RW Roobloow…

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Waa ku mahadsan yahay RW Roble inuu ku dhirriday difaaca dastuurka iyo gudashada mas’uuliyadda Barlamaanka Federaalka ku aaminay kaddib markii Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo kooxda taagereysa ku dhaqaqeen hirgelinta qorshe ay doonayeen inay xukunka dalka xoog kula wareegaan.

RW Roobloow…

Madaxweynihii hore iyo kooxdiisa ayaa waxey adeegsanayeen xeelado wejiyo badan sida cuskashada awoodo iyo tixraacyo huuhaa ah, eedeymo been abuur, adeegsida qaybo ka mid ah Ciidammada dowladda oo lagu hawgeliyo musuqmaasuq, ku dhawaaqidda go’aammo ka baxsan awoodda madaxweyne kasta mid sharci ah iyo mid aan sharci aheyn sida farmajo, iyo kooxo bulshada cabsi geliya, jaahwareeriya, baraha bulshadana ka faafiya wararka been abuurka ah.

Waxaa la aaminsan yahay in afgambigaas taagerayeen dowlado shisheeye ah - Qatar, Ethiopia, iyo Eritrea.

Inkastoo uu dhicisoobay afgambiga kooxda Farmajo soo abaabushay, haddana waxaa xaqiiqa ah in khatarta afgambi kale iyo xasarad abuur kale ay taagan tahay inta Farmajo ku sugan yahay Villa Soomaaliya waayo macnaha ku sugnaanshaha Villa Soomaaliya waxay tahay in Farmajo yahay Madaxweyne sharci ah oo awaamir bixin kara, yahay Taliyaha Ciidammada Qalabka Sida, taaso ah been iyo awood boob. Lama abuuren Wasaaradaha Gaashandhigga iyo Amniga Gudaha oo hoos yimaada Ra’iisul Wasaaraha.

Suura gal ma ahan in madaxweyne aaminsan dastuurka iyo nidaamka dimoqradiga ee la doonayo inuu dalka ku hogaamiyo, uu ku fekeri karo inuu leeyahay awood uu shaqo uga joojiyo, kaddibna xilka uga qaato RW Barlamaanka Federaalka ansixiyay, isla markaana ku jira xilliga iyo marxaladda Xilgaarsiinta (Caretaker period) ku tilmaaman qodobka 103 ee dastuurka kmg.

Waxaa muhiim in hoosta laga xariiqo in ujeedada afgambiga dhicisoobay uusan ku koobneyn doorashada ee afduubka la xiriiro xukun maroorsi iyo qabsashada xukunka Soomaaliya hab ka baxsan dariiqa sharciga ah.

Madaxweyne hore Farmajo wuxuu ku eedeeyay RW Roble daahidda hirgelinta doorashada federaalka muddo 14 bilood ah ee u dhexeysa Oktoobar 2020 iyo 26 Disember 2021 asagoo ogson hagardaamada muddo kororsiga ee uu maleegayay muddada u dhexeysa 17 Setember 2020 ilaa 1da Maajo 2021; Wuxuu kaloo RW Roble ku eedeyay inuu soo galay tuhun dhul boob uusan dadweynaha la wadaagin xog asaasi ah oo tuhunka macno u yeeli karta, ayadoo la og yahay in arrimaha dhulka iyo arrimaha musuqmaasuqa u xilsaaran yihiin hay’ado gaar ah, Isla markaana S/Guud Bashir Goobe warbaahinta u sheegay inay been tahay in dhulka Jeneraal Cabdixamiid ka hadlay aheyn dhul Ciidammada Badda leeyihiin, asaga iyo Jeneraallo kalena ay deggan yihiin oo guryo uga dhisan yihiin; RW Roble wuxuu xaq uu leeyahay helitaanka iyo lahaanshaha dhul oo dowladdu bixiso sifooyin kala duwan, waana shaqo ka baxsan xilka Madaxweynaha.

Madaxweyne hore Farmajo wuxuu garan waayay in adduunka ka dhicin shaqo ka joojin RW iyo dastuur ahaan in RW la’aan Golaha Wasiirrada wada dhacayaan oo xilkooda dhammaanayo.

Madaxweynaha iyo RW waa isku khilaafi karaan arrimo siyaasadeed, sharci, ama maamul, waxaana jira sharci, habraac maamul, dhaqan dowladeed ee lagu xalliyo khilaafaadka. Haseyeeshe fikirka ah dowladda waa dowlad aan leeyahay, dalka waa dal aan leeyahay, shacabka waa shacab aan leeyahay waa fikirka la dagaalankiisa dhiig badan loo daadiyay, laguna dumiyay dowladii Soomaaliyeed si loo dilo fikirkaas.

Ku sugnaanshaha maalin dheeri ah Villa Somalia ee madaxweyne hore Farmajo waa dambi iyo khatar weyn ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed ku sugan yihiin. Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu ka xishoon waayay inuu adeegsado been iyo eedeymo been abuur ah ee xitaa qof shaqaale caadiga ah aan shaqada looga joojin karin.

Shaqo joojinta iidhehda ah ee RW Roble waa gef weyn, waa aflagaado, waa xaaran. Sidaas awgeed, waxaa waajib ah in la xaqiijiyo in Madaxweyne hore Farmaajo banneeyo Villa Soomaaliya oo ay wax ka ilaalinayaan Ciidammada dalal shisheeye ka yimid ee Soomaaliya u jooga Midowga Afrika iyo Qarammada Midoobay.

Waxaa nasiib darro in xubno ka mid GMMXM ay weli joogaan baaqa ah in la joojiyo tallaabooyinka abuuri kara qalalaase siyaasadeed iyo nabadgelyo, ayadoo qalalaase siyaasadeed iyo nabadgelyo ay abuuran yihiin, loona baahan yahay wax qabad degdeg ah.

RW Roble waxaa laga codsanaya inuu hogaamiyo dadaalka la doonayo in laga baxo khatarta iyo dhibaatada muddada dheer ka imaaneysay Madaxweyne hore Farmajo oo uusan xagal daacin dadaalkaas, mas’uuliyadda saaran u guto si karta, hufnaan, iyo geesinnimo muuqata ku jirto.

Dalalka Qatar, Eritrea, iyo Ethiopia waa in laga codsado inay joojiyaan taagerada Madaxweynihii hore Farmajo oo dalka ka wada qalalaase halis gelinaya nabadda deriska iyo caalamka oo dhan.

Madaxda DG, Xubnaha GMMXM, iyo waxgaradka Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaan inay ku midoobaan mowqifka ah in Madaxweyne hore Farmajo banneeyo Villa Soomaaliya si Qaranka Soomaaliyeed looga badbaadiyo dib u dhac, kala daadasho, iyo colaad sokeeye.

Gaar ahaan, Madaxda DG waxaa waajib ku ah inaysan ku adkeysan hirgelinta doorasho musuqmaasuqa ah kaddib marka lagu guuleysto in Madaxweyne hore Farmajo banneeyo Villa Soomaaliya. Waa inaan la raacin dariiqii doorasho boobka ahaa ee Madaxweyne hore farmajo ku dulleeyay Ummadda Soomaaliyeed.

Dr. Maxamud Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.