MW Farmaajo & RW Kheyre

Ololaha Jaahwareerinta & waqti lumiska ee ka wadaan Dhusamareeb

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Kow, Madaxweyne Farmaajo lama tegin dhusamareb afkaar iyo niyad uu ku taageerayo dhammeystirka go’aammadii wejigii koowaad ee shirka Madaxweynayaasha Dowlad Goboledyada Xubnaha ka ah dowladda federaalka. 

Ololaha Jaahwareerinta & waqti lumiska ee ka wadaan Dhusamareeb

2. Madaxweynayaasha DG waxay martiqaadeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka keli ah si loo wada tashado, loona sameeyo horumar. Haseyeeshe, Madaxweyne Farmaajo wuxuu dhusamareb u soo diray, soona kexeystay dad aad u tiro badan oo ka abuuray dhusamareb jaahwareer, buuq, iyo xiisado siyaasadeed oo caqabado ku ah horusocodka wada hadalka ku saabsan doorashada 2020/2021, isla markaana culeys dhaqaale saaray bulshada deegaanka oo dowladda federaalka ay muddo dheer ku haysay cunaqabateyn wejiyo badan laheyd. 

3. Afkaaraha la yaabka leh ee Madaxweyne Farmaajo la tagay dhusamareb waxaa ka mid ah warka beenta ah in Barlamaanka Federaalka ansixiyay sharci faraya doorashada hal qof hal cod (HQHC) iyo wax kasta oo shalay khalad ahaa ama xumaa, maanta waa sax, waa wanaagsan yihiin, waana in la aqbalo haddii aan anigu sameeyo, ama rabo. 

4. Madaxweynayaasha DG waxay ku isku waafaqeen in doorashada Barlamaanka Federaalka ansixiyay ay tahay doorasho dadban oo aysan run aheyn in sharciga doorashada farayo jideynayo doorasho HQHC iyo inay waajib tahay in doorashada dhacdo waqtiga loogu talagalay oo dastuuriga ah. Sidaa darted, waxay soo jeediyeen in laga wada hadlo doorashada dadban ee suura gal ah in la fuliyo muddada 4 bilood ee ka harsan muddo xileedka dowladda federaalka ee xukunka haysa. 

5. TV yada iyo idaacadaha waxaa laga sheegayaa in doorashada dadban ee 2016 ay aheyd mid xun, boob iyo xaaran aheyd, gaar ahaan doodaas waxaa wada taagerayaasha Madaxweyne Farmaajo (N&N) ee ugu horreeyo Guddoomiyaha Golaha Shacbiga Xildhibaan Maxamed Mursal iyo Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad Xildhibaan Cabdiweli Sh Ibrahim Muudey oo lagu soo doortay doorashadii 2016. Ugu horreyn, labadaas mas’uul waxay yihiin kuwa ku tuntay, kuna xadgudbay dastuurka iyo sharciga Golaha shacbiga iyo nidaamka dowlad wanaagga kaddib markii ay guddoomiyeen ansixinta sharci doorasho ee ka soo horjeeda dastuurka iyo maslaxadda guud ee Ummadda Soomaaliyeed iyo inay yiraahdeen Aqalka Sare iyo DG shaqo kuma laha arrimaha doorashada.

Isla markaa waxay iska indha tirayaan in nooc kasta ee doorasho la boobi karo haddii uusan jirin hoggaan sare ee difaacaya dastuurka, sharciga, nidaamka wanaagsan, uusan jirin sharci doorasho oo tifaftiran oo uusan mugdi ku jirin, uusan jirin guddi doorasho oo madaxbannaan si daahfuran u ilaalinaya fulinta iyo ku dhaqanka sharciyada iyo xeerarka doorashada, garsoor madax bannaan oo loo dacwodo, aysan jirin warbaahin madax bannaan oo ka warranta khaladaadka doorashada ee dhacaya waqtiga doorashada iyo madax ay ka go’an tahay in dalka Soomaaliya ka dhaco tartan siyaasadeed oo xalaal ah. 

6. Doorashada dadban ee 2016 waxay laheyd nidaam wanaagsan hase yeeshe waa laga leexday in si xaq ah, daahfuran loo fuliyo. Sharciga wadooyinka wuxuu dhigaya in la maro dhinaca midigta ee jidka. Haddii Darawal maro dhinaca bidixda, sharciga ma xuma, waxaa xun darawalka. Sidaa darted, mushkilado ma ahaan in doorashada dadban xun tahay, mushkiladda waxay tahay jiritaanka madax rabta, ku dagaalameysa inay musuqmaasuqdo doorashada nooc kasta ay tahay si ay xukunka u haystaan. 

7. Madaxweynayaasha DG waxay halis u yihiin in kalmado been ah ama khalad ah lagu marin habaabiyo, kaddibna si xun loo fasiro ama loogu murmo. Waxaa muhiim in Madaxweynayaasha DG ka digtoonaadaan inaysan aqbalin hadallo aysan iska hubin iyo inaan hadalkooda si xun loo tarjumin, kuna adkeystaan go’aammada wejigii koowaad ee shirka dhusamareb, isla markaana difaacaan maslaxada guud iyo nidaamka dowlad wanaagga iyo xaqsoorka. 

Soomaaliya waxaa qoorta ugu jira N&N oo xujo ama mixnad ah. Ilaahey ha ka samatabixiyo.

  • user pic

    Eerible Faranfar

    • 21 July 2020

    Farmaajo is not a normal grownup individual.
    He is autistic and thinks like a retarded child.
    Autistic persons are incapable of flexibility. Their autism
    makes them behave like a five-year-old child –
    they want their candy at whatever cost. Otherwise,
    they will throw tantrums. And this is what
    Farmaajo is doing now.  He wants (needs) to remain
    on the president’s seat no matter what.




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.