Farmaajo waa musiibo Umadda ku habsatay

Farmaajo waa dictator haysta la taliyayaal wajiyo badan leh oo dilaa ah iyo Gareeno aan damiir lahayn oo dadkooda sharaftiisii iyo magaciiba god dheer ku riday, dadkoodana dulmiyay. 

Falanqeyn Keydmedia Online
Farmaajo waa musiibo Umadda ku habsatay

Hadaba labadii Madaxwayne ee xilkan Madaxwaynaha Soomaliya hore u soo qabtay iyo dhamaan madaxda musharaxiinta, Xildhibaanada mucaaraka ah waxaan u sheegaynaa in dhamaan shacabka iyaga taageersan ay niyad jab ku tahay in ay arkaan, iyaga oo la fadhiya gareenadii na duleeyay, marna ka cabanaya.
 
Markasta oo xaaladu meel xun ay ka gaadho Farmaajo waxa uu soo diraa gareenada  si imageka Mucaaradka iyo Musharaxiinta Madaxwaynaha Somaliya loo dilo, dadkuna ay u nacaan.

Hadaba dadka gareenada dabasocda waxaan u arkaa dad xil doon ah ee aan u naxayn dalka, iyo waxa ku dhacaya dadkooda, waa dad laba boglaynaya oo isleh armuu farmaajo guulaystaa oo aad halkaa wax ka heshaa.

Gareenadu hadii ay faa.iido leeyihiin Markii khayre oo kursiga ku matala, oo wax ka soo dhisay in ay yimaadaan Galmudug & Hirshabeele umay hiilin  Farmaajo ayay taageereen.
Geeridii Ganeral galaal iyo dilkiiba kamay tacsiyadayn, aaskina kamay qayb galin. Intii wax xasuusataay Gareenadu waa bahdin qoom dhan lagu bahdilayo.

Hadaba Labada madaxwayne waxaan leeyahay ma daawan karo in Xasaanadiina la idinku ixtiraami waayo oo aan dalka  wax talo ah  la idinka waydiin. Dhowr jeerna aad isku day dil ka badbaadeen. oo aanay jirin cid applogise ka bixisay ama idiin aqoonsan maqaamka aad leedihiin.

Aad ayaan uga xumahay in Farmaajo oo aan siyaasad waxba ka aqooni uu marna dil idiin diyaariyo marna sidii nin nabad raba uu gareenada idiin soo diro imagekiina la baabi,iyo. Aduunka iyo taageerayaashiinuna ay idiin arkaan dad aan mowqif adag lahayn.

An aad isla masawirtaana waa khalad niman ka hadli waayay wixii idinku dhacay, wixii dadkooda ku dhacay. Hadii shalay la idin dili lahaana walaahi in aanay gareenadu tacsina idiin direen sidii Salaad Gabayre ayaad ahaan lahaydeen dowlad diid dhintay.

Guntii iyo gabagabadii mowqif cad yeesha oo ha la fariisanina dad aan damiir lahayn. oo aan ka hadlin waxa dalka ka dhacaya iyo waxa idinku dhacaya, hadii kale isku mid ayaan idiin arkaynaa. taageeradii bulshadana waad liminaysaan. Imagekiina illaashada aduunku xitaa idinma aaminayo markay idin arkaan marna idinkoo ka xun wixii dhacay marna Gareeno Farmaajo la qoslaya.

Dalka ha la badbaadiyo illaahayna ha la talo saarto. Dictator dad ma reebo ayaan hore u ogayn. kani waa mid dal iyo dad midna aan reebayn insha Allah meel xun buu ku dambayn.

W/Q Sahra Dahir Mire




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.