Farmaajo oo Fahad ku garab istaagay dilka Ikraan!

Falanqeyn Keydmedia Online

Madaxweynaga xilkiisa dhamaaday waxa uu ka shaqeynayaa hurinta colaad iyo abuurida buuq lagu hakinayo howlaha doorashada iyo ilaalinta habsami u socodka maamulka dowladda ee RW Roble mas’uuulka ka yahay, waa falaanqeynta Maxamud M. Culusow.

Farmaajo oo Fahad ku garab istaagay dilka Ikraan!

Qoraalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah Madaxweyne hore oo muddo xileedkiiisa dhammmaday ku burrinayo, kuna beddelayo go’aanka RW Maxamed Xussein Roble shaqada uga joojiyay Fahad Yaasin waa mid ujeeedadiiisu tahay in lagu abuuro buuq laguna hakiyo howlaha doorashada iyo ilaalinta habsami u socodka maamulka dowladda ee RW Roble mas’uuulka ka yahay ilaa xukuumad rasmi ah laga dhisayo dhammaadka doorashada kaddib. 

Farmaajo ma cuskan, mana suxin qodob dastuurka iyo sharci kale ee u oggolaanaya inuu burrin karo go’aanka RW Roble. Farmajo wuxu aaminsan yahay in dalka Somaaliya lagu xukumo fikradihii, dhaqankii, iyo bayaankii 1aad iyo kii 2aad ee kacaanka 21 Oktoobar 1969.  

Dalka laguma xukumo wareegto aan sharci waafaqsaneyn iyo rabitaanka keligi Taliyaha sharciga ka sarreeya. 

Farmajo ma aaminsana in Soomaaliya lagu xakumo dastuurka kmg ee la ansixiyay 1 Agoosto 2012 iyo mabaadi’da nidaamka dimoqradiga ah oo ka soo horjeeda kii kacaanka 21ka Oktoobar 1969. 

Farmajo ma caddeyn sababaha go’aanka RW u baalmarsan yahay dastuurka iyo sharciga. Hadalkiisa waa hadoof aan saldhig laheyn.

Dambiga ama eedaha Fahad Yaasin shaqada looga joojiyay waxaa caddeeyay RW Roble. Dastuur ahaan Farmaajo awood uma laha inuu eed ku soo oogo Fahad Yaasin ama mas’uul kale ee hoos yimaada RW. 

RW ayaa u xilsaaran qiimeynta iyo anshax marinta Fahad Yaasin. 

Madaxweynaha awood uma laha magacaabidda agaasimaha guud NISA. RW iyo Golahiisa Wasiirrada ayaa soo magacaaba. Dekretada ay tahay inay wada saxiixan Wasiirka Amniga, RW, iyo Madaxweynaha waa sharciyeynta magacaabista. 

Magacaabidda Agaasimaha Guud NISA kaddib, RW iyo Wasaaradda Amniga ayaa mas’uul ka ah xuquuqdiiisa dhaqaale, ilaalinta xil gudashadiisa, anshar marintiisa, shaqo ka joojintiisa, iyo xilka qaadidiida. Madaxweynaha wax shaqo ah kuma laha arrimahaas. 

Waa sharci darro iyo fawdo in agaasimaha guud NISA codsado shir Golaha Ammaanka. 

Kiiska Ikram Tahlil waa qadiyad maamul iyo sharci oo aan wax xiriir ah la laheyn siyaasadda Amniga dalka. 

Qoraalka farmajo waa mid u horseedaya burburka dowladnimada Soomaaliya sababtoo ah waa mid ku tumanaya dastuurka iyo sharciga kala xadeynaya awoodaha Madaxweynaha iyo RW iyo habsami u socodka hawlaha maamulka ( public administration). 

Sharci ahaan ma jiro xiriiir shaqo ee ka dhexeeya Madaxweynaha iyo agaasimaha guud NISA, mana faragelin karo kamana qaadi karo xilkiisa xitaa waqtiga muddo xileedkiisa sharciga ah. 

Afarta qodob ee ku xusan qoraalka Farmaajo kuwaaso kala ah 87, 90, 97, 100, waa kuwa caddeynaya xilalka iyo awoodaha Madaxweynaha iyo RW, waxayna caddeynayaan in xilalka iyo awoodaha Madaxweynaha iyo RW  kala soocan yihiin, Madaxweynaha uusan RW u gacan dhaafi karin shaqaalihiisa iyo xilkiisa Xukuumadda. 

Farmaajo wuxuu iska indhatiray in Fahad Yaasin lagu soo eedeyay: 

  1. Dhimashada sarkaalad Ikram Tahlil Faarax oo baristeeda loo xilsaaray Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida;
  2. Amar diido qoraal ah iyo ku xadgudub nidaamka kala dambeynta;
  3. Ku tallaabsashada mas’uuliyad ka baxsan mas’uuliyaddiisa; 
  4. Ku dhex milan siyaasadda iyo carqaladeyn habsami u socodka doorashada 

Eedeymahaas sababta looga dhigay shaqo jooojinta agaasimaha guud NISA waa kuwa khuseeya maamulka Xukuumadda. Madaxweynaha wax xil iyo shaqo ah kuma laha arrimahaas. Shaqo ka joojinta agaasimaha guud ee NISA waxaa ka culus kana murugo badan qaran ahaan kiiska sarkaalad Ikram Tahlil. 

FahaSidaa darted, Farmaajo waa mas’uul caan ku noqday ku tumashada dastuurka, sharciga, iyo nidaamka dimoqradiga, ka go’an tahay inuu si xoog, khasab ah, sharci darro ah ku fadhiyo xilka Madaxweynaha. Wuxuu sheegtay muddo kororsi 2 sano ah, haseyeeshe shacabka Soomaaliyeed, beesha caalamka, iyo Ciidammada Badbaadada Qaranka ayaa ka diideen. 

Ma jiro hab xakameyn kara xadgudubka iyo fawdada Farmaajo oo aan ka aheyn: 

  1. Beesha Caalamka oo ku qasabta farmajo inuu joojiyo fawdada iyo sharcidarrada uu wado;
  2. Kacdoon dadweyne ku qasbo Farmaajo inuu ka baxo Villa Somalia si degdeg ah si looga baxo qaska uu wado. 

Dr. Maxamud M. Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.