Maxaa la gudboon Midowga Badbaadada Qaranka?

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Sababta asaaska u ah ku kalsoonaan la’aanta doorashada socota waxay tahay waayo aragnimada laga helay boob doorasho iyo gaboodfallo xad dhaaf ah ee muddo 5 sano ah markhaati laga wada yahay oo aan marna isbeddelin. Marna ma muuqan rabitaan lagu difaacayo dastuurka iyo danta guud. Waxaa mar kasta muuqda guluf lagu doonayo xukun maroorsi qaawan.

Maxaa la gudboon Midowga Badbaadada Qaranka?

Ayadoo la tixgelinayo:

1. Soo saaridda liista doorashada 16 Xildhibaan ee ka soo jeeda beelaha Soomaliland ee RW Roble korjoogaha ka yahay, ayadoo la og yahay Musharrixiinta sharcidarrada ah ee ka qayb galeysa, Musharrixiinta ku jirta kaalinta Milxiiska, iyo Musharrixiinta la rabo in loo boobo;

2. Qoraalka ka soo baxay Guddiga Fulinta doorashada heer federal (FIET) ee ku saabsanaa dib ugu noqoshada doorashada kuraas dhawr ah iyo iska indha tirka kuwa ka badan ee la boobay ama aan la marsiin habraac daahfuran, xor, iyo xalaal ah.

3. Hab dhaqanka siyaasadeed ee Madaxweynaha sharcidarrada ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kooxdiisa ee ah baalmarka dastuurka, dhaqan wanaagsan ee dowladnimo, iyo abuuritaanka mashaakilad laga dhigto gabbaad si xukunka ugu waaraan;

4. Colaadaha doorasho ee dabadheeraatay ee ka aloosan Hirshabelle iyo Jubbaland oo maraya heer aad u xun;

5. Kalsoonidarrada iyo gocoshada Puntland ka qabto hagardaamada Madaxweynaha sharcidarrada ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Milkiile Fahad Yaasin ku sameeyeen dastuurka federaalka iyo doorka DG ku leeyihiin hoggaaminta dalka;

6. Mustaxiilnimada wax ka qabashada kalsooni darrada laga qabo boobka, musuqmaasuqa, iyo maamulxumada doorashada ee hadafkeeda yahay muddo kororsi qasab ah ee ay isku baheysteen Farmajo+FahadYaasin+Roble+Qorqor+Laftagareen

7. Talaxumada ama daacad darrada Beesha Caalamka ee taagereysa sii wadidda doorasho boob, musuqmaasuq, iyo maamulxumo bareer ah ku socota, kuna lammaan tahay xukun mororsi qasab ah;

MBQS waxaa la gudoon inay ku midoobaan:

1. Qaadacaadda doorashada federaalka si aan shaki ku jirin;

2. Aqoonsi la’aanta sharciyadda guddiyada doorashada;

3. Aqoonsi la’aanta Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xussein Roble oo ay ka dhammaatay, lumiyay sharciyad iyo kalsooni ay ku matalaan shacabka Soomaaliyeed oo dhibaatooyin badan ka soo gaaren ku takrifalka awoodda dowladda iyo musuqmaasuqa ballaaran ee ay mas’uulka ka yihiin.

4. Joojinta hawlgallada ciidammo-malishiyadka gaarka ah oo ka baxsan dastuurka kmg.

5. Xakameynta howlgallada sharci darrada ah ee Ciidammada Nabadsugidda, Booliska, Militeriga, iyo Asluubta.

6. Aqoonsiga jiritaanka Maamulka DG iyo maamulka Gobolka Benadir;

7. Aqoonsiga jiritaanka hay’adaha Maamulka dowladda federaalka iyo Garsoorka ( public administration) ku shaqeynaya xeyndaabka dastuurka kmg iyo sharciga.

8. Ku heshiisinta Xukuumad kmg ee ilaalisa socodsiinta howlaha maamulka guud ee dowladnimo, la dagaalanka argagixisada, dabagalka iyo wax ka qabadka gaboodfalyada dhacay ama dhacaya, iyo fulinta maamulka doorasho dadban oo xor iyo xalaal ah oo ku imaan karta hoggaansanaanta fulinta habraac tifafiran ee heshiis lagu yahay oo MBQS, DG, Bulshada Ra’yidka, iyo Beesha Caalamka isla tifafireen.

9. U sheegidda Beesha Caalamka inay dhammaatay rajada taagerada iyo ku kalsoonaanta sii socoshada doorashada xaaraanta ah ee laga leeyahay saddex ujeedo:

* in la boobo sida loo boobay doorashooyinkii ka horreeyay;

*in waqti furan socoto sababo ay ka mid yihiin xukun dheereysi, abuur jaahwareer, iyo fursad wax isdaba marin;

* in haddii boobka soo saari waayo natiijada la rabo, la abuuro qas iyo qalalaase fashilaya doorashada Madaxweynaha iyo curashada dowlad wanaagsan ee hanata talada dalka.

Sababta asaaska u ah ku kalsoonaan la’aanta doorashada socota waxay tahay waayo aragnimada laga helay boob doorasho iyo gaboodfallo xad dhaaf ah ee muddo 5 sano ah markhaati laga wada yahay oo aan marna isbeddelin. Marna ma muuqan rabitaan lagu difaacayo dastuurka iyo danta guud. Waxaa mar kasta muuqda guluf lagu doonayo xukun maroorsi qaawan.

Dr. Maxamud M. Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.