Guriceel Xuddunka burburka DG Galmudug

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Todobaadkii lasoo dhaafay deegaanka Bohol ee Galmudug waxaa ka dhacay dagaal hubka culus la isku adeegsaday ee u dhexeeyay Ciidammada Dowladda Federaalka (DF) oo kaashanaya Ciidammada Dowlad Goboleedka Galmudug (DGG) iyo Xoogagga taagersan Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca (ASWJ) ee uu hogaaminayo Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Guriceel Xuddunka burburka DG Galmudug

Inkastoo waxgarad ka soo jeeda Galmudug ku dadaaleen in laga hortago bilowga dagaalka, kow, weerarka waxaa qaaday Ciidammada DF&DGG, waxaase guusha raacday Xoogagga ASWJ kaddib markii ay gurmad iyo taagero ballaaran ka heleen deegaanka Guriceel. Xoogagga ASWJ waxay Ciidammada DF&DGG ka qabsadeen gaadid ciidan iyo hub.

Dagaalka Bohol wuxuu sababay dhimasho, dhaawac, iyo barakac ballaaran. Dhaawacyadii labada dhinac waxaa loo kala qaaday dhusamareb, Guriceel, Caabudwaaq, Galkacyo, Muqdisho, iyo dalka dibeddiisa. Ilaa maanta, DF, DGG, hay’adaha Gargaarka Caalamiga ah, iyo samafalayaasha reer Galmudug uma gurman dadka ku tabaaleysan deegaanka Bohol.

Hoggaamiyaha ASWJ Sheikh Maxamed Shaakir iyo Xoogagga u soo gurmaday waxay u soo wareegeen Guriceel, halkaasoo lagu daaweynayay dhaawicii Bohol, waxayna kala kulmeen soo dhoweyn. Madaxdii Maamulka DGG ee Guriceel waa ka baxeen deegaanka.

DGG waxaa ragaadiyay khilaafyo badan. Khilaafyada ka dhex taagan reer Galmudug waxaa ka mid ah Khilaafka la xiriira fahamka dowladnimada iyo xuduudkeeda, xeerka u tartanka xukunka, khilaafka la xiriira maxaa dhab ah iyo maxaa ra’yi ah, khilaafka la xiriira wax wada lahaanshaha iyo kala lahaanshaha, Khilaafka aragtida jufada, beesha, beelaha, iyo Galmudugnimada, iyo Khilaafka la xiriira ka kala tirsanaanshaha kooxa diimeedka kala duwan. Ciilqabka musuqmaasuqa dhacayay 6dii sano ee la soo dhaafay ayaa gubaya DGG.

Guuldarrada Bohol kaddib, DF iyo DGG waxay bilaabeen guluf dagaal rogaal celis ah, waxaana magaalada Muqdisho laga soo daabulay Ciidammo tiro badan oo ah kuwii dowladda Mareykanka, Turkiga, Ingiriiska, AMISOM, iyo dalal kale u tababareen la dagaalanka Al Shabab iyo difaaca cadowga dibedda ee Soomaaliya, ciidammaadasoo watay hub culus. Waxaa kaloo la soo abaabulay kooxo durbaanka u garaaca dagaalka rogaal celiska ah ee DG&DGG ku qaadayaan Xoogagga ASWJ ee Guriceel

RW Xukuumadda Xilgaarsiinta Inj. Maxamed Xussein Roble, waxgarad badan ee deegaanka u dhashay, iyo beesha Caalamka waxay ugu baaqeen Madaxweynaha DGG Qorqor inuu wada hadal ku xalliyo Khilaafka iyo colaada ASWJ. Haseyeeshe laguma guuleysan.

22ka Oktoobar 2021, waxaa bilaabmay dagaalkii lagu hoobtay ee Guriceel. 30kii Setember ilaa 21ka Oktoobar, DF & DGG marna lama wadaagin shacabka Soomaaliyeed xaaladda dagaalka ka dhacay Bohol iyo gulufka dagaalka Guriceel.

Ayadoo dagaalku socdo, 26kii Oktoobar 2021, Madaxweyne Qorqor wuxuu jeediyay khudbad uu uga hadlayo dhibaatada murugada leh ee ka dhalatay dagaalka Guriceel, uu hogaaminayay Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawa Yusuf Raage. Wuxuu qirtay in musiibo tiiranyo badan ay ka dhacday Guriceel, wuxuu amray in dhaawacyada DF&DGG iyo kuwa ASWJ si isku mid ah loo siiyo daryeelka caafimaadka ay u baahan yihiin.

Madaxweyne Qorqor wuxuu ku dhawaaqay dhismaha Guddi Wasiirro ee DGG oo loo xilsaaray gurmadka dadka reer Guriceel; wuxuu eedeeyay Soomali iyo Ajnabi taagereysa ASWJ.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Qorqor wuxuu sheegay in mowqifka DGG yahay in ASWJ ka baxdo Guriceel iyo in DGG diyaar u tahay wada hadal; wuxuuna reer Galmudug u jeediyay baaq ku saabsan midnimo, la dagaalanka argagixisada Al Shabab, iyo ballan qaad qabashada doorashada. Khudbadda Madaxweynaha waxay gogoldhig u aheyd xabbad joojin iyo wada hadal nabadeed. Magacaabidda Guddiga Gurmadka DGG waxay saadaalineysay xabbad joojin.

Subixii 27ka Oktoobar waxaa soo baxay war sheegaya in ergo xiriir wanaagsan la leh labada dhinac ay wadaxaajood la yeesheen ASWJ, laguna heshiiyay joojinta dagaalka, ka bixidda ASWJ Guriceel iyo celinta labadii Gaadid ee lagu qabsaday dagaalkii Bohol, iyo qabashada wadahadallo u horseeda heshiis rasmi ah. Lama oga sababta Senator Cabdixakim Maalin uga maqan yahay ergada waanwaanta iyo xafladaha ka socda Guriceel.

Nasiib darro, khudbadihii Madaxweyne Qorqor, Xildhiban Mahad Salad, iyo odayaal dhaqameedka qaarkood ay ka jeediyeen Guriceel iyo hadallada Wasiirka Warfaafinta DGG Axmed Shire Falagle ka sheegayay warbaahinta waxay hurinayaan dareen colaad, kala fogaansho, kala qaybin, is maandhaaf, isla meereysi, ballan ka bax, macno tirka iyo fashilinta dadaalka ergada waanwaanta ka shaqeyneysa, waxayna dhirrigelinayaan dagaal kale ee lagu hoobto.

Waxaa muuqata in DGG soo amaahatay dhaqanka dhuuma shaalowga ah, is dowladeynta aan xikmad iyo caqli wanaagsan ku dhisneyn, is moogeysiinta, is qarinta, aamusnaanta dhaciifnimo, kartidarro, aqoondarro, iyo kalsooni darro huwan, munaafaqnimo ee DF ee Madaxweyne Farmajo iyo Fahad Yaasin ay caan ku noqotay.

Waxaa isa soo taraya dareenka ah in Guriceel ka shidan tahay colaad dumin karta DG Galmudug. Waxgarad xog ogaal u ah deegaanka wuxuu cabsi weyn ka muujiyay in isu socodka, is dhex galka, iyo wada noolanshaha jufooyinka Beesha Ugaas Xassan Ugaas Maxamed ay adkaan doonto, waayo waxaa aad loo buunbuuniyay in ASWJ ay doolal ku tagtay Guriceel.

Dr. Maxamud M. Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.