Ana waa i kan

Maxaad ka taqaan Kudkudayaasha Siyaasadda?

Falanqeyn Keydmedia Online

Dastuur ku tumshada Farmaajo, ee soo taagneyd muddada Afarta sano ah, waxaa loogu dul-qaadanayay qadarinta mudda sharciyeedkiisa, wuxuuse qiimeyntaas ka qaaday kibir iyo kursi u qooq hor leh, wuxuu diiday xuquuqaad diinta iyo dasturka dalka u yaalla siinayaan muwaadiniinta, wuxuu hamiyay inuu xoog ku maamuli karo waddanka

Maxaad ka taqaan Kudkudayaasha Siyaasadda?

Kadib idlaashada muddadiisii, wuxuu qorsheeyay inuu laayo, Siyaasiyiinta ka aragtida duwan, gaar ahaan kuwa uu uga cabsanayo kursigiisa, wuxuuna 19 Febaraayo 2021, weerar ku qaaday Huteeka Maa’idda oo hoy u ahaa labadii Madaxweyne ee isaga ka horreyay, halka uu sidoo kale amray in la laayo dad indhaha bulshada ah oo Mudahaard nabadeed ku dhigayay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Kaddar oo dib dhal!! Farmaajo, wuxuu isku caleema saaray inuu yahay sida curad aan cidi caabi karin, wuxuuna 12-kii April 2021, ku dhufsaday labo sano oo dheeraad ah, taas oo sababtay inuu soo xirmo albaabkii aamusnaanta, is qadarinta iyo kala gambashada.

Si looga hor tago damaca Farmaajo, waxaa qasab ahayd in Siyaasiyiinta ku midoobaday Golaha Midowga Musharixiinta, ay hoggaamiyaan bulshada, hormuudna u noqdaan, halgan la hubay halka uu caga dhigan doono oo dalka looga badbaadinayay inuu dib ugu laabto gacanta Kalitalis dhiigya-cab ah oo aan kursiga maahane indho kale lahayn.

Nasiib wanaag taladaas toolmoon Rabbi waa ku toosiyay Musharixiinta, waase ku kala jabeen oo rag ka mid ah Golaha ayaa ku gacan seyray in Farmaajo gacan la isaga qabto, raggaas oo aan ka mid ahayn murqa weynta siyaasadda, waxa lagu xaman jiray in ay xiriir hoose la leeyihiin Fahad iyo Farmaajo, bannaanka ayayse is keeneen bartamihii bishii April 2021.

Siyaasiyiinta kala ah; Daahir Maxamuud Geelle, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa si cad u diiday wadadii dahabiga ahayd ee Farmaajo lagu dabray, waxa ay ka carareen dalka, iyaga oo indhaha ka daawanayay dhacdooyinkii 25 April 2021, nasiib-xumo  ilaa hadda midkoodna kama garaabin qaladkaas, hambalyana ma aysan oran saaxiibadoodii is-kaashaday ee soo hooyay guusha taariikhiga ah.

Waxaase yaab iyo amakaag!! Raggaan ayaa billaabay ka kalluumeysiga biyo calaw ah, waxayna meel kasta geeyeen waraaqo ay ku dhacweynayaan Musharixiinta kala ah Madaxweynayashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisyl Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyagoo ku eedeynaya in ay dalka galiyeen dagaallo laga baaqsan karay.

Raggan oo shacabka Muqdisho ku sunteen magaca “Kudkudayaasha Siyaasadda” Waxaa hore loogu xaglin jiray in ay maalintii Musharixiinta Huteelka Jaziira kula qadeeyaan habeenkina dadbinta qeybteeda danbe ka galaan Madaxtoyada, wuxuu shakigaas soo caddaaday markii ay diideen is ka qabashada Farmaajo, wuxuuna si buuxda bannaanka u yimid markii ay waraaqaha Fahad iyo Farmaajo qoreen ay dacaad ka raadiyeen.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo Saddexdaan nin ugu miisaan culus, wuxuu saaxib dhow la yahay milkiilaha Farmaajo ee Fahad Yaasiin, waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu yahay dooqa labaad ‘Plan B’ ee Fahad doonayo inuu dhiso doorashada soo socota Haddii Farmaajo gadmi waayo.Hadda C/kariin waxuu daartay Matoorkiisii Siyasadeed waxuuna Baraha Bulshadda ka bilaabay inuu iska dhigo loo qaateen Siyasadda cakiran ee Soomaaliya Samata-bixinkara. 

Daahir Maxamuud Geelle, waa saaxiibka Fahad Yaasiin, waxaana si gaar ah loogu ballan qaaday in la dhisayo, Fahad, Geelle iyo Guuleed, waxa ay ka wada tirsaneeyeen Kooxdii Damul-jadiid waana sababta Taliyaha NISA, uu uga hoos laaban yahay labadaan nin, waxaana xiriirkooda sii xoojinaya in ay Saddex-dooduba ka baxeen Ururkii Damul-Jadiid illa waqtigaasna lahayeen xiriir saxiibtinimo oo hoose.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, waa siyaasi midabbo badan, wuxuu caan ku yahay la jaan-qaadka hadba kooxda uu is leeyahay waad la socon kartaa, wuxuuna ka mid noqday siyaasiyiinta sakiintoodu af-beeshay ee muufeysiga iyo maalin raadiska ku soo aruuray.

"Raggu magaca guud iyo magta waa ka siman yahay balse garashada iyo garaadkaa lagu kala tagay"  Magaca guud raggaan waxay siyaasiyiinta kala sheegtay Musharaxnimo, maamul umadeed iyo miisaan xil in loo dhiibana ma mudna reer Muqdishow ee barta.

Waxaa mahad-celin, bogaadin iyo ammaan mudan Musharixiinta runta abaaray ee ka dhiidhiyay dulmigii Farmaajo dalka iyo deggaanka la damacsanaa, waa la idin xusi doonaa, buugaag waaweyn iyo bogag cad cad ayaana la idin ku qori doonaa, si jiilalka danbe wax idin kaaga bartaan. Guuleysta.

Guuleed Faarax | KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.