Riyada Farmaajo

Rooble Rugtii Cali Geedi ayuu Rucleynayaa

Falanqeyn Keydmedia Online

Tan iyo markii dalku ka baxay hanaankii ku –meel-gaarka sanadki 2012, waxaa ka dhacay Labo doorshao, oo Xasan iyo Farmaajo ayaa faraha laga saaray furaha xaafiiska looga arimiyo Soomaalida, inkasta oo Labada muddo xileedba ay isaga mid ahaayeen Mandate-ka Doorashooyinka oo Qof iyo Cod lagula ballamay, mid waliba hadana midina uma suurta-galin in ay dalka ka qabsoonto doorasho shacabku u dareero, santuuq sax ahna safaf dhaadheer looma galin. 

Rooble Rugtii Cali Geedi ayuu Rucleynayaa

Sidaas oo ay tahay Yabyabkii Maamulada Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabeelle ayuu Xasan Shiikh sheegtaa inuu waqti badan cunay, taasina ay u soora galin weysay inuu dalka gaarsiiyo doorashadii loo madlanaa, Farmaajo-se muxuu ku marmarsiyoo doonaa? Ma guryaha la rinjiyeeyay uyuu soo gar-dhigan doonaa? Mise burburinta Fadaraalka ayuu ku faani doonaa?

Kadib 10 sano oo burbur iyo dagaalo sokooye ah, Gugii 2000 waxaa dalka Jabuuti lagu unkay Doowlad uu madaxweyne ka yahay Cabdulqaasim Salaad Xasan, tan iyo maraakasna waxaa soo socatay caado qorey isku dhiib ah oo cidna aysan qoloocin karin, hayeeshee wixii ka danbeeyay 8 Feebaraayo 2017, waxaa soo ifbaxday cabsi ay indheergaradka Soomaalidu (Intellectual) ka qabaan doorashada 2021, taas oo ahayd dabeyl hor-u-dhac u ah daadad darbiyada jabin doona marka la gaaro dhamaadka muddo xilleedka Farmajo.

Marka laga yimaado arimihii Qalbi-dhagax, AAWarsame, Barreere , Musuqmaasuqa, cabarinta iyo caga-jugleynta, waxaa Farmaajo lagu xasuustaa Afar-taan Sano ee dhamaadka ah doorashooyinkii dalka ka dhacay inuu boob iyo dad baabi’in ballaaran ka sameeyay, sida Xasuuqi Shacabka Baydhabo, Dhuusmareeb iyo Jowhar, taas oo sababtay in ay jabhado hubeysan ka sameysmaan daka, ma jirin doorasho si furan loogu tartamay oo doowladdiisu qabatay.

Tusaale ahaan sidaan ognahay Galmudug waxa uu geystay Qoorqoor oo Wasiir ku xigeyn ka ahaa Xukuumadda, hofnaan la’aanta doorashada dardeed ay musharixiinti kale isaga hareen tartanka, Magaalada Beydhabo iyana kursi dhiig leh ayuu ku fariisiyay Lafta-Gareen oo ka tirsanaa kooxdi ololihiisa doorashada marki danbana ku jiray Xukuumadda. Hirshabeelle iyana wuxuu si aan maanka fiyoow iyo moorada caqliga galayn ku geeyay Guud-laawe. “Nin dooran doorta xaw dhahdeen, dadkase xaw danbaajiseen!”

Yoolka Farmaajo waa mid cad

Nin Saddex doorasho oo uu maamulay aan midna lagu mahadin tan soo socota meesha uu u wado waa la ogyahay, waana sababta buuqa iyo balowda keentay oo bulshada Soomaalida iyo  beesha caalamka wada calaameysay. Yoolka Farmaajo waa mid cad hayeeshee god madow ku ridaya mustaqbalka dalka, kaligiis ma meel marin karo waxa maskaxdiisa ka guuxaya, waase inuu helo mishiin maqaar saar ah oo uu karaka doorashada marsado.

Sida muuqata, Rooble, Qoorqoor, Lafta-gareen iyo Cali Guud-laawe, ayuu u marayaa inuu dalkan dib dagaalo iyo duroofo doowlad la’aan ugu celsho, waxa ay isku dhaarsadeen in ay Farmajo kursiga ku hayaan iyagoo aan fidnada iyo fadqalalaha dhan kara fiirin, waxa ay og yihiin haddi ay ku fashilman Soo celinta Farmaajo in aysan iyaguna ka danbeyn doonin. Qabqablyaasha cusub, ee aan qoriga wadan, ama hor joogayaasha aan sida sharciga ah kuraasta maamul goboleedyada ugu fariisan filashadooda fahanaye Rooble maxaa falay?

Damaca Farmaajo, waa boob doorasho, waa bililiqo iyo baabi’in hanti dadweyne, waa burburin iyo baaba’ ka yeelid wixii lagu ballamay, waa baal-marid sharci iyo balaayo afuuf, waa dib u dhac ku yimaada dalka iyo dowladnimada, waa qabweynaan qaldan iyo kursi u qooq qaawan, waa kicin qabiil oo qabyaalad cuskan, waa ku amar taagleyn awoodeed iyo kali talisnimo xargaha goosatay, waa is xushmeyn la’aan, is xaqdhowr la’aan, isla xisaabtan la’aan, lagu laray isku xadgudub aan xudduud lahayn. Waa kala tag-tag aan waqtigan loo baahneyn, waa fowdo abuur iyo fidno kicin aan ka fiirsi laahyn, waa naas-nuujin iyi nin-tooxsi, waa u nacamleyn iyo naa-naa cidlo ah. Ee Rooble ma taas ayuu romeyn karaa? Haba ku riyoon.

Bishii Saddexaad 2007, Cali M. Geedi oo markaa ku fadhiyay kursiga RW isla markaana fulinaya u jeedkii Cabdullahi Yuusuf ee ahaa “Qaxaan qax-baa ka horeeyay” ayaa amray in deegaanka Waqooyi Galbeed Xamar la gubo oo dhowr iyo toban KM dhulka lala simo si aan kasoo waaqsi laahyn, iyadoo amarkaas raali-galinta Yuusuf lagu raadinayo ayay Ciidamadii Amxaaradu xaafadaahaas dambas-ka ka dhigeen.

Geedi sidoo kale wuxuu hor istaagay deeq la gaarsiin lahaa dad shacab ah oo duuleedka Muqdisho ku dayacnaa, wuxuu iska hor keenay walaaha Xamar wada dagan oo Tii Cali iyo Caydiid ayaa mar kale lagu sigtay, Alle ayaayse naga badbaadiyay. Hayeeshee Geedi Maanta waa nin takooran oo aan cidna tixgalin waa taariikh xumo uu isagu abuurtay iyo dhaxal aan waligiis ka dhamaaney nolol iyo geeri-ba. Rooble wadada uu Farmaajo kuu rabo waa middas ee ma mari kartaa?

Cali Geediga cusub

17-ki Bishii Sebteembar 2020 ayaa Rooble loo magacaabay RW dalka, waxuu ahaa xilli xasaasi ah, shaqada ugu muhiimsan ee hor-taallana waxa ay ahayd hirgalinta doorashada 2021 oo ku dhacda si is-ogol ah oo aan muran iyo is faham-waa lahayn, inkastoo in kaban 50 maalin Farmaajo laga sugayay inuu RW magacaabo isla markaana la isla dhex marayay hadal heyn ah  wuxuu raadinayaa madaxa ololihiisa doorashada, hadana rajo wayn ayaa laga qabay. Waxaa la is lahaa Nuur Cadde cusub uu Rabbi noo soo diray, oo halka uu Kali-talisku rabo in aad ka shaqeyso dantiisa sidii Cali Geedi, Shacabka Soomaaliyeed waxa ay kaa dhowrayeen in aad sidi AUN Nuur Xasan Xuseen ugu adeegto. Malaha Xanta ayaa xalaal ahayd.

Waxaa laguu magacaabay dal dadkaadu dul manyihiin, deegaankaaduna duugan yahay duunyaduna dugaag u darbantahay, waxaad heysatay 143 maalmood oo ku eg dhammaadka muddo xileedka Farmaajo, waxaa lagaa dhowrayay in aad dar-xumada ka dhiidhisid oo aad u diir naxidid, hooyooyinka waddoonyinka Muqdisho ku umul raacanaya, furtid jidadka jaran oo shacabka dulman u ogolaatid in ay meydkooda gawaari ku qaatan, aad wax ka qabatid Canshuurta halka ugu sarreysay sabbeyneysa ee Xamar kaliya ku eg ee waliba labada dhinac ee aan naxin ee Argagixisada Alshabaab iyo Regime-ka gabaabsiga ah ay si isla eg u aruursadaa. Mise sheekadu waa “Shaki ma leh in ay laba shabaab wada shaqeeyaane”.

Dar-xumooyinka la rabay in aad ka dhag taagtid waxaa kamid ahaa, arinta Afarti sano ee lasoo dhaafay taagned ee ah kii hadlaba hala dilo oo u eg, hal ku dhigyadii caanka ahaa ee Gabeyr ee geedka keeya, Ceynaanshe ceynka gooya, iyo Qoor-sheel qoorta gooya” taas oo si gooni ah loogu hayay siyaasiyiinta aad matashid marka lagu yimaado muuqaalkaada Reysalwasaarenimo.

Waxaa jirta xikmad oraynaysa “Badeecad magaalo taal hadday wada xaaraan tahay, waxay isu beddeshaa xalaal”.  Waxaan ula jeedaa Rooble marki uu yimid Villada wuxuu ku indha furtay dhaqanka foosha xun ee Taliskan aa nixin, wuxuuna aaminay in xaaraantu xalaal tahay, taas ayaana keentay in wanaaggii bulshadu ka filaneysay uu baal maray oo uu been iyo wax aan maalin galinkeed rumoobi Karin hir-galinteed u tafa xeyto.

Maxamed Xuseen Rooble, sida la arkayo wuxuu kala doortay labadii waaddo ee Cali Geedi iyo Nuur cadde oo tii Geedi ayuu qaatay, waase ku galigiis iyo wixi uu ka helo, wuxuu u tarfa-xeytay rumeyta riyada Farmaajo, wuxuuna go’aansaday inuu qeyb qa noqdo dib u dhaca dalka ee qofka wax-garadka ah u jeedo.

Wuxuu raali ka yahay, waliba inta faagaare la soo istaagay uu ku hadaaqay in dalka ay ka dhaceyso doorasho aan la isku waafaqsaney, heshiis lagu ahayn oo baal marsan heshiiskii Bishii Sebteembaree sanadki hore, Rooble wuxuu rabaa in Dalka oo kala maqan uu doorsho qabto isagoo inta doorasho ku sheeggu ka dhaceysana uu qore caaraddiis kursiga ugu soo celinayo ninkii magacaabay. Waaaase rajo mugdi ah oo riyo soojeed u eg.

FFR, Farmaajo, Fahad iyo Rooble, oo markaan erayga Warlord loo isticmaali karo, waxa ay hilmaameen in aan qorey caaraddiis cidna loogu tali kari, waxa ay dhayalsadeen saameeynta Mucaardku yeelan karo iyo waxa ka dhalan kara doorashada sharci darada ah, Mucaaradku waxa ay ku dhawaaqi doonaan Doowlad kale,  Puntland waxa ay lasoo bixi doontaa baab kale, Jubbaland iyana waxa ay hoosta kasii gali doontaa Kenya, Xamar dhexdeeda ayay xabadi ka bilaaban doontaa, furumaha dagaalka ayaa Argagixisada loo soo faarujin doonaa, ku meel-gaar ayaa dib loogu laaban doonaa, sawaxankii iyo saloqgi qabiilka ayaana dib u sara-kici doona, Firxad iyo kala fakad ayaa dhacaya, FFR ayaana wixii Qas dhaca loo qabsan doonaa. Allow noo saqir. Mugti gacan la taago waxay mudan Alaa og.

Sidaan kor kusoo xusay tan iyo maalinti la doortay Farmaajo ficil wanaagsan ma falin hadana uma socdo, Rooble isana waaa hayin hoggaanka loo hayo iyo rabaayad aan runta abaari karin, una rucleynaya rumeynta riyada rafaadku ka danbeeyo ee Farmaajo.

Taliskan waqtigiisu dhamaadka yahay waxba ma dhaamo Kooxdii Ciidamada Qalabka Sida (CQS) ku amartay inay jabhadaha isu dhiibaan oo hubkooda ku wareejiyaan, sidoo kalana waxba ma dooriyaan ma deernaxayaashii qandaraaska ku qaadatay in badda lagu shubo suntan warshadaha Nukleyeerika, ee Soomaaliyeey ka tashta.

KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.