MW Farmaajo ma oggolaan doono doorasho xalaal ah

Falanqeyn Keydmedia Online

Waa adag tahay in la fahmo sababta xildhibaanno, waxgarad, siyaasin, iyo aqoonyahanno sumcad leh u rumeysan karaan, u rajeyn karaan in Madaxweyne Farmaajo oggolaanayo in doorashada federaalka 2020/2021 ay noqoto mid xalaal ah ama “macquul” ah oo ka roon tii 2016 ayadoo la ogsoon yahay dhowrkaan arrimo. 

MW Farmaajo ma oggolaan doono doorasho xalaal ah

​​​​​1. In Madaxweyne Farmajo sameeyay, mas’uul ka yahay sharcidarro, ku takrifal awood, la tashi la’aan joogto ah ee ka daran kuwii uu ku eedeynayay Madaxweyne sheikh sharif iyo Madaxweyne Xassan Sheikh. Dambiga Madaxweyne Farmajo waa labo u jibbaar waayo wuxuu galay dambiyo uu horey u aqoonsana kuna eedeeyay Madaxweynihii ka horreeyay  iyo dambiyo kale oo ka xun. 

2. In doorashooyinkii ka dhacay Koofur Galbed, Hirshabelle, Galmudug ahaayeen kuwo ka xun dhinac walba kuwii dowladdii Madaxweyne Xassan Sheikh xukunka looga qaaday. Xaqiiqada waxay tahay in mucaaradka loolan xoog leh la galeen Madaxweyne Xassan Sheikh. Maanta waxaa la filayay in doorashada 2020 ay ka wanaagsanaato tii 2016. 

3. In Madaxweyne Farmajo aqoonsaneyn dastuurka federaalka oo dhigaya sarreynta sharciga, nidaamka dimoqradiga ah oo nuxurkiisa yahay ka qaybgal tayo leh ee dadweynaha talada siyaasadda, la xaajoodka joogtada ah ee mucaaradka, iyo ilaalinta joogtada ah ee cadaaladda iyo hufnaanta nidaamka doorashada oo tiir u ah jiritaanka sharciyadda dowladnimada iyo xasilloonida dalka. 

4. In Madaxweyne Farmajo fagaarayaal badan ka caddeeyay inuu rabo inuu maamulo doorashada federaalka 2020/2021. Doorashada waa mas’uuliyad u taal dhammaan saamileyda siyaasadda oo shaarar kala duwan huwan, oo ka duwan “keli u lahaanshaha” Madaxweyne Farmajo qabo. Maamulka doorashada waa inuu ahaado mid ay ku kalsoonaan karaan dhinacyada tartamaya iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. 

5. In RW Ku Xigeenka Golaha Wasiirrada Mudane Mahdi Maxamed Guled oo ah taagero sidkan ee Madaxweyne Farmajo yahay mas’uul adeegsada xeeladihii Giorgio Orwell tilmaamay iyo kacaammada hantiwadaagga asagoo u ololeeya ku tumashada dastuurka iyo dhaqanka wanaagsan ee nidaamka dimoqradiga farayo, wuxuuna ku tilmaamay Guddoomiyaha Aqalka Sare mucaarad kaddib markii Guddoomiyaha Cabdi Xaashi ka falceliyay tallaabboyin iyo dhaqan uu u arkay inay ka soo horjeedaan sharciga, mas’uuliyadda xilkiisa, hannaanka siyaasadda Federaalka, iyo hannaanka doorashada beelaha ku saleysan.

Hadalka Mahdi wuxuu caddeynaya inuu aaminsan yahay labo qalad oo waaweyn:

  • in Madaxda wadaagta hoggaaminta iyo talada dalka khilaafi karin go’aammada Madaxweynaha iyo Xukuumadda hoos timaada.
  • In mucaaradka ku laheyn talo iyo tixgelin maareynta doorashada federaalka 2020/2021 oo ah fikirka uu qabo Madaxweyne Farmajo. 

Madaxweyne Farmajo wuxuu rabaa inuu maamulo xulashada Xildhibannada beesha darood halka uu diidan yahay in Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi oo ah sarkaalka ugu sarreeya ee beesha dir waqooyi (somaliland) maamulo Xildhibannada beesha uu odayga u yahay. Waa caqli gurracan oo ma dhaleys ah. 

Maamulxumada doorashada waxay halis gelineysa nabadda iyo jiritaanka Qaran Soomaaliyeed. 

Sidaa awgeed, Madaxda DG, Xisbiyada aan la safneyn siyaasadda dowladda federaalka xukunka haysa, warbaahinta xorta ah iyo dhammaan aqoonyahannada Madaxabannaan waxaa la gudboon inay u istaagaan joojinta dhaqan xumada maamulka siyaasadda iyo doorashada ee lagu baabi’inayo mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dib u dhiska qaran soomaaliyeed ee shacabka doonayo. 

Ma muuqdo hoggaan dowladeed oo doonaya wadatashi, tixgelin, iyo dhawris sharci iyo maamul wanaag.

Soomaaliya waxay ku socota dariiq ay horey ugu burburtay ee ha laga hortago.

KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.