Falcelinta Dowladda Mareykanka iyo Midowga Reer Yurub 

Dowladda Mareykanka iyo Midowga Reer Yurub waxay door weyn ku lahaayeen abuuritaanka xaaladda murugsan ee dalka ka taagan, waayo ayagoo si hoose ula socday xaaladda ka dareysa maalin walba ayey ka aamusnaayeen, mararka qaarkoodka difaacayeen, ammaanayeen dowladda federaalka.

Falcelinta Dowladda Mareykanka iyo Midowga Reer Yurub 

Muddo dheer waxaa taagnaa khilaafka u dhexeeyay dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada, khilaafka u dhexeeyay laba aqal ee Barlamaanka Federaalka, ku tumashada dastuurka kmg iyo xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed, xumaanshaha xaaladda Ammaanka, xoogeyshasha Al Shabab, wax ka qabasho la’aanta dhammeystirka dastuurka kmg iyo diyaarin la’aanta doorashada 2020/2021 iyo tixgelin la’aanta farriimaha Golaha Ammaanka. 

Dowladda Mareykanka iyo Midowga Reer Yurub way la socdeen dhammaan arrimahaas oo dhan, waxna kama qaban. Maanta oo bilo yar ka harsan yihiin muddo xileedka hay’adaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha ayey ku soo baraarugeen ficillada sharci darrada iyo siyaasadda qar iska tuurka markii ay ka dhex qaraxday dowladda federaalka dhexdeeda oo RW Kheyre Xilka looga qaaday si ka baxsan nidaamka dowladiga iyo nidaamka Barlamaanka Federaalka. 

Waxaa kaloo  xadgudub ah in Dowladda Mareykanka iyo Midowga Reer Yurub ay hadda la shaqeynayaan xukuumad sharci darro ah, khilaafsan dastuurka kmg oo ku dhaqaaqday tallaabooyin xaaran ah oo ay ka mid yihiin ku xadgudubka xuquuqda Madaxda iyo shaqaalaha la shaqeyneysay RW Xassan Cali Kheyre. Dastuuri ma ahan in Ku Xigeenka RW Xassan Cali Kheyre loo magacaabo Sii haye RW, waayo RW Xassan ayaa ahaanaya xilhaye maamul ilaa RW cusub la soo magacaabayo. RW Xassan ayaa xilka wareejinaya. 

Go’aanka kalsoonida lagala noqoshada wuxuu saameynaya dhammaan xubnaha Xukuumadda/Golaha Wasiirrada Xassan Kheyre. 

Haddii xubin ka mid ah Golaha Wasiirrada ay aaminsaneynd in Xukuumadda aysan gudaneyn xil keeda, waajibku wuxuu ahaa in Xubintaas is casisho ka hor codka kalsooni kala noqoshada. Ma dhicin.

Waxaa riwaayad ah in usbuuc ka hor Madaxweyne Farmaajo ka mid ah fulinta ( executive) haseyeeshe shirkii dhuusamareb iyo kaddib qaatay koofi inuu yahay Madaxweyne aan ka mid aheyn fulinta, inkastoo uu u diiday fulinta inay gudato xilkeeda ah inay toos ula xaajooto dowlad Goboleedyada, asagana ka war sugayo heshiiska iyo heshiis la’aanta dhinacyada hay’adaha fulinta ee dowladda federaalka ka kooban tahay oo ah dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. 

Afarta qodobka ee lagu eedeeyay Xukuumadda RW Xassan Cali Kheyre waa eedo mas’uuliyadeeda qayb weyn ku leeyihiin Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha JFS sida dhammeystirka dastuurka, diyaarinta doorashada, miisaaniyadda, iyo Ammaanka. Waa foolxumo in Guddoonka Golaha Shacbiga kala saari waayay mas’uuliyadaha ka dhexeeya ama wadaagaan hay’adaha dastuuriga, kuwa Barlamaanka laga rabo, iyo kuwa fulinta sharci ee Golaha Wasiirrada ama Xukuumadda gaarka u ah. Haddii dood xalaal ah dhici laheyd, Guddoomiyaha Golaha Shacbiga wax badan ayuu ka faa’ideysan lahaa nidaamka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda oo xilka Barlamaanka Federaalka. 

Dowladda Mareykanka iyo Midowga Reer Yurub waxaa la sugaya inay ka dhex baxaan shacabka Soomaaliyeed si ay masiirkooda mas’uul uga noqdaan si kastaba, ama inay ka qaataan door waafaqsan ku dhaqanka sarreynta sharciga, ilaalinta nidaamka dimoqradiga ah, daahfurnaanta maamulka, iyo ka qayb galka buuxa dadweynaha ee siyaasadda, iyo ilaalinta xuquuqda mucaaradka iyo guud ahaan xuquuqda Aadamiga ah, gaar ahaan muwaadiniinta soomaaliyeed. 

Dr. Maxamud M Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.