Shan Xaaladood & Waali: Odoros halka Soomaaliya ku sii socoto

Falanqeyn Keydmedia Online

Soomaali farabadan oo kala jooga dalka iyo dibadiisa ayaa iga codsaday in aan isku dayo in aan siyaasada Soomaaliya ka bixiyo sawir dhamaystiran (scenarios), muuqaal dadka oo dhan si fudud ku fahmi karaan: Ka hor inta aan lagaarin 8-da Febraayo ee 2021-ka siyaasada Soomaaliya intee waji ama muuqaal ayeey yeelan-kartaa?

Shan Xaaladood & Waali: Odoros halka Soomaaliya ku sii socoto

Hadaba aniga oo og in aaysan fududeeyn in la saadaaliyo halka aay ku siisocato siyaasada Soomaaliya hadana qofkii ama shakhsigii sifiican u aqriya siyaasada Soomaaliya iyo halka aay saakayto joogto ama taagan-tahay waa sii odori-karaa waana sidaan:

1. Xaalada Kowaad:

Waa in aay Dalka Soomaaliya ka dhacdo DOORASHO heshiis lagu yahay, (this scenario predicts), doorasho xalaal ah, natiijada ka soo baxdana dadka Soomaaliyeed isla aqbalaan sida doorashadii Febraayo 8, 2017- kii.

2. Xaalada Labaad:

In aay Dalka ka dhacdo DOORASHO dhinac ka raran ama aan heshiis lagu ahayn: Waa doorasho ku cabiran: Ninka dooran-doorta xow-dhahdeen # Dadkase xaw-dinbaajiseen:

Hadii aan hadalka si kale u dhigo waa doorasho u eg doorashadii 1987-dii, (this scenario predicts), doorasho xaaraan ah.

3. Xaalada Sedexaad

Xaaladaani waxay odoroseeysaa in aaysan Dalka Soomaaliya ka dhicin doorasho la isla ogolyahay iyo doorasho la isku khilaafsan-yahay midna:

Hase-yeeshee inta SHARCIGA LA-KUFSADO in qaab-mar-marsiiyo in inta la soo abaabulo Gudoonka Golaha Shacabka in la dhaho:

Golaha Shacabku hasamaysto mudo kororsi, ka dibna mudo kororsi ha u sameeyo Madaxweynaha, (this scenario predicts), in Soomaaliya lugaha la geli-doonto muran-siyaasadeed oo aay suurta-gal-tahay in dhiig-ku daato.

4. Xaalada Afaradaad:

Xaaladaani (this scenario predicts), waa xaalad u dhigan sidaan:

- Dalka lagama qaban doorasho la isla ogolyahay.

- Dadka kama dhicin doorasho la boobay.

- Golaha Shacabkuna ma samayn mudo kordhin: Soomaali waxaa waagu u baryay 9-ka Febraayo 2021 ka.

5. Xaalada Shanaad:

Waa xaalad sawireeysa (this scenario predicts) in: BEESHA SHANAAD ee Xalane in aay soo fara-geliso Arimaha Gudaha ee Soomaaliya, isla-markaasna Soomaaliya loo jeexo siyaasada cusub ee DOORASHO, waa qorshe cusub iyo hada iyo kow...Waxkasta waxaa laga soo bilaabayaa eber, iyo hada iyo qorshe siyaasadeed ee cusub.

Xaalada Waalida:

Xaaladaani (this scenario predicts), waxay sawireeysa in Hogaanka Soomaaliya in uu si qar- iska-tuurnimo ah in uu Magaalada Muqdishu ka bilaabo dagaal-dhiig ku daato, tani waa in Madaxweyne FARMAAJO iyo xulafadiisu in aay inta "Qol-Mugdi ah isku soo xiraan is tusaan in aay Xoog Ciidan wax ku xukumaan".

Si kooban muuqaalka siyaasada Soomaaliya (Somalia's political scenarios) waa sidaan:

In aay Soomaaliya ka dhacdo:

1. Doorasho xalaal ah.

2. Doorasho xaaraan ah.

3. Mudo kordhin xaaran ah.

4. Waxqabad la'aan iyo fadhiidnimo.

5. Faragelin siyaasadeed iyo hada iyo kow.

6. Dagaal siyaasadeed oo dhiig ku daato.

SU'AAL WEYN

Mudaneyal iyo Marwooyin, hadaba hadii aay qofkasta oo Soomaali ah u muuqato in aay inagu soo fool-leeyihiin xaalada siyaasadeed oo xambaarsan dhiilooyin colaadeed maxaa la gudboon guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed si aay uga gaashaantaan dhibaatoyinkaas inagu soo fool leh?

GEBAGEBADII IYO

CODSI-GAARA

Aqriste fadlan adiga oo mahadsan qoraalkan kolka aad aqrineeysid caadifad iyo xamaasad dhinac iska dhig, waxaana si sharaf iyo qadarin leh kaaga codsanayaa in aad iisoo gudbiso hadii aay jiri karto xaalad kale ama muuqaal kale ee aay yeelan karto siyaasada Soomaaliya si aan wax uga bedelo tiirarka 6da ah ee qoraalkani ku taagan-yahay, waxaadna ogaataa waxa aan ka hadleeyno waa danta Qaranka Soomaaliyeed.

SOOMAALIYA GUUL

Xassan Sheikh Cali




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.