin cidna usaan ku matali, oo haddii uu bahal ku cunayo aan la ogeyn, lagana soo gaarin! In la helo shakhsi sidan oo kale magac u yaal ah waxay dadka qaar ku qaadataa muddo dheer, Fahad iyo Farmaajana waxay soo heleen Qaboobe aan goojo dhiig ah iyo damiir midna aan lagu arag!

"Wax wanaag ah kama sugeyno falalka guracan ee u la yimaado Farmaajo iyo Fahad/Qatar ka raadsada. Habar Gidir, Hiraab, Hawiye, Ninkaas weyska barri yeeleen"

S/M

KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.