RW Rooble wax mucjiso ah ma keenin

RW Maxamed Xussein Roble wax mucjiso ah ma keenin, wuxuu ku mashquulsan yahay hirgelinta doorasho heshiis lagu yahay iyo ilaalinta habsami u socodsiinta maamulka dowladda xilgaarsiinta ah.

Falanqeyn Keydmedia Online
RW Rooble wax mucjiso ah ma keenin

Inta aan ogahay, Roble musharrax ma ahan oo tartan doorasho kuma jiro; Musharrax gaar ah ilaa hadda ma wato, mana taagerin. RW Roble wuxuu ku dadaalaya inaan dib loogu noqon ismari waagga iyo khilaafkii gaaray heerka khatarta ah bishii Abriile 2021. Roble wuxuu daboolaya, difaacaya khaladaadka dowladda federaalka horey u gashay, isla markaana wuxuu ku dadaalaya inuu u hiiliyo farmajo oo tartan xaqdarro ah doonaya.

Nasiib darro, hay’adda Nabadsugidda oo ka mid ah hay’adaha fulinta, ee hoos tagta Wasaaradda Amniga, waxaa ka dhex dhacay dambi weyn kaddib markii la waayay Sarkaalad Ikram Tahlil. Waalidka Ikram waxay bilo badan ka sheegayeen warbaahinta in ruux iyo raq la’aanta Ikram ku eedeynayaan Madaxda hay’adda Nabadsugidda. Muddo labo bilood ah kaddib, Idaacadda VOA ayaa sameysay dabagal iyo baaris, waxayna 2da Setember 2021 siideysay xog ku saabsan kiiska Ikram Tahlil.

Saddex saac kaddib markii VOA siideysay natiijada baaristeeda ayaa ha’adda Nabadsugidda shaacisay in ururka argagixisada ah Al Shabab dileen Sarkaalad Ikram. Warka Nabadsugidda ka soo baxay kuma jirin caddeyn macquul ah ee taagereysa habka Nabadsugidda ku ogaadeen dilka Al Shabab.

Ururka Al Shabab ayaa saacado gudahooda iska fogeeyay eedda ah inay dileen Ikram Tahlil Faarax. Warka ka soo baxay Nabadsugidda iyo jawaabta al Shabab waxaa ka dhashay ficillo argagax leh oo isugu jiray aargoosi iyo kacdoon dadweyne, dhiiladaasoo ku khasabtay RW Roble inuu Agaasimaha Guud ee Nabadsugidda ka dalbado warbixin tifaftiran si xaaladda kacsan loo dejiyo, isla markaana dambiga dhacay wax looga qabto. Agaasimaha Nabadsugidda waxaa la siiyay 48 saac. Hadalka RW Roble wuxuu ka hortagay in dad masaakin ah dhibaato ka soo gaarto carada ka dhalatay warka Nabadsugidda ee sheegayay dilka Ikram Tahlil.

Muddo ka yar 48 saac, agaasimaha guud ee Nabadsugidda Fahad Yaasin Sheikh Daahir wuxuu soo qoray warqad amar diida ah, fidno abuur ah, dowlad diid ah, aan sharciga iyo maamulka dowladda federaalka waafaqsaneyn, isla markaana dafirtay ka tirsanaanshaha Laanta fulinta iyo hoos imaanshaha Wasaaradda Amniga iyo Xafiiska RW Roble.

RW Roble oo ilaalinaya habsami u socodsiinta maamulka dowladda, ilaalinta sharciga naamulka Dowladda, ka hortagga iyo ka dabatagga dambiyada, gaar ahaan xaqiijinta mas’uuliyadda dhimashada Sarkaalad ka tirsaneyd Nabadsugidda oo xil xasaasi ah dalka u haysay, wuxuu shaqada ka joojiyay Agaasimaha Guud Fahad Yaasin, wuxuu magacaabay si KMG Sareeye Guud Bashir Gobe, wuxuuna amray hay’adda Nabadsugidda, Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidammada iyo Maxkamadda Ciidammada inay baaraan dilka Ikram Tahlil. Tallaabada RW Roble waxay aheyd mid lagu ilaaliyo cadaaladda iyo xilgudashada hay’adaha dowladda.

Haddii Agaasime Guud Fahad Yaasin dacwo ka qabay tallaabada RW Roble waxaa u furnaa inuu Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidammada u sheego xaq darrada lagu sameeyay asagoo raacaya hab raaca u degsan maamulka dowladda.

Nasiib darro, Farmaajo ka fiirsi la’aan, qar iska tuurnimo, macangagnimo, nin jecleysi, ku tumasho bareer ah ee dastuurka, iyo curyaaminta geedisocodka doorashada dartood, wuxuu soo saaray qoraal sharci darro ah ee uu ku burrinayo go’aanka RW Roble shaqada uga joijiyay Fahad Yaasin kuna amray baarista dilka Ikram Tahlil. Qaladkaas koowaad wuxuu ku beddelay qalad labaad, ay ka dhasheen falcelinno looga hortagayo in Farmaajo sharcidarrada ka dhigo sharci iyo go’aanno meelmar ah.

Qaladaadka isbada jooga ah ee ka soo baxay Farmaajo waxay bulshada Soomaaliyeed iyo Warbaahinta Caalamka ku abuureen labo aragti: 1. In loolan awoodeed ka dhex aloosan yahay Farmaajo iyo Roble, taaso xaqiiqada ka fog; 2. In Soomaaliya qalalaase siyaasadeed ay dib ugu dhacday, kuna madhquulsan tahay dood macno darro ah, waqti lumis ah, sababtoo ah farmajo ayaa tallaabo maamul iyo ka hortag xasarad iyo cadaaladarro oo sharciga waafaqsan ee RW Roble ka qaaday Fahad Yaasin ka dhigay ama u rogay sharcidarro asagoo aan haysan tixraac sharci iyo sababo caqli gal ah. Wuxuu iska dhaadhiciyay in hadalkiisa huwan xilka Madaxweyne fadhiya Villa Soomaaliya uu noqonayo ama yahay sharci, dadka qaarkiis rumeynayaan, difaacayaan.

Farmajo wuxuu iska indhatiray in laga bilaabo 27 Disember 2020 uu dhaqan galay qodobka 103 ee dastuurka kmg, taaso caddeynaya sharciyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ee dalka mas’uulka ka ah muddada ay socdaan arrimaha doorashada. Qodobkaas wuxuu laalaya jiritaanka awoodaha Barlamaanka Federaalka iyo kuwa Madaxweynaha.

Macnaha qodobkaas xambaarsan yahay wuxuu yahay in Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha JFS wax shaqo ah ku laheyn Xukuumadda xilgaarsiinta. Isla markaa, Xukuumadda xilgaarsiinta waxaa laga dhimay inta badan awoodihii ay ku heshay kalsoonida Barlamaanka Federaalka.

Shaqada Xukuumadda xilgaarsiinta waxay ku kooban tahay socodsiinta howlaha dowladda sida sugidda nabadgelyada, cadaaladda, adeegga bulshada, maamulka miisaaniyadda, iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka degdegga ah ay ka mid tahay wax ka qabashada amar diida carqaladeyneysa socodsiinta hawl maalmeedka nabadda iyo adeegga dowladda. Waxaa ka reeban Xukuumadda xilgaarsiinta curinta sharciyo iyo mashaariic cusub.

Sidaa darted, Farmaajo wuxuu qaaday tallaabooyin sharcidarro ah, abuuray buuq iyo qalqal siyaasadeed oo dadka Soomaaliyeed ka leexiyay dhammeystirka doorashada, wax ka qabashada dambi dhacay, wuxuuna huriyay isku dirka bulshada.

Waxaa muhiim in shacabka Soomaaliyeed u midowdo baaqa ah in Farmaajo joojiyo sharcidarrada iyo abuuritaanka xasaradaha halista ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dr. Maxamud M Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.