Odoyaaloow; oohinta dumarka keliya yaan lagu eegan!

Bulsho waxay ku wadajoogtaa ku dhaqmidda xeerar qoran ama dareenqaadasho ah, dawladse waxaa haga xeer qoran oo keli ah, labadaa wixii ka soo hara waa xeerar duurjoog iyo dugaag.

Falanqeyn Keydmedia Online
Odoyaaloow; oohinta dumarka keliya yaan lagu eegan!

Qabashada talada bulsheed ama hoggaanka dawlad ka ma dhigna ku tumo xeerarka, mana ahan ku takrifal awoodda aad labadaa midkood ku kasbato, maxaa yeelay, ma lihid waxan aad ku amar-ku-yaaglaynayso iyo taladan aad ku dheelayso, oo haddii qof ama qolo lahaan leheed, mar hore ayaa qoorta inta lagu qabto bannaanka lagugu tuuri lahaa, haddiiba aan daalac laguu raacan.

Ayaandarro, Soomaali haddaan nahay, had walba, kii xil qabta, marka uu sida uu doono yeelo, ee xilka laga tatajiyo, ayuu baxaa asoon waxba loo raacan, haddana, kaaga darane, in uu dadkiisa ka mid noqon ka sokow, wuxuuba helaa kuwa difaaca gaboodfalladiisii xanuunka reebay.

Waxaan uga socdaa, maalmahan waxaa warbaahinta qabsaday warbixinnada sheegaya, in wiilal soomaalieed oo dalka dibaddiisa loogu qaaday tabbabar ciidannimo, in ay ka qaybgaleen dagaalka ka taagan degaannada ay degaan qawmiyadda Tigreegu, oo dagaal ku la jirta dawladdooda dhexe ee Addis Ababa ka dhisan.

Anaga in ay is ku riiqmaan ayaa danteennu jirtaa, oo inta ay nagu mashquuli lahaayeen, iyagu ha isku mashquulaan, maxaa yeelay, sow ma aadnaan arag, in laga nastay duulduulkii badnaa ee Axmad Abiye, sidoo kale, sow la ma socotaan, in ciidamo Xabashi ah oo dalkeennu joogay, in looga bixiyey, in ay dagaalkaa ka qaybqaataan?.

Intaa ka dib, in dhallinyarada tababbarka loogu qaaday Ereteriya aysan wanaag la soo laabandoonin waxgaradku waa ogsoonaa, markii uu dagaalkaa qarxana, in ay xaabo u noqondoonaa damaca dhawr qof oo huwan magaca Soomaaliyeed, oo talada haya way caddeed, maxaa yeelay, wixii looga bartay ee dhaqammo gurracan ah ayaa nooga filnaa barashadooda iyo waxa laga filan karo.

Haddaba, haddii ay hadda warbaahintu tebinayso cabashada, calaacalka iyo cadsiyada hooyooyinka Soomaaliyeed iyo gabadha la dhashay wiilashaa maqan, ee xaabada looga dhigay dagaal aan dan iyo damac noogu/a jirin, waa arrin mudan, in laga qaybqaato faafinteeda iyo baahinteeda.

Sidan waxa aan u leeyahay, dadka badankii waxay xoogga saareen xagga xeer ahaan, oo qofkii falkaa fuliyey, in uu qiyaamo qaran ku dhacay ayey sheegeen, oo ah aragti sax iyo qodob dhab ah, balse, anigu dhan kale ayaan ka istaagayaa, ee bal ila dareen.

Dhammaan, anaga oo aan isu fiirin beelo, degaanno iyo maamullo, waa in aan hooyooyinkaa iyo gabdhaha ama u u noqonnaa codad dhaadheer oo gudbiya catowgooda, si ay u gaarto cidda ay quseyso iyo hay'adaha u dhaqdhaqaaqa xaqa aadanaha iyo xurmadiisa, siiba da'yarta.

Intaa waxaa ii dheer, oon halkan rabaa, in aan ku adkeeyo, sida cinqaanka qormadaba ku cad, in aan hooyooyinka iyo gabdhaha keliya lagu daawan raadinta ilmaha maqan, oo waa hubaal, hooyadu way ka beerjilicsan tahay dadka oo dhan, maxaa yeelay, hooyo ayaa lagu dhexbeeray dhallaanka, dhalidda ka dibna laga gooyey jiirkeeda, weynan iyo yaraanna waa uun cad ka mid ah oo dunida jooga.

Marka, odoyaasha waxaan ugu baaqayaa heer walba ha lahaadeene; aabbe, adeer, abti, hoggaamiye dhaqan beeleed (UGAAS) oday nabadeed, wadaad diineed iwk in ay dhammaantood u istaagaan wax ka raadinta ubadkaa  Soomaaliyeed, ee ku maqanta gacanta dawlado shisheeye, oo amar ka haysta qawlaysato magaca dawladdeenna ku qaraabta.

Waa in hooyooyinka iyo gabdhahaa loo noqdaa gacan, garab iyo guddoon u raadinaya, lana raadinaya ubadkaa ka maqan, maxaa yeelay, waa gunnimo iyo gurracnaan, in hooyooyinka iyo gabdhaha keliya lagu fiirsado baadigoobka ubadka maqan, ee haddii ay gobannimo, garasho iyo garqaadasho jirto, ragow, weliba odoyaaloow; oohinta dumarka keliya yaan lagu eegan!

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.