Labada Shabaab midkee dilay Jeneral Galaal?

Falanqeyn Keydmedia Online

Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan Soomaaliya ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii Axadda lagu qaaaday hotelka Afriik ee Magaalada Muqdisho, Keydmedia Online ayaa Su'aallo ka qabta geerida Marxuumka inkastoo ay muuqato in ay DF baaritaankeeda deg-deg kusoo afjartay. 

Labada Shabaab midkee dilay Jeneral Galaal?

Geerida Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, waxaa ka dhashay shaki weyn oo laga qabo cidda dishay dhowr sababood oo is biirsaday awgood, ma Shabaab-ka diinta beenta ah sheegtaa dilay? mise Shabaab-ka siyaasadda ku jira ee Muqdisho maamula meytiyay?

Saddexdaan Cadow midkee dilay?

Cadowgiisa1-aad, Itoobiya - AUN, Jeneraal Galaal, wuxuu lahaa cadow soo jireena oo ah dalka Itoobiya, taas oo beerantay Konton iyo Lix  sano ka hor dagaalkii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya 1964-kii oo uu ahaa Taliyihii dajiyay istaraatiijiyaddi dagaalka, sidoo kalena wuxuu si xooggan ka qayb galay dagaalkii weynaa 1977-kii.

Cadowgiisa 2-aad, Al-Shabaab - AUN , Janaraal-ku, Sanadihii danbe wuxuu u badnaa degaanada Galmudug, wuxuuna Maamulkii Ahlu-Sunna ku dhawaad Toban sano siinayay qidadda iyo qorshaha dagaal ay ku wajahayaan Kooxda Al-Shabaab, taas oo hirgalisay guulihii laga gaaray Al-Shabaab loogana xoreeyay degaanno ka mid ah Galmudug.

Cadowgiisa 3-aad, Fahad iyo Farmaajo – Cayayaan-kaan Saddexaad isagu col iyo cadoowo toona uma aqoon, cilmi ku biiri, caliga u celi, iyo cashirro sii ayuu is lahaa, hayeeshee dhaqankooda ayaa ah in ruuxii ra’yigooda diida ay dilaan, wareysi uu dhawaan bixiyay Jeneraal Galaal ayuu ku sheegay inuu ka cabsanayo in Fahad iyo Farmaajo ay wadka Soomaaliya noqdaan, waxaana u muuqatay in dad iyo dal aysan toona ka tagi doonin.

AUN, Jeneraal Galaal, wuxuu si xooggan u waday raadinta midnimada beel-weynta Hawiye, wuxuu u dul qaadan waayay kala daadsanaanta dadkaan dilatay, isaga iyo rag la mid ah waxa ay qabteen shirar iyo kulamo waaweyn oo looga gol-lahaa midnimo iyo muruq mideyn, si xal loogu helo xaaladaha murugsan, Xamar iyo Xaalkeeda ayuu xil iska saaray, xaqa ay leedahay in ay hesho ayuuna hoosta ka xariiqay, cudurada laga biskoon la’yahay ayuu carrabka ku dhuftay, fiitada bugta halka ay ku taallo ayuuna farta ku tilmaamay, taasina Fahan iyo Farmaajo ayay far bugta ku noqotay.

Sida la wada ogyahay oo aan marag iyo marqaati rabin, Fahad iyo Farmajo, si buuxda ayay kaga soo horjeedaan kulamada nabadeed ee beelaha Hawiye Muqdisho ku qabsadaan, oo ma ogola in dadka degaankan iska leh danahooda ka tashtaan si dullinimada dul habsatay isaga qaadaan, u jeedkoodu waa in koodii dagan ay dilaan, koodii darajo heysta deyriyaan, koodii dan yar ah dulmiyaan, koodii dammane ahna ku daneystaan, taas oo uu diinadaa AUN, Jeneraal Galaal.

Kooxda Al-Shabaab, qofkii ay doonaan oo dayacan waa dilaan, qofkii loo diro ee dagnna waa dilaan, in weerarkii shalay ahaa damin muddo dheer la qoolayay, lana doonaya in dad gaar ah lala beegsado waxaa tusaale kuugu filan, Saddexda Jeneraal ee halka beel ah ee huteelka joogay, Aadan Abshir Nuur ‘Labo Afle’, Yuusuf Maxamed Saciid ‘Indha-cadde’ oo weerarka ka badbaaday iyo Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo geeriyooday.

Labada Jeneraal ee badbaaday waqtigoodu ma galin oo wali waxbaa u dhimanaa, marxuumka geeriyooday-se wuxuu dhexda u galay labo codow oo kii arkaba uu dili lahaa, ragga soo qaaday meydka marxuumka waxaa ay Keydmedia Online u sheegeen inuu dhiig cusub ka baxayay oo aan la dilin fagtii hore ee weerarka, sidoo kale waxa ay KON u xaqiijiyeen in qeybta uu ka daganaa dhismaha ee qolkiisu ku yaallay qolalkii ku dhaganaa oo dhan dad bed qaba laga soo saaray.

Sida lagu haayo xogta qeyb ka mid ah weeraradii hore ee lagu qaaday huteelada Muqdidho, waxaa laga so abaabulay xarunta Maama Qadiijo waxaana lasoo adeegsaday wiilal aan dhacas xitaa wadan oo aan magaca Allah qori aqoon, oo Al-Shabaab ay markii hore qaldeen  Fahad iyo Farmaajana tantooda ku fushteen, weerarkaan kuwaas ayuu la mid ahaa.

Fahad Yaasiin oo warbaahinta Kendmedia Online ugu yeertay aabaha Argagixisada Soomaaliya wuxuu xiriir toos ah waligiis la lahaa Argagixisada wuxuuna hadda u adeeegsadaa in ay u dilaan qofkii isaga kasoo hor jeeda. Al-Shabaab ayaa afartii sanno ee xukunka Madaxweyne Farmaajo noqotay Kaar lagu shubto 'prepaid card'.

Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal haddii uu ku dhintay gacanta ciyaalkii qaawnaa ee magaca Al-Shabaab watay iyo haddi ay dileen ciidankii ay dowladdu soo direen ee huteelka tagay, labada dhibc midday tahayba waxauu ku baxay gacanta Fahad iyo Farmaajo, oo ah A-Shabaabka siyaasadda.

Weerarkii AAWarsame, duulaankii guriga Jeneral Abdi Qeybdiid, dilkii Guddoomiye Injineer Yariisow, Geerida Guddoomiye Dhagajuun, saraakiishii Gaalgacyo lagu laayay, maamulkii Garasbaalley ee la dhameeyay, Taliyayaashii Danab ee la gumaaday, qaraxyada halka qabiil loo qorsheeyay iyo weerarada joogtada ah ee lagu hayo huteelada Hawiye, waa dabar goyn ay Fahad iyo Farmaajo falkiyeen.

Keydmedia Online waxey bilaabeysa baaritaan baaxad weyn oo ku saabsan dilkii Generaalka Allaha u naxariiste. 

Guuleed Faarax - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.