Madax sharcidarro ah looma hoggaansami karo

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Madax lagu dhaariyay ilaalinta dastuurka, sharciga, midnimada dadka, danta guud ee qaranka oo ku dhaqmeysa sharcidarro, musuqmaasuq, kibir, maquunin, daneysi, isla markaana rabta in inta diidan sharcidarradaas, dhibka sharcidarrada ku dhacayso ama tabanaya xadgudubka, mucaaradka ah, ay raacaan amarkooda iyo rabitaankooda ma garaadsan, waana qaldan yihiin.

Madax sharcidarro ah looma hoggaansami karo

Muwaadiniinta dhaladka ah lama dhaariyo, waajibaadkooda iyo xuquuqdooda dastuurka ayaa dhigaya. Madaxda waxaa loo dhaarinaya inay qaadaan mas’uuliyad dheeri ah oo lagu abaalmarinayo. 

Waa damiir la’aan iyo khiyaano qaran in guddoon barlamaan oo og in muddo xileedkooda dhammaaday, lagu heshiiyay doorasho dadban, ex Madaxweyne Farmajo iyo xilgaarsiiye RW Roble carqaladeynayaan fulinteeda, uu abuuro xasarad siyaasadeed oo 2 sano laga digayay, dadka iyo dalka Soomaaliyeed dhaxalsiinaya fashil iyo burbur. Waa guddoon mudan cambaareyn iyo kacdoon aan loo kala harin. 

Waxaa muhiim ah in inta goori goor tahay la garowsado in madaxda xilka ka dhammaaday ay dalka geliyeen marxalad laga gudbay in laga hadlo maxaa sharci ah maxaanse  sharci aheyn ee muwaadin kasta ee Soomaaliyeed waajib ku tahay inuu u tabaabusheysto difaaca xaqiisa, xorriyadiisa, iyo karaamadiisa bani’aadannimo, muwaadinnimo oo uusan cid kale isku laheyn. 

Waa dhici karta in xaaladdaas ka dhalato dhibaato, haseyeeshe dhibaatadu waa lama huran marka aad u  fiirsato hadalka iyo ficillada Madaxda dooratay ku dhaqanka sharcidarrada iyo ku tumashada nidaamka dowladnimo.

Dhib waa lama huraan haddii Madaxda xukunka haysa go’aansato in awoodda sharciga, dhaqaalaha, ciidanka, xiriirka caalamka, iyo warbaahinta dowladda u adeegsado hab ka baxsan tilmaamaha sharciga, dhaqanka wanaagsan ee dowladnimada, ka taxadarka tuhun abuurka, ilaalinta xaqa muwaadiniinta, saamileyda siyaasadda, mas’uuliyadda Xildhibannada, mucaaradka, mabaadi’da daahfurnaanta, wadatashiga, oggolaanshaha la xisaabtanka, waxaan shaki ku jirin inay dhaceyso dhibaato cid kasta saameyneysa waayo ku takrifalka awoodda dowladda waxay horseed u tahay mustaqbal dilka muwaadiniinta, burburka wada noolanshaha shacabka Soomaaliyeed, iyo ku kalsoonaanta dowladnimada iyo Madaxda. 

Waa fadeexo in xildhibaannada Barlamaanka Federaalka tuhmaan hufnaanta, daahfurnaanta, iyo habraaca shaqo ee guddoonka Barlamaanka oo mas’uuliyaddooda koowaad tahay dhexdhexaadnimo, wargelin cad, ilaalin xuquuqda Xildhibaan kasta. Guddoomiyaha Barlamaanka oo matala 50,000 muwaadinin soomaali ah kama joojin karo ka qayb galka fadhiyada Xildhibaan matala 50,000 muwaadinin kale ee Soomaaliyeed haddii uusan raacin habraaca shaqada iyo go’aan qaadashada Barlamaanka oo saldhig u ah dhawrista ku dhaqanka dastuurka, sharciga, iyo xeer hoosaadka. 

Waxaa intaa dheer oo ka muhimsan in Xildhibannada marna tuhmin daacadnimada Guddoonka, haddise Xildhibaanku tuhmo wuxuu xaq u leeyahay inuu qaado tallaabo kasta ee uga hortagi karo waxyaabaha uu tuhunsan yahay ilaa ay ka caddaanayaan. Iskadaa Xildhibaannada, muwaadiniinta waxay xaq u yihiin inay ka hortaagan sharcidarrada dowladda ku kacayso ama la tuhunsan yahay inay ku kacdo. Aqlabiyadda xaq uma lahan inay ka tallaabsado habraaca shaqo ee barlamaanka si ay ujeedadeeda u gaarto. 

Ugu dambeyn, waxaa xusid mudan in ilaalinta iyo ku dhaqanka dastuurka, sharciga, xeer hoosaadka, iyo habraaca shaqo iyo go’aanshada aysan ku koobneyn cuskashada qodobbo dhowr ah, ee waxaa la fiirinaya duruufaha la marayo, dhammaan qodobbada aan la cuskan, mabaadi’da, ujeedada, himilada, la higsanayo oo ah dowlad wanaag. Guddoomiye barlamaan caan ku noqday ku tumashada dastuurka, xeer hoosaadka, habraaca wanaagsan ee dowladnimo ma xukumi karo Xildhibaan la siman,  isku cod yihiin, matalaya bulsho ama deegaan, u xilsaaran ilaalinta danta qaranka oo ka hortagaya sharcidarro dhici karta. 

Mas’uuliyadda Xildhibaanka waa mid diini ah, siyaasadeed, sharci, nabadgelyo, sirdoon (intelligence), baaris ( investigation) dhaqaale, bulsho, iyo xiriir caalami. Barlamaanka federaalka waa asaaska dowladnimada Soomaaliya. 

Dr. Maxamud M. Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.