Kala baxa Xubnaha Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Ma jirto hab lagu saxi karo doorashada Barlamaanka Federaalka oo mar hore ka baxday nidaam dowladeedka ku saleysan ku dhaqanka sharciga iyo hab maamul leh hoggaan daacad ah, daahfurnaan, la xisaabtan iyo garsoor lagu kalsoon yahay. Waxaa laga been sheegay dhaartii magaca ilaahey lagu maray. 

Kala baxa Xubnaha Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha

Kulanta dhexmaray Ra’iisul Wasaare Roble iyo koox la sheegay sida baraha bulshada ku baahsan inay ka socotay Sheikh Sharif, Madaxweyne hore, ahna Musharrax Madaxweyne si ay u caddeyaan inay taageraan yihiin dardargelinta doorashada boobka ah, uga ka tanaasuleen shuruudihii ku qornaa war saxaafadeedkii taarikhdiisu aheyd 9 Disember 2021 ee ku saabsanaa hakinta doorashada Golaha Shacbiga, una soo horjeedaan baaqa shirweynaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu daaha ka qaaday labo arrimood: 

1. Xan muddo dheer la isla dhexmaray oo aheyd in sheikh sharif aheyn Musharrax Madaxweyne dhab ah, isbaheysi la yahay farmajo, isla markaana qabin aragti ka fog xildoon, jago doon aan mabda’ ku fadhin. Musharraxnimada Sheikh Sharif waxay taarikhda ku gashay dhaartii aheyd inuu dagaal ka xigo haddii aan la joojin ku tumashada dastuurka, xorriyada, iyo xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed. 

Waa nasiib darro in Sheikh Sharif khilaafay warmuriyeedka Midowga Musharrixiinta ku sheegeen qabashada shirweyne wadatashi qaran, iloobay hadafkii Ciidammada badbaadada Qaranka uga gadoodeen muddo kororsiga sharci darrada aheyd ee farmajo iyo ku xadgudubka dastuurka kmg. Kulanka wuxuu macno tiray gaboodfallada, maamulxumada, iyo boobka dalka ka socday 5 sano. Dhaxalka Mabda la’aan waa guuldarro. 

Waxaa muddo la sheegay in la taliyayaasha sheikh sharif kula taliyeen inuu aamuso, gaabsado, xal xiraale noqdo, ka hadlin gaboodfallada ka socda Hirshabelle, Galmudug, iyo Gobolka Benadir, majihuul noqdo haddii uu rabo inuu xilka Madaxweynaha ku guuleysto. 

Waxaa kaloo muddo la sheegay in Sheikh Sharif heshiis la galay Fahad -Milkiilaha Farmajo - oo dowladda Qatar oo la shaqeyneysa hay’adda Sirdoonka Mareykanka  u soo dhiibto dhaqaalaha iyo siyaasadda lagu boobayo doorashada Barlamaanka Federaalka, isla markaana lagu soo saarayo Madaxweynaha 2021-2025. 

La kulanka la Taliyayaasha Sheikh Sharif ee RW Roble iyo warka ka soo baxay waxay caddeeyeen in guuxa dadweynaha ay ahaayeen run. 

2. Arrinta labaad ee kulanka daaha ka qaaday waxay tahay isbeddelka RW Roble ku dhacay iyo heerka uu ka taagan yahay dardargelinta doorasho boob ah, baalmarsan dhammaan qoralladiisii iyo ballanqaadyadiiisii dad badan rumeysteen, haseyeeshe wada beenoobay. 

Afar sababood ee aan loo sixi karin doorashada socota waxay yihiin

1. Rabitaan la’aan ama daacad darrada (dishonesty) kooxda Farmajo+Fahad+Roble+Mahdi ee dalka u afduuban yahay oo aan aaminsaneyn ilaalinta dastuurka, xeerka, heshiisyada, iyo xuquuqda muwaadiniinta; 

2. Farmajo iyo Fahad oo si sharcidarro ah u xukuma, uguna takrifala Ciidammada iyo malishiyaadka haysta hubka shacabka Soomaaliyeed leeyahay, 

3. Colaada ka aloosan Beletweyne iyo  Garbahaarey iyo boobka iyo maamulxumada doorashada Soomaaliland iyo Benaadiga. Puntlant iyo Jubbaland oo ka dabaaqtamaya boobka Isbaheysiga kooxda Farmaajo 

4. Guddiyada doorashada heer federal iyo heer DG iyo guddiga khilaafaadka iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo ku kala jira laba isbaheysi oo is fiirsanaya, aan sharci iyo xeer iyo xaqsoor midna qabin, una shaqeynaya isbaheysiga ay kala tirsan yihiin. Guddiga federaalka, guddiga Galmudug, Koofur Galbeed, Somaliland, Benadiriga waxay daacad u yihiin Isbaheysiga Farmajo+Fahad+Roble+Mahdi+Qorqor+Guudlaawe+Laftagareen. Guddiga DG Jubbaland iyo DG Puntlant waxay daacad u yihiin Isbaheysiga SacidDeni+AxmedMadoobe.

Sida awgeed, ma jirto hab lagu saxi karo doorashada Barlamaanka Federaalka oo mar hore ka baxday nidaam dowladeedka ku saleysan ku dhaqanka sharciga iyo hab maamul leh hoggaan daacad ah, daahfurnaan, la xisaabtan iyo garsoor lagu kalsoon yahay. Waxaa laga been sheegay dhaartii magaca ilaahey lagu maray. 

Dr. Maxamud M. Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.