Muxuu Weerarka Al-Shabaab ee Ethiopia daboolka ka qaaday?
Dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada oo aan wali fara ka qodneyn. Waxaa muuqata in dowladda Federaalka aysan laheyn qorshe cad iyo istaraatiijiyad lagu wiiqi karo cududa argagixisada.
Tobankii sano ee ugu dambeeyey waxay kooxda Al-Shabaab weerarro kala duwan ku hayeen Soomaaliya, khaasatan Koofurta Soomaaliya iyagoo goobo badan gacanta ku dhigay kana samaystay xarumo muuqda iyo kuwo aan muuqan, ayna ka hawlgalaan taageerayaal iyo malleeshiyaad taabacsan qadiyadooda. Dowladda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyaduba waxay la kulmayeen weerarro abaabulan oo isugu jira qaraxyo, shakhsiyaad la beegsanayo, afduub iyo hoobiyeyaal lagu weeraray xarumaha maamullada sida Xarunta Madaxtooyada, Garoommada diyaaradaha iyo xeryaha ciidammada.
Saddexdii bilood ee ugu dambeysay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay weerarro dhaliyey khasaarooyin badan. Dowladda ayaa mar walba ku doodda inay hagaajisey amniga, khaasatan Xukuumadda hadda jirta ayaa qaaday tallaabooyin ay ku sheegeen inay amniga ku wanaajiyeen oo uu ka mid yahay inay xireen waddooyin badan oo caasimaddda u ah halbowle iyagoo aakhirkii xayndaab ka samaystay Madaxtooyo iyo goobaha u dhaw keliyana ay dowladdu mari karto Waddada Maka Al Mukarama iyo Waddada Dekadda.
Tallaabadaas ayaa dhalisay inuu ganacsigii ciriiri galo, sidoo kalena ay dhacday tacadi aan ku wanaagsanayn aadaminnimada oo aan xitaa isbitaalladii iyo iskuulladii sahal lagu tegi karin, lagana kala danaysan karin goobaha kala durugsan iyo degmooyinka caasimadda adigoo uusan kaa lumin wakhti badan, kharash badanna uusan kugu bixin. Arrimahaas ayaa horseeday inay dadweynuhu ka caroodaan kana rajo dhigaan inay Xukuumadani amniga wax ka qaban karto, waxayna inta badan dadku ku nuuxnuuxsadaan inay ku fashilantay amniga balse idaacadihii tebin lahaa qaarna lacag la siiyey qaarna la handadey, dowladduna dad ay lacag siisay ka hawlgelisey baraha bulshada si ceebahaas loogu beddelo faan iyo dicaayado been ah, oo dadka lagu marin habaabinayo, laguna faanayo in amnigii caasimaddu hagaagey.
Keydmedia ayaa isku dayda inay u kuurgasho amniga caasimadda iyadoo baaritaanka loo kala saaro xilli-xilli. Haddaba haddii aan tusaale u soo qaadanno bilihii u dambeeyey, baaritaanno iyo qiimayn ay Keydmedia diiradda saartay weerarradii ka dhacay caasimaddda iyo gobollada dalka lana kaashatay xeeldheerayaal amniga aqoon durugsan u leh ayay ku ogaatay in goobaha la weeraray iyo taariikhada hoos ku xusan ay ahaayeen weerarradii ugu cuslaa:
Todobaadka Keydmedia Online ay diyaarineysay Warbixintaan iyo Barnaamijka Maqal & Muqaalka ah waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay shan Weerar:
Sidoo kale isla xilligaas waxaa magaalada Muqdisho dilal qorshaysan loogu geystay ciidan ka tirsan booliska oo shaqo ka hayey goobo kala duwan oo caasimadda ka mid ah iyadoo mararka qaarna hore loo sii qaatay qoryihii ay shaqada ku hayeen.
Markii si dhaw loo jalleeco weerarradii sannadihii tegey waxaa laga fahmi karaa Al-Shabaab inaysan weerarro teel-teel ah iska qaadin balse ay beegsadeen goobo iyo dad cayiman kuwaasoo inta badan leh xiriir dhaw, sida xilligii ay hoteellada weerari jireen, xilligii ay xarumaha degmooyinka weerari jireen, xilligii ay xarumaha wasaaradaha weerari jireen.
Hoggaanka hay’adaha amniga ee Soomaaliya ayaa ah kuwo aan inta badan lagu soo xulin aqoon amni balse lagu keenay eex, nin jeclaysi iyo dano gaar ah. Runtii ma lahan la-taliyeyaal, ama hoggaan fahmi kara, diyaarinna kara istiraatijiyad amniga lagu hormariyo. Hawlwadeenada ayaan aheyn kuwo xitaa aqoon u leh dhaqanka, taariikhda iyo bedka degaannada Soomaaliya ka mid ah ee ku yaal Koofturta dalka ee u baahan in amnigooda la hagaajiyo oo ay caasimaddu koow ka tahay.
Welwelka ugu weyn ee masuuliyiinta qaar laga qabi karo ayaa ah inayba yihiin kuwo u adeega wadammo shisheeye oo aan rebin inay Soomaaliya nabadi ka dhalato. Weerarada Al-Shabaab ma ahan kuwo ay iska qaadaan xilli walba; waxay si gaar ah u beegsadaan hay’ado dowladeed, shaqaalaha goobo gaar ah iyo xarumo gaar ah. Haddaba markii aad jalleecdid goobaha iyo shakhsiyaadka qaraxyada iyo dilalka lala beegsaday 2-dii bilood ee uu dambeysey, waxaa ku cad in bartilmaameedku hadda uu yahay ciidanka Booliska iyo ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliyeed iyo dabcan xarumaha muhiimka ah ee caasimadda iyo gobollada ku yaal ee ay ka hawlgalaan.
Xeeldheereyaasha oo aan weydiinney bal inay noo iftiimiyaan qaababka looga hortegi karo weerarrada isugu jira qaraxyada naftood-halligeyaasha, miinooyinka waddada dhinaceeda lagu aaso amase la dhigo iyo dilalka qorshaysan ee lagu bartilmaameedsado shakhsiyaad ka mid ah shaqaalaha dowladda ee ciidan iyo rayidba leh.
Waxay inoo sheegeen inay muhiim tahay in la qaado tallaabooyin dhawr ah oo lafdhabar u noqon kara istaraatiijiyadda la-dagaalanka argagixisada sida: xuuraan iyo wardoon sugan. Sidoo kale waxay sheegeen inay muhiim tahay in fahan buuxa laga haysto lana qiimayn karo weerarradii aan soo dhaafnay taaso suurtogelin karta in la ogaado goobaha iyo hay’adaha sida gaarka ah ay diiradda weerarradu u saaran tahay ee la bartilmaameedsanayo iyo xiriirrada ay weerarradaas qorshaysani yeelan karaan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments