Talo beesha Hawiye ay u jeediyeen Deni & Axmed Madoobe

Talo qaddarin mudan ee laga soo jeediyay gogosha martiqaadka madaxda beesha Hawiye u dhigeen Madaxweyne Sicid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe, waxaana diyaariyay Dr. Maxamud M Culusow. 

Falanqeyn Keydmedia Online
Talo beesha Hawiye ay u jeediyeen Deni & Axmed Madoobe

Madaxweyne Sicid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islam waxay Magaalada Muqdisho la yimaadeen talooyin dhaxal gal oo ahaa afar si guul looga gaaro wada hadalka ku saabsan hannaanka doorashada 2020. 4 talo waxay ahaayeen:

1. Magacaabidda RW haysta kalsoonida Barlamaanka Federaalka;

2. Martiqaadka 3 Madaxweyne ee DG Galmudug, Koofur Galbeed, iyo HirShabelle si ay soo qayb galaan wada hadallada hannaanka doorashada 2020;

3. Fulinta heshiiskii laga gaaray xallinta dhibaatooyinka DF ka wado Gobolka Gedo oo ka tirsan Jubbaland;

4. Martiqaadka beesha caalamka inay goobjoog ka ahaato wada hadalka hannaanka doorashada 2020 si looga ilaaliyo turxaan iyo ka dabahadal dambe.

Waxaa guul weyn ah in maanta gogosha Martiqaadka beesha Hawiye u dhigtay labada Madaxweyne laga soo jeediyay talo iyo codsi shanaad ee qaddarin mudan oo ah:

5. “In gogosha saxiixa iyo bilowga hirgelinta hannaanka doorashada 2020 ee lagu heshiiyo lagu qabto magaalo Madaxda Galmudug ee dhusamareb.”

Waa talo la asiibay oo munaasib ah ee lagu guuleysan doono haddii alla idmo. Waxaa muhiim ah Maamulka DG Galmudug u howl galaan taagerada codsigaas iyo qabanqaabada qorshaha martigelinta. Arrintaas waxay daaweyneysa wax badan, waana hiilo reer galmudug oo ka soo kabanaya khilaafaad muddo ragaadiyay.

Madaxweyne Sicid Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe waxay ku guuleysteen dib u soo nooleynta rajada ummadda soomaaliyeed ka qabto in la gaaro heshiis loo dhan yahay ee ku saabsan hannaanka doorashada 2020 iyo dabaqashada dowladnimada Soomaaliya liicday.

Waxaa muhiim in xisaabta lagu darsado in xaaladda Soomaaliya ku jirto halis oo ay suuragal tahay in talada faraha baxdo, la abuuro qalalaase siyaasadeed iyo iska hor imaad dhinacyada isku ujeedada ah iyo kuwo ka soo horjeeda, madaama ay jiraan xoogag badan oo isu jira shisheeye iyo Soomaali oo riixaya ajendayaal ka soo horjeeda geedisocodka nabadda, xasilloonida, dib u heshiisinta, midnimada, iyo dowladnimada dimoqradiga ah ee Soomaaliya. Sidaa darted, waa in laga digtoonaado gefaf macno darro ah oo khilaaf iyo shaki ka dhex abuuri kara inta wada socota iyo in laga leexdo dariiqa toosan ee hadda lagu socdo, lana galo gorgortan iyo tanaasulaad abuuri kara kala qaybsanaan iyo fashil.

Dr. Maxamud M Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.