Muxuu Weerarka Al-Shabaab ee Ethiopia daboolka ka qaaday?
Kolka dhinac kasta laga eego siyaasada Soomaaliya mudadii u dhexeeysay Febraayo 8, 2017 kii ilaa iyo Febraayo 8, 2021, haba-yaraatee siyaasada Soomaaliya ma samayn wax horumar ah oo la taaban karo. Horumar la'aantas siyaasadeed oo ka dhigan in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Farmajo ku fashilmay 100% siyaasada.
SAHANKA SIYAASADA SOOMAALIYA
Hadaba sahanka siyaasada Soomaaliya wuxuu sheegayaa in siyaasada u furan labo wada midkood in aay marto, waana sidaan:
1. In Mudane Xuseen Rooble sii ahaado nin ku jira JEEBKA Mudane Farmajo.
Hadii Rooble sii ahaado nin ku jira jeebka Farmajo, lagama yaabo in aay dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho la isla ogolyahay.
2. In Mudane Xuseen Rooble ka soo baxo JEEBKA Farmajo
In Mudane Rooble ka soo baxo JEEBKA Mudane Farmajo waxay fududeeynaysaa in Mudane Farmajo meesha ka baxo, hadii Farmajo meesha ka baxo waxaa fududaaneysa in aay doorasha la isla ogolyahay dalka qabtaan:
A. Shanta Maamul Dowladeed.
B. Labada Gole ee Sharci-dejinta.
C. Midowga Musharixiinta (qaab xoojin ah).
D. Iyo beesha caalamka.
Hadaba, Soomaaliyey, waxaa danta Qaranka Soomaaliyeed ku jirtaa in la xoojiyo dhaq-dhaqaaqa nabadeed ee uu bilaabay Mudane Rooble si Farmajo meesha looga saaro:
Hadii Farmajo laga saaro masraxa siyaasada, si deg deg ah ayeey xoogaga siyaasada dalku uga heshiinayaan sidii dalka Soomaaliya looga qaban lahaa doorasho la isla ogolyahay.
Hadalkii oo kooban: siyaasada Soomaaliya waxaa caqabad ku ah fashalka siyaasadeed ee Mudane Farmajo, waana Lama huraan in Umada Soomaaliyeed laga hor- wareejiyo Farmajo:
Hadii aan Dadka Soomaaliyeed laga horwareejin Farmajo lagama yaabo in dalkaan doorasho la isla ogolyahay ka dhacdo, sidaas darteed waxaa looga fadhiyaa waxgaradka Soomaaliyeed in xalka ka raadiyaan ama ka doonaan halka uu ka jiro:
Mudane Farmajo ka saara Masraxada siyaasada Soomaaliya, xal-kalena ma jiro: Full stop.
Soomaaliya Guul: Aamiin
Dr. Hassan Sheikh
Add comment
Comments