Dastuurka lagu tumanayo

Hal arin waa in aan isla fahamnaa

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Xil iyo awood sheegashada Madaxweyne hore Farmajo iyo Xildhibannada labada Aqal waa xaaran, waa sharcidarro - Ka hadalka mowduuca ujeedada ku xusan, waxaa saldhig u ah dastuurka kmg oo qabyada ah oo hoggaaminaya DFS ilaa laga dhammeystirayo, mabaadi’ida dowlad wanaagga, iyo xeerka caalamiga ee ilaalinta xaqa mowaadinka iyo qofka bani’aadamka.

Hal arin waa in aan isla fahamnaa

Waa xaaran m in lagu dhaqaaqo arrin uusan dastuurka kmg caddeyneyn haddii aan laga wada hadlin, lagana heshiin. Waa gef weyn ka tilmaan qaadashada habdhaqankii Dowladdii militeriga Soomaaliya iyo kuwa ku dhaqma nidaamka keligi taliska ah. Dastuurka kmg wuxuu faraya ku dhaqanka nidaamka dimoqradiga ah.

Qabashada xilka Madaxweynaha JFS iyo Xildhibannada Barlamaanka waa mid ay tahay in loo tartamo si waafaqsan dastuurka kmg, nidaam heshiis lagu yahay, daahfuran, xor ah, waqti ku jaan go’aan. Si arrintaas u dhacdo, Madaxda xilka haysa ayaa laga rabaa inay xaqiijiyaan si aan dib u dhac laheyn oo mugdi ku jirin qabashada tartanka ka hor dhammaadka waqtiga mudda xileedka sharciga dhigayo.

Haddii aan la isku waafaqsaneyn qodobbaadaas, waa adag tahay in la isdhaafsado dood miro dhal ah, dhalisa is afgarad iyo heshiis, waxaana habboon inaan waqtiga la iska lumin.

Hay’adaha dastuuriga ah ee doorashada ku imaanaya waa xildhibannada BF iyo Madaxweynaha JFS oo BF dooranayo. Golaha Wasiirrada (fulinta) waa hay’ad ay wada dhisayaan Madaxweynaha iyo BF.

Waa been in Madaxweynaha JFS ka mid yahay Fulinta. Nidaamka dowladeed ee Soomaaliya wuxuu raacsan yahay nidaamka talyaaniga wuxuuna khilaafsan yahay nidaamka dowladaha carabta, ruushka, Ethiopia, Mareykanka, Yurubta kale, iwm.

Mudda xileedka Xildhibannada BF 10 wuxuu bilaabmay 27.12.2016 wuxuuna dhammaday 27.12.2020, waana 4 sano. 100% waa been in BF awood u leeyahay inuu muddo xileedkiisa hal maalin ku darsado xitaa haddii 200 Xildhibaan isku raacdo. Sii socoshada ama xero taraaraxa xilka iyo xuquuqda xildhibaannimo 4 sano kaddib waxay ku imaan karta wax ka beddelka dastuurka kmg, ayadoo la raacayo qodobka 132 ee dastuurka kmg, taaso aanan horey u dhicin.

Go’aanka uu BF ku kordhiyay Go’aankii siyaasadeed ee dhexmaray DF iyo DG, kaddibna saxiixay Madaxweyne Farmaajo kuna saabsanaa doorashada dadban, waa sharcidarro, waa gef loo baareray oo BF iyo Madaxweyne Farmajo ku daneysanayeen.

Danta dadka iyo dalka waxay ku jirtaa ilaalinta dastuurka kmg lafdhi iyo nuxur ahaan.

Waxaa kaloo been ah in haddii Madaxweynaha iyo BF laga joojiyo fulinta xilkooda dastuuriga kaddib marka uu dhammaado muddo xiloodkooda ay dowladnimada Soomaaliya baxayso oo ay abuurmeyso “Firaaq dowladnimo.” Arrintaas waxay muujineysa jaahilnimo dastuurka kmg iyo qaabka shaqo ee dowladda.

Labada hay’adood ee doorashada ku imaanaya ka sakow, dalka wuxuu leeyahay hay’adda fulinta (executive) oo koofi u ah “maamulka” oo ka kooban shaqaalaha dowladda, Ciidammada nabadgelyada iyo difaaca, hay’adaha Maaliyadda iyo xeer ilaalinta, waxaana ka barbar shaqeynaya oo dowladnimada dal kasta tiir dhexaad u ah Maxkamadaha (Garsoorka). Garsoorka, shaqaalaha ra’yidka, Maaliyadda, Dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka, nabadda iyo amniga, guddiyada Madaxabannaan waa hay’ado dastuuri ah oo u xilsaaran maamulka dalka. Hay’adahaan ayaa wadaya shaqada dowladda federaalka, mana abuurayaan shaqo cusub, waxay fulinayaan shaqooyinka ku cad sharciyada khuseeya.

Tan kale, qodobka 103 ee dastuurka kmg wuxuu gooni u tilmaamaya in dalka ka jireyso “xukuumad xilgaarsiin ah” waqtiga doorashada oo bilaabmeysa hal bil ka hor dhammaadka muddo xileedka Barlamaanka federaalka ee sharciga ah, ayadoo Barlamaanka cusub uu dooran doono Madaxweyne kaaso magacaabi doona Ra’iisul Wasaare cusub. Marka BF siiyo codka kalsoonida RW iyo Golaha Wasiirrada cusub ayey dhammaaneysaa waqtiga Xukuumadda xilgaarsiinta. Dastuurka kmg ma sheegayo BF iyo Madaxweyne xilgaarsiiye ah. Warkaas waa cad yahay, mana fiicnaa in shacabka Soomaaliyeed la jaahwareeriyo.

Sidaas darted, waa been, waa muran, waa cilaaq, waa marin habaabin, waa aqoondarro, waa munaafaqnimo loo bareeray haddii lagu doodo in xil iyo awood sheegashada BF iyo Madaxweyne hore Farmaajo waa sharci.

Waxaa kaloo xilkasnimo xumo ah in lagu doodo in qalad ama sharci darro horey looga dhiidhiyay, laga qayliyay, la dhalliilay hadda qiil laga dhigto si loo difaaco sharcidarrada Madaxweyne Farmajo iyo dowladda uu madax ka yahay ku sugan tahay, ku kaceen.

Midowga Musharrixiinta waxaa lagu dhalliila inay qoraallo iyo shir jaraa’id aan miro dhal aheyn ku mashquuleen, waayo Farmajo iyo kooxdiisa waa koox burcad ah oo dastuur, sharci, iyo dowladnimo aan shaqo ku laheyn, waxna maqlin. Waxaa kaloo lagu dhalliila inay u dacwoodaan dalal ajnabi, taaso muujineysa in kuwa ku dhalliilaya arrintaas ay iska indhatirayaan ama yihiin munaafiqiin madaama Farmajo ilaalinayaan ciidammo ajnabi ah, Golaha Ammaanka ee QM ka arrimo Soomaaliya oo lagu xukumo qodobka toddaabaad ( VII) ee Axdiga QM.

Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad safiirro loo soo magacaabayo, la ilaalinayo madaxbannanideeda, dal ahaanteeda, saxaanadeeda, isla markaana talada lala leeyahay, looguna yaboohay in gacanta la qabto inta lugadeeha ay ku istaageyso, taaso ah fiursad ay tahay in DF ka faa’ideysto. Madaxweyne aan tegi karin Afgoye, Jowhar iyo Muqdisho aan dhulka mari karin ee u baahan diyaarad, waa inuu ku noolaado xaqiiqada kana baxo riyada, beenta, iyo xadgudubka.

Waxaan qabaa in dariiqa habboon ee Midowga Musharrixiinta u furan yahay habka qoraalka, shirka jaraa’id, iyo ku dacweynta dowladaha federaalka dowladaha ajnabiga ah ee la safan oo gacanta haya Soomaaliya, ilaa laga quusanayo, loona diyaar garoobayo marxaladda ah in qof walba gacantiisa sharciga ku qaato, xuquuqdiisana difaacdo.

Dr. Maxamud Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.