Dagaalkii Raanjaris!

‘RAJOCELINTII’ | Q-12AAD

Falanqeyn Ina Cubtaan

Bogga RAJOCELINTII ee KON | Qoomamada Maraykanka iyo calaacalkooda, walow ay Soomaalidu ka qasaaro badneed, haddana, waxay ku jifeen libin ku geeraar iyo dhoollacaddeyn, si walba oo xanuun iyo xumaan u dareemayeen, maxaa yeelay, waxay afka ciidda u dareen, kibirjebinna ku sameeyeen Maraykanka oo dunida u haystay, in la is ka dhiciyo iska daaye, in aan la hor-istaagi karin.

‘RAJOCELINTII’ | Q-12AAD

Farxadda iyo rayraynta jirtay waxay xusuus u tahay qof walba oo Muqdisho joogay xiligaa, sidoo kale, waxay dareen u tahay, qof walba oo ka maqnaa, balse, diiddanaa joogista ciidan shisheeye, oo isku dayayey, in ay xoog dadka ku muquuniyaan.

Jabka Maraykan gaaray oo qasaaro ka la duwan lahaa, waxaan ku dari karaa jiyadjabka soo gaaray SULUX iyo intii ku go’aan qaadatay, in Gen. Caydiid iyo isbahaysigiisa SNA laga gacansarrayndoono, oo qorshayaal aan qarankan iyo qowmyaddan anfacayn la qortay soo duulaha.

Mar labaad ayaa hanjab ku dhacay SULUXA, oo markii hore waxay talogal ka dhigteen, in shirkii Jabuuti lagu marinhabaabiyo ujeedka lagu doonayo, in rajiimka dalka looga saaro, iyagoo damacsanaa, in mar kale daaqadda laga soo celiyo haraagii keliteliayaha, si halkii iyo habkii dulmiga looga sii wado.

Marka labaad ee ay hanjabeen waa markan ay weliba ku shardiyeen, in Gen. Caydiid la soo qabandoono, inta raacsanna cagta la marindoono, oo eheed isu geyn in ay qaarneed ka sokow, haddana, qalloocneed, haddii aysanba qaldananayn.

Waxa la yaab leh, gu’yaal badan ka dib, in weli ay jiraan dad weli ku hantaataca aragtiyaha liita ee dadnimada iyo dareenka dilmadooda ka turjumaysa, ee aan xitaa mar kale, ku cibroqaadan, in ay ku quusqaataan iska daaye, dagaalkii Xabashida ee mar kale koofurta ka dhacay, Muqdishana xuddun u eheed, markii dambana iyaga oo jaban sidii Maraykanka isaga baxay dalka iyo Muqdishaba.

Doqon iyo dabodhilif meel iyo qolo walba laga weyn maayo, oo Maraykanka gurracnaanta uu sameeyey waxaa u fududeeyey Soomaali kale, weliba dad u xigay Gen. Caydiid, oo dhab ahaantii ku tusinaysa, sida ay muhim u tahay, in aan lagu kadsoomin dadka qaarkood, ee ay dhaqan u tahay dhagridda iyo dhabarjebinta.

Si kooban haddii aan u sheego wixii dhacay 03/10/1993 waa sidan:

  • Dhimahada Maraykanka 18 askari
  • Dhaawac 78 askari
  • Maxbuus 1
  • Diyaarado la riday 3 iyo tobaneeyo gaadiidka dagaalka ah
  • Dhimashada Soomaalida 800
  • Dhaawaca                   1500
  • Maxbuus                      24

Khasaare hantida xisaab ma lahan. Dabcan waxaa jiray dawlado kale, oo ciidamadood wax ku noqdeen gaadiidna loogubay.  

Dagaalkii saddaxdii oktoobar, 1993, wejiga muuqday, ee eelkiisu bannaanka yimid wuxuu ahaa Maraykan, oo askartii looga dilay laamiyada lagu jiidjiiday, ka dibna duuliye laga afduubtay, ayaa qabsaday dhacdadii oo dhan. 

Hubaal, in ay eheed qasaaro xooggan, oo la gaarsiiyey, dawlad is la weyneed, oo isu aragtay; hoggaanka dunida, haddana, ay gaarsiiyeen beelo baylah taagan iyo is bahaysi aan baaruud ku filan iyo bunduq weyn wadan.

Waxaa jiray dawlado kale, oo soddomeeyo ka badnaa, oo qaarkood safka hore sulufka ka galay, seefta iyo sawaariiqduna leefeen, oo xeryahooda loogu dhacay. 

Soddon dawladood kale, oo waxaa jirtay, aan dib uga istaagin kana fiirsan saf dagaal la galka Maraynkanka, waxaana ka mid ahaa; Pakistan, Burundi, Marooko, Zembaabq IQKB.

Talyaani ayaa ka mid ahaa, in kasta oo uu ciyaarayey labo kaar, oo liddi is ku ahaa, oo Soomaali is ku sahayey, haddana sirtiisii waa la siiyey, oo gulufkii dhacay, wax waa ka gaareen.

Maraykan meel walba, oo uu dagaalkaa ka dib tagayey wuxuu is ka hormarin jiray, hareerahana is ka marin jiray ciidamo dawlado kale, heer uu gaaray, in uu calooshood u shaqaystayaal kiraystay. 

Oktoobar haddaad ku xusuusato; afgambi ciidan maamul marooqsaday, ku dar, afgembi ciiidda afka loo daray ciidanka dawladdii adduunka ugu tunka weyneed. 

Qaybta xigta waxaan ku soo qaadandoonaa qaybo ka mid ah suugaantii laga curiyey dhacdadaa.

Fisha qormada qaybaheeda kale

Ina Cubtan - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.