Shan arrimood oo uu Farmaajo xumaan u badalay

Falanqeyn Keydmedia Online

Sahankii Soomaalida ee Afar sano ka hor, wuxuu ku saabsanaa helidda maamul toosan oo loo siman yahay, waxayse u muuqataa in sahmiyayaashii simbiriiraxdeen oo sun iyo waabaay Soomaali u qoosheen. “Soortaada lays-kagama daro, sun iyo waabay'e, Seben lama yaboohsado, adoo sixini kuu taalle”.

Shan arrimood oo uu Farmaajo xumaan u badalay

Dalka oo ku dhawaad 10 sano ku jiray soo kabasho dhan kasta ah, Labo Madaxweyne xilka isugu wareejiyeen si nabad ah, aaminaadda Dowladnimadu ay sare u kacday, ayaa 8 Febaraayo 2017, waxa majaraha waddanka loo dhiibay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo inta badan bulshada Soomaaliyeed u arkayeen inuu geediga ku furi doono gayi burwaaqo ah, baraare iyo nabadi taallo oo boogihii hore looga biskoon doono.

Taasi ma dhicin oo waxa ay u muuqataa in filashooyinkaas fashilmeen, riyo maalmeed iyo rajo meehanow aan rumoobinna ay noqdeen, oo geedigii Farmaajo hoggaami la yiri gabagabdii wuuu ku gaddiyay carro-xun aan cidi degi karin iyo guri colaadeed oo aan caadda la galin karin.

Guuxa Shacabku wuxuu Farmaajo ku suntay, saan-barad aan sadar u billowneyn, saxariiriye aan saliilyoon, sorrog aan siyaasadda waxba ka aqoon iyo sawir aan sanad kale la aamini doonin. halka siyaasiyiintii codka siisay ay noqdeen salal ku nool iyo sawaxan u jog ka shalaaysan wixii shalay sameeyeen.

Sida ka muuqata ciwaanka qoraalka, waxaan kaga hadleynaa shan arrimood oo dhanka wanaagga ah oo Farmaajo sheegan jiray, hayeeshee Afartii sano ee uu xilka hayay, uu ku baddalay shan kale oo xumaan ah.

Arrinta 1aad -  Waddani’ wuxuu ku baddashay ‘Qaran-dumis. Farmaajo, wuxuu siyaasadda ku soo galay boor isku qaris iyo sheegashada waddiniyad been ah oo aan afka baarkiisa dhaafsaneyn, tan iyo markii laga raacdeeyay xilkii RW sanadkii 2011-kii, dal iyo dibad Soomaalida joogta wuxuu ka gaday inuu yahay siyaasiga ugu waddanisan siyaasiyiinta, wuxuuna albaab kasta u garaacay in loo aruuriyo qaaraan qaran, si uu wax uga baddalo xaaladda dalka.

Wuxuu Madaxweynihii hore Xasan Sh. Maxamuud iyo Madaxweynihii ka sii horreeyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku eedeynayay wax qabad la’aan iyo in ay dalka gacanta u galiyeen dalka Itoobiya oo ah cadowga koobaad ee Soomaaliya.

Soomaalidu waxay dhahaan Saan aadan u dhalan afar tallaabo ka badan ma qadid”, waddaniyad oo ah dareen ay ku dheehantahay dal jacayl, dad jacayl iyo u daacad noqosho dalkaada iyo dadkaada, Farmaajo maalin qura laabtiisa ma galin, markii ay u suurowday beentii iyo barabagaandadii la dhoodhoobay inuu ku koro kursiga ugu sarreeya dalka wuxuu markiiba billaabay ku dhaqanka qabyaalad qaawan iyo isla qabweyni qaldan oo aan qaranka dani ugu jirin, wuxuu ku talax tagay nin jecleysi gaar ah iyo nin necbeysi gooni ah.

Farmaajo wuxuu dalka Itoobiya oo cadaawadda ugu weyn ay kala dhexeyso Soomaaliya ka dhigtay saaxiibkiisa ugu muhiimsan, wuxuu u gacan galiyay muwaadiniin Soomaaliyeed, wuxuuna ugu deeqay dhalinyaro, si ay ugu dagaalamaan Amxaarada aan xeerka iyo is xushmeyntu naga dhexeyn, taas oo ka fog sheegashadiisii waddaniyadda, bannaankana keentay inuu yahay shisheeye kal-kaal aan sharaf lahayn.

Ku tumashada sharciyada u yaalla dalka, tanaasul la’aan dhan kasta ah, hurinta colaadaha, qudbooyinkiisa qalafsan, shaqsiyaadka u xilalka u magacaabay iyo kuwa ku haraareysan oo u badan dad dalka ka soo galay danbiyo waaweyn, waxa ay Farmaajo ka dhigeen qof aan is qarin karin oo la mid ah Tuke canbaar leh, calaamad gooni ayayna u yeeli doonaan dadka curiya erayada lagu cabbiro calooshood u shaqeysta-yaasha aan cidna ka nabad galin. QARAN-DUMIS.

Arrinta 2aad – ‘Nabaddoon’ wuxuu ku badashay Qas-wade’. Farmaajo wuxuu ku tookhi jirey inuu yahay Oday Soomaaliyeed, dadka oo dhanna uu isku wadi doono, loo siman yahay oo aan loo kala sokeyn, hayeeshee, ficilladiisa foosha xun ee uu Gedo ka sameeyay, Muqdisho ku maqooniyay, Maamulladana ku maja-xaabiyay, waxa ay ka dhigayaaan qas wade aan waligiis Kheyr ka tilin. QAS-WADE.

Arrinta 3aad – ‘Dimuqraadiyad’ wuxuu ku badashay ‘Digtaatooriyad’. Maadaama uu ka yimid dalka Mareykanka oo loo tix galiyo inu yahay waddanka ay ka jirto dimuqraaadidda ugu weyn adduunka oo dhan, waxaa la saadaaniyay inuu ka dhabeyn doono sheegashadiisa ku aaddan inuu yahay qof ka fog Kali-talisnimo, taasise ma suura galin oo waxa uu isku baddalay kaligiis go’aan gaare aan gamban  oo doonaya inuu xoog ku maquuniyo dadka oo dhan si uu kuriga ugu sii fadhiyo ama ugu soo laabto si sharci darro ah.

Waxa uu qorsheeyay in qoorta ka jaro, ragga uu uga cabsanayo kursiga, wuxuuna isku duwday ciidan uu cabiriyo shacabka, ku aamusiyo saxaafadda, kuna cabsiiyo siyaasiyinta ka aragtida duwan, wuxuu diiday inuu kurisiga ka dago, wuxuuna in ka badan 30 Cisho ku dagan yahay madaxtooyda sifo aan sharci ahayn. KALIGI-TALIYE.

Arrinta 4aad –‘ Madaxweyne’ wuxuu ku badashay ‘Qabqable’. Farmaajo wuxuu hilmaamay ama si ula kac ah u dafiray in loo doortay xilka Madaxweynaha JFS, wuxuuna isku heystaa inuu yahay guddoomiyaha gobolka ay beeshiisu dagto ee Gedo, wuxuu geed dheer iyo geed gaabanba u koray sidii uu Jubbaland uga fara maroojin lahaa goblkaas.

Wadahadalladii lagu baadi goobayay in xal loogu helo, is mari waaga taagan iyo xaaladda faraha ka sii baxaysa ayuu Farmaajo diiday sabab la xariirta arrinta gobalka Gedo, wuxuuna middaas u aaneynayaa, xasarado soo jireen ah oo gobolkaas ka taagnaa muddo, salkana ku haya dagaallo sokeeye iyo is jiid-jiid ka dhaxeeya beeshiisa iyo beehsa MW Jubbaland Axmed Madoobe.

Farmaajo, wuxuu ciidankii qaranka u adeegsaday colaad beeleed, wuxuuna Gedo ku daad gureeyay askar uu ka qaaday Xamar  oo aan iyadu nabad ahayn, goboladda ku dhowna ay Kooxda Al-Shabaab maamulaan, dan kama laha shaqadii loo igmaday wuxuuna u geyfan yahay qaska iyo qalalaasha ka taagan Gedo. QABQABLE.

Arrinta 5aad – ‘ballan’ wuxuu ku badashay ‘ballan ka bax’. Farmaajo wuxuu ballan qaaday inuu Labo sano ku cirib tiro doono Al-Shabaab, hayeeshee tan iyo markii uu yimid ma jirto hal degaan oo laga xoreeyay, wuxuu ballan qaaday in la aablmarin doono qofkii soo sheegay Al-Shabaab, mana jiro qof uu u abaal-guday, wuxuu ballan qaaday inuu dhisi doono guryaha ku burbura qaraxyada, taasna ma suura galin.

Musuqa ayaa gaaray halkii ugu sarreysay, wuxuuna cuuryaamiyay wadahadalladii Soomaaliland, safarada dibadda oo uu sheegay inuu yarayn doono ayuu ka badan yahay Madaxweynayaashii ka horreeyay, wuxuuna afartiisa naso ku dhameysatay, dagaal aan dan ugu jirin , mana jirto hal ballan qaad oo uu fuliyay. Beenlow. 

KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.