Kulankii Badbaadiyey Kooxda Farmaajo Balse Aasay Sumcadii Rooble

Kooxda dictator Farmaajo waxeey wajahayeen, halistii ugu cusleyd, ee soo wajahda intii eey Villa Somalia joogeen.

Falanqeyn Keydmedia Online
Kulankii Badbaadiyey Kooxda Farmaajo Balse Aasay Sumcadii Rooble

Halistaa waxeey aheyd, RW Rooble oo is badalay, heestana 8-fursadood oo wada qaali ah,  tillaabooyinna ka qaaday, ninkii sharcigaba ka sareeyey, ee lama taabtaanka ahaa, ee lagu magacaabi jiray “Milkiilaha Dowlada!” Fahad Yaasiin aka “Abuu Cammaar”, iyadoo madaxweeynihii iyo baarlamaankii lagu tuuri lahaa Rooble-na, waqtigii ka dhamaaday, oo mid cusubi doorashadiisii billaabatay, warbaahintii qarankana raysalwasaaraha lawada safatay, iyadoo raysalwasaarihiina meel fagaara ah ka sheegay, inuu cadaalad uraaadinayo, kiiskii Kashoowgi-yadii Soomaaliya: Marxuumad Ikraan Tahliil, taasoo lagu dhex qashay, gudaha xarunta Nabad-Sugidda iyo Sirdoonta Qaranka (NISA).

Kiiska Ikraan Tahliil, oo inta heer qaran dhaafay, noqday mid heer caalami ah, sidii kii Kashoowqi oo kale, ayaa ahaa mid halis weyn ku ahaa kooxda Farmaajo, gaar ahaan siduu raysalwasaare Rooble ugu dhiiraday, ayaa wuxuu ku noqon lahaa, kii uwada dhameyn lahaa Dictator Farmaajo, iyo kooxdiisa dhiig-Cabyada ah, kuwaasoo eey ugu horeeyaan, 4-ta nine ku wada eedeeysan, dilka marxuumad Ikraan, gal-dacwadeedkana ka yaallo Maxkamadaha qaranka, sida: Fahad Yaasiin, Kullane Jiis, Yaasiin Fareey iyo Cabdi qani Wadna-Qabad.

Haduu RW Rooble ugu adkeeysan lahaa, siduu fagaaraha uga ballan-qaaday, caddaalad u raadinta qoyska Ikraan Tahliil, weey uga dhamaan laheyd Farmaajo hammi tartan, eedeeysanayaashana weey uga dhamaan laheyd, xittaa xasaanad raadsasho, iyo ineey dib-udoorashada dictator Farmaajo ka shaqeeyaan, maxaayeelay midkastoo ka mid ah, siduu dalka uga dhuuman lahaa, ayuu ku mashquuli lahaa. Nasiibdarro RW Rooble ma noqon, ninkii la mooday, ama uu dadka qaar isaga dhigay, waloow xogtu sheegeeyso, kahor kulankii uu Amiirka Qatar Tamim bin Hamad Al-Thani uu kula yeeshay magaalada Doha ee dalka Qatar, ineey daacad ka aheyd, caddaalad uraadinta qoyska Ikraan Tahliil.

Amiirka Qatar Tamim bin Hamad Al-Thani wuxuu ahaa, hubka nuclear-ka ee ugu dambeeya, ee kooxda dhiig-cabyada ah ee dictator Farmaajo isticmaaleen. Sida eey sheegeeyso, xogta laga helayo xafiiska raysalwasaaraha, kulankii Doha ku dhexmaray Amiirka Qatar iyo RW Rooble, ayaa wuxuu Rooble ku qaatay “Deal”. Waxaana looga badashay, inuu ka tanaasulo, caddaalad uraadinta kiiska Ikraan Tahliil, gabi ahaantiisba. Wuxuuna meesha kusoo qaatay, inuu si kal-iyo-Laab ah uga shaqeeyo, siduu Dictator Farmaajo kusii joogi lahaa Villa Soomaaliya (Mudo kororsi dadban), ama udhici laheyd, doorasho cid aan Farmaajo aheyn kusoo bixi karin. Wuxuu ku badashay malaayiin doollar in la siiyo (5-Milyan-illaa-10-Milyan), guri aad uweyn (Mansion), oo reerkiisa la siiyey, iyo sharci daganaasho ah (Permanent Resident), oo isaga iyo dhamaan qoyskiisa lawada siinayo.

Waxaa dhanka kale la hoga-tusaaleeyey, inaanu isaga musharrax aheyn, inuu kooxda Farmaajo la dagaalo, mucaaradkana xukunka dalka yimaadaan, isagana beri shacab iska caadi ah noqdo, ineeysan jirin, wax dan ah oo ugu jirta, ama isaga iyo qoyskiisa ka faa’iidayaaan, fursadan loo soo bandhigayna eey sidaa kudhaafto isaga iyo qoyskiisaba. RW Rooble wuxuu si buuxda u aqbalay, inuu fuliyo waxa laga doonayo, badalkeedana qaato intaa loo ballanqaaday. Waxaa RW Rooble lagula ballamay, ineey waxkasto ku xirnaanayaan ficilladiisa. Kulan la jilay oo laga dhigay, in Lafta-Gareen ku heshiisiinayey RW Rooble iyo dictator Farmaajo ayaa Villa Somalia lagu qabtay, sidaana looga dhigay, in heshiisiintooda uu ka dambeeyey Lafta-Gareen. Sida lawada ogyahay, RW Rooble kulankaa uu la qaatay Al-Thani kabacdi, wuxuu waxkasta ufulinayey, sidii lagusoo ballamay.

Kiiskii Ikraan Tahliil ee sida public-ga uu ummada horteeda uga ballan qaaday xitaa,  maalintaa ayaa ugu dambeeysey. Wuxu sidaa si la mid ah uga tanaasulay, hungurina udhaafsaday sumcadisii. Wuxuu ogolaaday in NISA uu sii hayyo Yaasiin Fareey, oo ah mid ka mid ah, raggii dilka Ikraan Tahliil ku eedeeysanaa, iyadoo qorshuhu ahaa, in waxkastoo cadeymo noqon kara ee harayba, lasii baabi’iyo, dadkana lagu madadaaliyo, in taliye rasmi ah lasoo magacaabi doono, iyadoo waqtiga intiisa ugu badan, sidaa lagu lumin doono, ugu dambeeyna, hadii laga maarmi waayo, shaqsi kooxda dilka ku eeyseysan eey soo xusheen, loodhiibayo hey’ada NISA. Wuxuu dhagaha ka fureeystay baaqyada mucaaradka  iyo guud ahaan ummada. Indhaha ayuu ka fiirsaday doorashada loo boobayo dictator Farmaajo, iyo Guddiyadan boobkaa wada ansixinaya, Meeshuu kala diri lahaa, ayuu 7-ka mid ah eryey, kuna badalay 7-kaloo wada Farmaajeeysan, kuraastii eey wada ansixiyeenna, waxba kama jiraan kama dhigin…….iwm

Mar hadii meel cad eey saareen kooxda dictator Farmaajo, halistii ugu weeyneyd, ee ay wajahayeen, waxeey kooxdu ujeesatay ugaarsiga cidkastoo lasafatay RW Rooble, xilligii eey is hayyeen isaga iyo dictator Farmaajo & kooxdiisa dhiig-Cabyada ah, iyadoo kooxda Al-Shabaab laga adeejinayo. Awal waxaa ugaarsigu ku socday saraakiishii Badbaado-Qaran.

Gunaanad

Dadka qaarkii sida: Midowga Musharrixiinta, hogaanka Puntland & Jubbaland, guud ahaan mucaaradka, iyo ummada Soomaaliyeed, ee wax rajo ah, ugu laaban tahay RW Rooble, iyo inuu qaban doono, doorasho caddaalad ah, oo aan hal dhinac u rarneyn, waa dad maalin cad riyoona. Wixii dhanka mucaaradku ku qasbaanse waa meeesheeda.

WabillaahiToowfiiq

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Dhaqaaleyahan, qoraa, & falanqeeye siyaasadeed. Minnesota-USA.

abdulkadirphd@hotmail.com




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.