Dhalliilaha doodda ku saabsan doorashada Soomaaliya 2020

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Maalmahan waxaa shacabka Soomaaliyeed lagu jaahwareeriyay in ka maqnaanshaha Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland shirka dhusamare-3 ay aheyd caqabad hakisay in heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaanka doorashada 2020.

Dhalliilaha doodda ku saabsan doorashada Soomaaliya 2020

Haseyeeshe, xaqiiqada waxay tahay in dalka ay ka taagan yihiin caqabado ka daran, kana culus maqnaanshaha labada Madaxweyne, kuwaaso hortaagan in Soomaaliya ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, lagu kalsoonan karo, kuna dhacda waqtiga dastuurka kmg.

Caqabadaha taagan waxaa ka mid ah:

1. Madaxweyne caan ku noqday iskhilaafka ficilkiisa iyo hadalkiisa mid hore iyo dambe.

2. Madaxweyn aan shacabka soomaaliyeed u muujin ficil ahaan qabashada doorasho xor iyo xalaal ah ee ku dhacda waqtigeeda rasmiga ah oo ku aadan 27 Nofember 2020. Doorasho xor iyo xalaal ah waxay leedahay shuruudo la yaqaan ee muwaadin kasta ay tahay inuu ogaado sannado ka hor waqtiga doorashada. Ma filayo inuu jiro muwaadin Soomaaliyeed oo aaminsan in Madaxweyne Farmajo doonayo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda marka la iska iloobo dhawaaqyada iidhehda ah. Tusaale waxaa noogu filan xil ka qaadista Golaha Wasiirrada DF ayadoo 4 bilood ka dhimman tahay waqtiga doorashada 2020.

3. Madaxweyne caan ku ah adeegsiga qaaqlayaasha baraha bulshada si aan qarsoodi iyo xishood laheyn. Bulshada Soomaaliyeed waa taaqaanaa qaaqlayaashaas aflagaadeeya beelo, madax, iyo waxgarad soomaaliyeed. Diyaacadda iyo beenta Cayayaanka Baraha Bulshada (CBB) ma qarin karaan xaqiiqada bulshada Soomaaliyeed inteeda badan og tahay.

4. Madaxweyne sheeganaya inuu ilaalinayo dastuurka, isla markaana aan aqoonsaneyn, kuna dhaqmeyn dastuurka.

5. Madaxweyne ku faanaya kala qaybinta dowlad goboleedyada, kuna xadgudbaya kala qaybsanaanta awoodaha iyo shaqada dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayadoo dastuurka kmg farayo inay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada wada yeeshaan xiriir iskaashi iyo wada shaqeyn is kaabeysa, kalana soocan.

6. Madaxweyne aan dan ka laheyn xaaladda ba'an ee Soomaaliya ku sugan tahay dhinac walba 4 sano ee la soo dhaafay. Tiro ma lahan xogwarrammada qoraalka ah ee caddeynaya dhibaatada saboolnimo, nabadgelyo, iyo xaaladda siyaasadda murugsan. Waxaa ugu dambeeyay daraasadda Bankiga Adduunka (World Bank) soo saaray bisha Agoosto 2019, cinwaankeedu yahay xaaladda dhaqaalaha iyo Warbixinta Guddiga Maamulka Maaliyadda Soomaalia (Financial Governance Committee) soo baxday bisha Luulyo 2020, ee ku saabsan maamulka maaliyadda dalka, warbixintaasoo daaha ka qaadeysa maamulxumada ka taagan bixinta ruqsadaha Shidaalka iyo qandaraasyada dowladda.

7. Madaxweyne degdegga u aqbalay kalsooni kala noqoshada xukuumaddii RW Xassan Cali Kheyre, hase yeeshe go'aansaday inuu dalka ku hayo xukuumad la'aan 50 maalmood, welina socota, taaso ka soo horjeeda dastuurka kmg iyo nidaamka dowladnimo iyo duruufaha adag ee dalka ku sugan yahay.

8. Madaxweyne dhirrigelinaya in xukuumad aan sharci aheyn maalin kasta soo saarto ama qaado go'aammo iyo tallooyin aysan awood u laheyn, kana soo horjeeda dastuurka kmg.

9. Madaxweyne ku doodaya doorashada Hal Qof iyo Hal Cod (HQHC) asagoo ogsoon in sharciga doorashada uu saxiixay ka soo horjeedo dhammaan mabaadi'da doorashada HQHC. Sababta xilka looga qaaday Golihii Wasiirrada dalka ka talinayay saddexda sano iyo bar ee la soo dhaafay waxay aheyd inaan la diyaarin doorasho HQHC. Sidaa darted, waxaa yaab ah in Madaxweyne Farmajo ku gorgortamayay shirkii dhusamareb-3 in doorashada HQHC lagu magacaabo "doorasho deegan isu soo bax" (Electoral Constitutency Caucuses), taaso macnaheedu yahay inuusan akhrin sharciga uu saxiixay ama u bareeray inuu ummadda Soomaaliyeed ku jaahwareeriyo dood doorasho aan miro dhal aheyn.

10. Madaxweyne ka soo horjeeda mdinimada iyo xoreynta Jubbaland, xasillonnida Puntland, dhismaha dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle oo karti leh oo is maamula, iyo Horumarka iyo ilaalinta karaamada Koofur Galbeed.

11. Madaxweyne adeegsanaya ciidammo ajnabi ah si ay u soo qabtaan siyaasiin Soomaaliyeed, isla markaana qoranaya ciidammo qarsoodi ah ayadoo aan la raacin sharci iyo nidaam maamul dowladeed, kuwa sharci ahaana shaqada laga eryay si sharci darro ah.

12. Xildhibanno sheeganayaan inay yihiin sharci dejiyayal iyo sharci ilaaliyaal, haseyeeshe aan marna difaaceyn amase doodooda aysan ku saleyneyn sarreynta sharciga iyo xoojinta u hoggaansanaanta nidaamka dowladnimo ee ku dhisan xukuna sharciga. Isma waafaqsana doodaha iyo fikradaha Xildhibannnanada Barlamaanka Federaalka, gaar ahaan kuwo aqoon fiican leh iyo xilkooda sharci dejiyayaal iyo sharci ilaaliyaal. Waa nasiib darro in xildhibaannadii laga filayay inay taageraan sarreynta sharciga ay noqdeen cadowga sharciga.

13. Xildhibanno caado ka dhigtay inay xaqiraan ama eedeeyaan beelo soomaaliyeed si ay u helaan sad dheeri ah oo aan ku saleysneyn xisaab iyo sinnaan isu dhellitiran.

14. Xildhibanno ka gaabiyay gudasha xilkooda ku aadan diyaarinta nidaam doorasho ee taabbagal ah muddo hore, isla markaana idaacadaha iyo fagaarayaasha la taagan fikrado doorasho aan suuragal aheyn in waqtiga la joog laga doodo ama la tixgeliyo, haddii kale ay kallifeyso in doorashada 2020 dib loo dhigo sanooyin, taaso ka soo horjeeda dastuurka kmg iyo xasillonida dalka.

15. Mas'uulin iyo aqoonyahanno tilmaamaya si gardarro ah maqnaanshaha madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland shirka dhusamareb-3, hase yeeshe aan marna tilmaameyn maqnaanshaha mas'uulka ka muhiimsan labada madaxweyne ee shirkaas oo ah "Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka." Haddii RW xilka laga qaaday, waa beddelkiisa shirka ka soo qayb gala.

16. Mas'uulin iyo aqoonyahanno ku doodaya in go'aammada shirka dhusamareb-3 yihiin gogoldhig, ayagoo ogsoon in mabda'a asaasiga ee doorashada 2020 iyo shirarka dhusamareb-1 iyo dhusamareb-1 ahaa in go'aammada doorashada 2020 ay ahaadaan kuwo wada oggol ku yihiin dowladda federaalka iyo dowladda goboleedyada oo ah hay'adaha dowliga ah. Madaxweyne Farmajo ayaa diiday wax qabashada caqabadaha/carqaladaha uu abuuray shirka dhusamareb-3 ka hor, isla markaana khasbay saxiixa heshiis sharcidarro ah, iska hor imaanaya, loo dhammeyn. Go'aammada doorashada 2020 ee aan loo dhammeyn ansax ma ahan, waana gef loo bareeray, wax ka soo qaadna ma leh.

Sidaa awgeed, waxaa muhiim ah in la tixgeliyo caqabadaha kor xusan iyo kuwa kale ee xog ogaal loo yahay si doodaha dadweynaha lala wadaagayo ay uga tarjumaan xaaladda dhabta ee dalka marayo, isla markaana loo helo xal taageraya aayaha wanaagga ee shacabka Soomaaliyeed higsanayo.

Dr. Maxamud M Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.