Maxaa iga soo baxay Wareysigii James Swan?

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Wareysiga VOA la yeelatay WGXGQM James Swan ee kor xusan, wuxuu ahaa mid aad u qiimo badan oo xambaarsanaa macluumaad badan, daboolkana ka qaaday fashilka ka dhacay Soomaaliya 4tii sano ee la soo dhaafay, xaaladda murugsan ee taagan, iyo wada shaqeyn la’aanta, heerka xumaanta iyo carada dhextaal Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo muddo socotay.

Maxaa iga soo baxay Wareysigii James Swan?

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday in halka jid ee furan yahay shirka looga hadlayo qabashada degdegga ah ee doorasho heshiis lagu yahay.

Kama hadlin dhibaatooyinka soo baxay heshiiskii doorasho ee 17 Setember iyo shirkii Baydhabo kaddib sida dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmajo iyo Barlamaanka Federaalka, weerarka cidammada DF ku qaadeen bannaanbaxayaasha mucaaradka ah, Barlamaanka iyo Xukuumadda aan u hoggaansaneyn xeerka xilgaarsiinta oo ka mamnuucaya inay qabtaan ama qaataan go’aammo ka baxsan fulinta shaqada caadiga ee xilgaarsiinta ku eg, adeegsiga ciidammo Madaxtooyada iyo Nabadsugidda keli ah ka amar qaata. 

Wixii kale ee lagu dhaqaaqo waxay Soomaaliya u horseedayaan qalalaase siyaasadeed iyo burbur.  Waa xusay in beesha caalamka aad uga xumaatay musiibadii dhacday 19 Febraayo 2021, waxaana soo dhoweeyay in mucaaradka iyo DF ka wada hadleen, welina isha lagu hayo dhacdadaas. 

Hawlaha mudnaanta lahaa ( National priorities) ee aan la qaban ismarin waagga muddada dheer soo jiitamayay ee WGXGQM xusay waxaa ka mid ahaa: 

ka gungaarid la’aanta dib u Heshiisinta Soomaaliya, dhammeystir la’aanta dastuurka kmg iyo qaab dhismeedka dowladda federaalka, hirgelin la’aanta qorshaha la wareegidda nabadgelyada ( implementation of transition plan), dhammeystir la’aan Garsoorka, dhidibid u aasid la’aanta is-xukunka dimoqradiga ah, federaalka ah, xoojin la’aanta kartida iyo hufnaanta Maamulka dowladda ( strengthening capacity and integrity of public administration), fidin la’aanta adeegga bulshada, ka adkaan la’aanta Al Shabab, wax ka qabasho la’aanta mushkiladda barakacayaasha, wax ka qabasho la’aanta shaqo la’aanta ba’an, diyaarin la’aanta doorasho hal qof iyo hal cod oo xor iyo xalaal ah. 

WGXGQM wuxuu caddeeyay in Farmajo taageray codsiga RW Roble u gudbiyay UNSOM oo ahaa qabanqaabada shirka u dhexeeya DF iyo DG ee lagu qabanayo Xalane, beesha caalamkana daadihineyso. 

WGXGQM wuxuu u hadlayay danaha shacabka Soomaaliyeed oo dhibaatooyinka faraha badan haystaan, wuxuuna madaxda Soomaaliyeed ku booriyay inay mudnaanta siiyaan daryeelka danta dadkooda iyo dalkooda. 

Mr. Swan farta kuma fiiqin cidda mas’uulka ka ah fashilka dhacay 4tii sano ee la soo dhaafay iyo cidda mas’uulka ka aheyd taabbagelinta wadatashiga jiogtada ah ee la rabay inuu ka dhex jiro DF, DG, Beesha Caalamka, mucaaradka, iyo guud ahaan waxgaradka Soomaaliyeed. Waxaase qofka wax ka yaqaan kala qaybinta mas’uuliyadaha dowladda, dastuurka kmg, iyo xaaladda Soomaaliya mareyso oo ah dal iyo dowlad dumay 1991, haddana la rabo in loo dhiso dowlad federaal ah oo dimoqradiga ah, waxay garan kartaa in mas’uuliyadda fashilka iska lahaa Madaxweyne Farmajo. 

WGXGQM wuxuu qirtay inay jirin dhaxal horumar ee uu uga tagayo Soomaaliya sida kuwii ka horreeyay, wuxuuna ku dooday in Madaxda Soomaaliyeed laga rabo inay dadkooda iyo dalkooda u tagaan dhaxal aan ilaa maanta muuqan. 

WGXGQM si sax ah ugama Jawaabin su’aalihii la xiriiray xoogeysiga Al Shabab oo dalka oo dhan u xanniban yahay ( blockade). 

Halka hadal ee gefka ahaa wuxuu ahaa inuu ka xun yahay suura gelid la’aanta qabashada doorashada halka qof iyo halka cod asagoo ogaa in 4 sano aan wax tabaabusho daacadnimo ku jirto loo sameyn qabashada doorasho hal qof iyo hal cod, ayna aheyd taloxumo iyo fidno soo hadal qaadidda doorashadaas ayadoo aan la dhammeystirin dastuurka kmg iyo qaab dhismeedka dowladda federaalka cusub iyo Ciidammada nabadgelyada iyo Garsoorka.  

Haddii WGXGQM ay daacad ka aheyd qabashada doorashadaas wuxuu soo saari lahaa qorshaha jadwal shaqo 2018 ee loogu diyaar garoobayo doorashada halka qof iyo halka cod, wuxuuna tilmaami lahaa isbeddelka loo baahan yahay inuu dhaco ka hor 2020. 

WGXGQM wuxuu la socday doorashooyinkii musuqmaasuqa ahaa ee ka dhacayay DG Koofur Galbed, Galmudug iyo Hirshabelle, iyo dhibaatooyinka ka dhacay Jubbaland iyo Puntland ee DF ay waday, haseyeeshe ay ku adkaatay inuu wax ka yiraahdo ama wax qabto waqti munaasib ah. 

Dr. Maxamud M Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.