Muxuu Weerarka Al-Shabaab ee Ethiopia daboolka ka qaaday?
Waa su’aal culus oo sugaysa saman cusub iyo maskax caafimaad qabta. Waa arrin sugaysa aqoonyahan aan Qabiil maankiisa doorin iyo Siyaasi xalaal ah. Waa door sugaya in dumarku garqaade ka noqdaan badbaadinta ummadda Somaaliyeed.
Waxay ku siman tahay waayeelka, waxgaradka iyo inta hiddaha iyo dhaqanka ku halqabsata oo midooba oo isku si wax u arka oo dib u abuuray dhaqanka gabaabsiga ah. Waxay ku siman tahay in UN-ka laga kaaftoomo, Xabashida loo kala dhuumanayana laga xoroobo.
Ummadda Soomaaliyeed waxay lahayd hidde, dhaqan-dhaqaale iyo xeer soo jireen ah oo la fac ah inta bulsho Soomaalinimo ku abtirsata ay ku noolaayeen geeska Africa. Hiddaha, dhaqanka iyo xeerku waxay noo ahaayeen astaamaha ugu waaweyn oo bulshada lagu maamuli jirey.
Xeerku waa astaan nabad ku wada noolaan iyo xiirinta wax-isdhaafsiga maamulka bulshada. Waa is-dhegalka iyo isla dhaqanka ummadda kasoo soo taxnaa inta ay jirto taariikhda jinsiyadda Soomaaliyeed laga soo bilaabo deegaanka Djibouti ila Murcanyo. Dhagaxbuur ilaa Muqdisho. Raas kiambooni ilaa Gaariso, iyo inta u dhexaysa.
Si kastoo beeluhu ay leeyihiin xeer-hoosaad kala haga, siiba inta isu hiil-dhow, haddana deegaan walba waxaa kala hagi jirey xeer u dhexeeya oo cuqaashoodu sameeyeen oo lagu halqabsado, lagu xisaabtamo, laysku qaddariyo, haddana lagu waxqaybsado. Xeerku wuxuu ku salaysan yahay maamul dhaqameed nabad iyo wada-noolaan salka ku haya oo cid walba xakameeya, waxgaradkuna hoggaamiyo. Xeerku waa nadaam dhasha oo kobca, wuxuuna la ambaqaadaa hadba dhacdada cusubi waxay la timaaddo.
Hiduhu waa astaanta ka tarjumaysa hab-nololeedka iyo dhaqan-wadaagga leh afk, asalraac-diimeed, hab-maamuus bulsho, taariikh dhaqmeed gaamuray, is-qiimayn, is-qadarin iyo qiyam ku salaysan aragti bulsho. Dhaqanka suubban wuxuu ummadda Soomaaliyeed u ahaa hanti maguurto ah, hase ahaatee hadda taas waa laga tallaabsaday. Waa gabaabsi dhaqankii xurmada lahaa oo xumaanata looga fogaan jirey.
Xeerka iyo dhaqanka wanaagsan oo lagu dhaato waxay camiyaan nolosha bulshada. Hiddaha iyo dhaqanka gaamuray oo dhigaalka waa hab-nololeed ay wadaagto ummadda Soomaaliyeed oo ku nool dhulka baaxadda weyn leh oo af-Soomaaliga.
Hiddaha iyo xeerku waxay ku salaysnaan karaa qiimayn xun iyo mid wanaagsan, waase sida mar walba aragtida loo tarjumo. Marka xumaan loola jeedo, wax baa la takooraa taasoo aan ku fadhin xaqiiqo cilmi ku salaysan; waxaana kamid ah: xiriirka kala guursiga bulshada oo la takooro, is-dhexmarka bulshada oo la colaadiyo. Is-xurmaynta iyo is-qaddarinta oo la dhaleeceeyo. Isu-gudbinta cilmiga iyo aqoonta oo la beeleeyo. Xurmo la’aanta doorka ay leeyihiin maansada, guurowga, shiribka, heesaha, cayaaraha iyo qaab-nololeedka bulshada ku maararowdo oo la macnatiro, iwm.
Aaladahaas wanaagsan oo bulshada Soomaaliyeed wadaagi jirtey waxaa dabar-gooyey: Siyaasi danayste ah oo bulshada isku dira. Dagaal-ooge beeleed oo afduubay rabitaanka ummadda. Dullaal ka ganacsada dhiigga dadka iyo burburka ummadda. Dhagarlow wiiqaya nabadda iyo xasilloonida bulshada, iyo kitaab-gaablow la hullaaban dano gaar ahaaneed. Maxaa baddaley astaamihii habboonaa oo bulshadu isku karaamayn jirtey?
Waxaa la rumaysan yahay in 75% tirade bulshada Soomaaliyeed iyo 82% hantida qaran iyo khayraadka dhabiiciga in laga helo gobollada koofureed. Haddaad isha ka riddo saldhiggii khayraadka ummadda yaad eersanaysaa markaad weydo waxaad u baahnayd? Yaa ku dhimanaya haddii la burburiyo kaydka dalka? Kaa ku tanaadaya haddii gobollo dhintaan kuwii u baahnaana ka daba dhintaan? Laanta aad ku fadhido haddaad salka ka jarto yaa kaa celinaya dibirta kugu dhic doonta?
Yaa keenay inaan maamul Xabashi hoos tagno
In maamul Xabashiyeed la miciinsado waa jabka ugu weyn oo nabaadguuriyey xeerkii, dhaqaankii iyo hiddaha Soomaaliyeed. Maamulka Xabashiyeed waxaa loo arki jirey cadaw laaya dadka Soomaaliyeed, dalkana ku amartaagleeya.
Maamulka Xabashidu wuxuu sheegan jirey ilaa Balcad, sidaas darteedna waa awood rabta inay la wareegto dalka Soomaaliyeed. Siyaasiinta jabisay xeerkii bulshada Sooaamliyeed, dhaqankii iyo hiddihii lagu dhaqmi jirey weli waa noolyihiin, Miles Zenawi bayna miciinsanayaan.
Meeday midnimadii Soomaaliyeed? Maxaa loogu Abaalguday Geesiyaashii ku hoobtay badbaadinta magaca Soomaaliyeed? Qaranimada Soomaaliyeed? Sharafta Soomaaliyeed? Yaa abuuray dhacdadan keenta dhaqanrogga naafaysay midnimadii Soomaaliyeed?
Dadka Soomaaliyeed wuxuu ka siman yahay inuu is-dhexmaro, is-dhexdago, wada xidido, yeesho is-aaminid iyo wada shaqayn hufan, wada ganacsi laysku xurmeeyo. Kan cilmiga fidinaya ma lahaan jirin xuduud- beeleed xakameeya. Kan ganacsiga wuxuu badeecadiisa geyn jirey hadba sayladda ay beecadu suuqfiican ku leedahay. Kan bulshada daryeela waa la xurmayn jirey isagoon loo fiirin beesha uu kasoo jeedo.
Siyaasiga bulshada daacadda u ah waa la caleemasaari jirey iyadoon loo fiirin qolada uu yahay. Geesiga qarameedka iyo cayaartoyga soo shaac-baxay waa la ammaani jirey, kor ayaana loo xambaari jirey, iwm.
Tacabka gobollada ka yimaada waxaa loo gudbin jirey meesha looga baahan yahay, sida xoolaha ka yimaada gobollada dhexe oo dibadda loo dhoofiyo, dadka gudihiisana hilib u ah. Masagada Moordiga ah oo ka baxda Goorisane, Ufurow iyo Qansaxdheere oo laga cuno dalka inntiisa badan. Mooska, canbaha, babayga, liimada, sisinta, qaraha, iwm oo ka baxa gobollada Shabeelooyinka Hoose/Dhexe oo dalka iyo dibaddiisaba loo iib-geeyo.
Xoolaha iskinta ah, sida geela iyo lo’da oo loo suuq-geeyo dalka gudihiisa iyo dibaddisa. Ganacsaduhu ma tanaadi karo hadduusan haysan suuq xor ah oo qabiil xukumin. Ardaygu ma heli karo macallin laga aflaxo haddii maamulku ku salaysan yahay aragti qabiil iyo mid gobolaysi. Qofka jirranu ma heli karo takhtar aqoontiisa ku gaamuray oo gacantiisu dahab tahay haddii maamulka shaqada bixinaya uu ku dhaadanayo isir iyo Qabiil.
Marka maamulka gobolladu yeeshaan aragti iyo hawlgal qabiil, is-dhegalka bulsha, aqoon is-weydaarsiga iyo badeeco u kala socota gobollada way hakanayaan. Haddii gobolladu yeeshaan muuqaal qabiil, kala-guursigu waa hakanayaa waxaana nuqsaami galaysaa astaanta ugu culus oo isku xirta ummadda Soomaaliyeed, taasuna waxay wiiqaysaa xididdada qaranimada.
Jaamiciga kasoo baxa Jaamacadda Camuud ama tan Garoowe shaqo kama heli doono gobollada kale ee dalka, waayo meel walba waxaa ka jira maamul qabiil oo aan diyaar u ahayn inay qaataan aqoonyahan loo baahan yahay. Taasu waa nasiib-darro waxaa dhacdadaas hormuud ka ah siyaasiga qabiiliga ah.
Nasiibdarro koox yar oo isku sheegta siyaasin, hase yeeshee masiirka bulshada cadawga iyo dagaal-oogaha lid ku ah rabitaanka shacbiga ayaa keenay hiddah-burburka iyo dhaqan-rogga wada saameeyey bulshada soomaaliyeed.
Muddo ka yar 42 sano ayaa la burburiyey kaydkii hiddaha, dhaqanka iyo xeerka bulshadu lahayd oo soo jireenka ahaa qarniyaal badan. Ilaa maantana iyaga ayaa u heellan kala qoqobidda ummadda iyo afduubka rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed oo wiil iyo abti isu ah. Maamulka Xabashida iyo UN-ku jaal nooma aha ee waa cadaw ku riyaaqaya burburka iyo qaranduminta Soomaaliyeed.
Nasiib wanaag waxaa soo baxay dhallin yaro aqoon leh oo doonaysa inay dalka burburay dib isugu kab-kabto. Waxaa socota diiwaan-gelin canaasirta cid walba leh oo dadka iyo dalka hagardaamada ku haysa. Dambiileyaasha bulshada dumar kuma jiro ee waa wada rag u xusulduubaya inay dhaqaale ballaaran yeeshaan dabadeedna dalka ka baxsadaan. Waxaan shaki ku jirin in caddaaladdu maalinteeda leedahay.
Prof. Maxamuud Iimaan Aadan (mohamoud.iman.adan@keydmedia.net ) - KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments