Shirka GIDG Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Labo sano kaddib, waxaa Shalay oo taarikhdu aheyd 11 Luulyo 2020 ka furmay Magaalo Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug shirkii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboledyada (GIDG), shirkaaso looga wada xaajooday arrimo ay ka mid yihiin:

Shirka GIDG Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  1. Doorashada Xildhibannada Golaha Barlamaanka Federaalka 2020, kuwaaso dooran doona Madaxweynaha JFS ka hor 7 Febraayo 2021,
  2. Dib u eegista dastuurka KMG.
  3. Is hortaagga ama curyaaminta howlaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka,
  4. Qandaraaska baarista iyo soo saarista shidaalka badda DG Galmudug iyo Jubbaland.
  5. Xog ogaal u noqonashada barnaamijka deyn cafinta,
  6. Qiimeynta hirgelinta barnaamijka qaab dhismeedka Ciidammada nabadgelyada iyo xaaladda guud ee nabadgelyada.
  7. Xaaladda bani’aadanimo ee dalka ka taagan,
  8. dhibaatooyinka bulsho, caafimaad, iyo dhaqaale ee cudarka COVID-19,
  9. dhibaatada ballaaran ee Ayaxa geystay dalka,
  10. xaaladda fatahaadda,
  11. Kalmada dowladda federaalka iyo beesha caalamka, ee loogu talagalay DG
  12. Wada hadallada dowladda federaalka iyo soomaaliland
  13. Hirgelinta baaqyada isdabajooga ee Golaha Ammaanka ee QM ka soo baxay kuna saabsan midnimada iyo nabadgelyada DG Jubbaland
  14. Joogteynta shirarka GIDG.
  15. Mahadcelin, bogaadin, iyo dhiirrigelinta DG Galmudug.

Shirka iyo Xiriirka Iskaashi ee GIDG wuxuu waafaqsan yahay qodobbada 51, 52, iyo 53 ee dastuurka kmg.

1. Arrinta doorashada, GMDQ wuxuu caddeeyay in hirgelinta doorashada HQHC u baahan tahay waqti ka badan sannad marka la soo dhammeystiro sharciyada, xeerarka, iyo dhaqaale loo baahan yahay, isla markaana uusan jirin khilaaf siyaasadeed iyo xaalad amnidarro ee hor istaagi karta hirgelinta doorashada Xildhibaannada Barlamaanka Federaalka.

Sidaa darted, waxaan shaki ku jirin in doorashada HQHC u baahan tahay waqti iyo tabaabusho ballaaran oo qaadanaya ugu yaraan 3 sano. Waxaa xalka lama dhaafanka yahay hirgelinta habka doorashada dadban ee 2016 oo aad loo hagaajiyay si loo ilaaliyo dastuurka kmg, dalkana looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed, nabadgelyo oo u horseedeya burburka dowladda sharciga ah. GIDG waa inay caddeeyaan hab/raaca doorashada 2020 ku noqoneysa xor iyo xalaal.

2. GIDG waa inuu soo dhoweeyaa howlaha dib u eegista dastuurka kmg ee guddiyo kala duwan iyo Wasaaradda dastuurka ay wadeen muddada dheer, welina wax badan ka dhimman yihiin. GIDG waa inuu caddeeya inaysan ku jirin danta iyo wanaagga shacabka Soomaaliyeed in marxaladdaan kala guurka laga doodo dhammeystirka dastuurka kmg oo u baahan hoggaan iyo ka soo qayb gal ballaaran iyo jawi siyaasadeed oo munaasab ah.

Sidaas darted, GIDG codsado in qoraallada talojeedinta dib u eegista dastuurka kmg ee ilaa hadda la qeexay lala wadaago GiDG, lana sii wado doodaha ku saabsan dib u eegista dastuurka kmg inta ay ka dhammaaneyso doorashada 2020/2021.

3. Waa sharcidarro iyo ku tumasho nidaamka dowladda in sharciyo uusan Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka ansixin lagu tilmaamo sharci la dhaqangelinayo. Sidaa darted, GIDG waa inay ku talinayaan in dhammaan sharciyada Golaha shacbiga ansixiyay loo gudbiyo Aqalka Sare, isla markaana la sugo wada shaqeynta labada aqal ee BF iyo hab raaba sharci dejinta ee dastuurka kmg qeexayo.


Madaama muddo xileedka Barlamaanka Federaalka ka harsan tahay 5 bilood, GIDG waa inuu codsado in Barlamaanka Federaalka joojiyo ka doodidda dhammaan sharciyo u baahan wadatashi ballaaran ee xagga siyaasadda, nabadgelyada, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada. Gaar ahaan, GIDG waa inuu Guddoonka Aqalka Sare ka codsato inuu wargelin iyo wadatashi kala yeesho xubnaha GIDG wixii sharciyo degdeg ah ee loo gudbiyo ka hor intaan la bilaabin doodaha rasmiga ee Aqalka Sare.

4. GIDG waa inuu ku taliyo in DF hakiso qandaraaska shidaalka ilaa dhammaadka doorashada 2020/2021

5. GIDG waa inuu codsado in DG Xubnaha DF la siiyo xog warran ku saabsan barnaamijka deyn cafinta iyo heshiiska 3 sano ee DF iyo hay’adda IMF/WB kala saxiixdeen, lana waafajiyo dastuurka kmg.

6. Madaama Xaaladda nabadgelyo ee dalka mareyso heer aad u liita, isla markaana aan weli la hirgelin qaab dhismeedkii nabadgelyada GIDG waa inuu shir gaar ah ka yeesha arrintaas dhammaadka bisha Agoosto 2020.

7. GIDG waa inay shir gaar ah ka yeeshaan wax ka qabashada xaaladda barakayaasha iyo dadka saboolka oo tiradoodu maalin kasta kordheyso.

8. Cudurka COVID-19 wuxuu dhibaatooyin caafimaad, bulsho, iyo dhaqaale ku haya dalka, waxaana loo baahan yahay iskaashi DG, DF, iyo Beesha caalamka. Sidaa darted, GIDG waa inay soo bandhigaan tallaabooyinka degdeg ah ee dhibaatooyinkaas wax looga qaban karo.

9. Dalka waxaa aafeeyay Ayax khasaare ballaaran u geystay dalaga dalka, waxaana loo baahan yahay taageero loo fidiyo dadka ku tabaaloobay Ayaxa.

10. Magaalooyin iyo tuulooyin dalka ka mid ah waxaa dhibaatooyin ballaaran u geystay fatahaada webiyada, waxaana la saluugsan yahay gurmadka loo fidiyay dadka dhibaatooyinka soo gaareen. DF waxaa laga sugayaa inay soo gaarsiiso mucaawinooyinka loogu deeqay fatahaada webiyada.

11. GIDG waxay DF ka codsanayaan in degdeg loo soo gaarsiiyo deeqaha loogu tala galay sannadka 2020, isla markaana laga qaado dhammaan DG cunaqabateynta iyo xayiradaha caqabada ku ah waxqabadka, horumarka, iyo xasillonida DG.

12. GIDG waxay ku talinayaan in DF iyo DG ka yeeshaan wada hadallo dhab ah siyaasadda wada hadallada DF iyo Somaliland si looga gaaro mirodhal.

13. GIDG waa inuu taagera baaqyada is dabajooga ee ka soo baxay Golaha Ammaanka ee QM oo ku talinayay joojinta cooladaha DG ka wado Jubbaland iyo Gedo. GIDG waa inuu ku taagera Madaxweynaha DG Jubbaland inuu dib u heshiisiin ballaaran ka hirgeliyo bulshada reer Jubbaland.

14. GIDG waa inay shirar isdajooga yeeshaan 5 bilood ee soo socda.

15. Shirka GIDG wuxuu mahadcelin, bogaadin, dhiirrigelinba u jeedinaya Madaxda iyo shacabka deegaanka DG Galmudug margelinta shirka dib u soo nooleynta xiriirka iyo wada shaqeynta DG Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka 2 sano kaddib oo kala qaybsanaan iyo qalalaase siyaasadeed lagu jiray.

Dr. Maxamud M. Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.