Roobloow,

Waxaa ku hor taalla fursad aad taariikh toolmoon ku tabcan kartid

Falanqeyn Keydmedia Online

Rooblow waxaa ku hor taalla fursad aad taariikh toolmoon ama mid taban ku tabcan kartid, waxaad heysataa kala doorashada, labadii waddo ee ay kala qaadeen Allaha u naxariistee, Nuur Xasan Xuseen ‘Nuur Cadde’ iyo Cali Maxamed Geedi, ee Maxamed Rooblow, labadaas dhigane midkii mudan magacaada ku qor.

Waxaa ku hor taalla fursad aad taariikh toolmoon ku tabcan kartid

Waxaa loo madlan-yahay, miiskii wada-hadalaka ee Soomaalidu u bixisay miiskii muranka, waxaa loo ballansan-yahay soo af-meerka is jiid-jiidkii doorashada ee soo taagnaa muddada dheer, waxaa loo socdaa hir-galinta hannaan doorasho oo kama danbeys ah, waxaa la isku diyaarinayaa xallinta tabashooyinkii hore iyo irdo u furka albaabadii oodnaa ee Maxamed Rooblow, maan fayow iyo maskax furan ku maamul.

Dib u dhaca doorashooyinka, kordhintii muddo xileedka, iyo dagaaladii Caasimaddu marti galisay, waxaa sababay damaca Farmaajo ee ku aaddan sii joogidda xaafiiska Madaxtooyada, Sida muuqata, tijaabadii koobaad waa ku hungoobay, hayeeshee wali kama tanaasulin inuu kursiga xoog iyo xeeladba ku sii fadhiyo, waxaa jira koox abaabulan, iskuna xiran oo isaga ku xeeran, waxa ay isku dhaarsadeen in ay kursiga ku hayaan, ee Maxamed Rooblow riyo maalmeedkaas runta u sheeg.

Dabindaabyo, dirir iyo dagaallo cidiyesi ah ayaa laga abaabulayaa xaafiiska Farmaajo, si loo carqaleedyo is fahanka aan cagaha badan ku taagneyn ee billowgii bishaan curtay, waxaa laga shaqeynayaa fashilinta howlaha aad heysid, si mar kale hoggaanka doorashooyinku dib ugu laabtaan gacanta Farmaajo, oo dalku u dabranaa Afartii sano ee la soo dhaafay, ee Maxamed Rooblow, miyir taam ah miiska la tag.

Damaca Farmaajo, waa boob doorasho, waa bililiqo iyo baabi’in hanti dadweyne, waa burburin iyo baaba’ ka yeelid wixii lagu ballamay, waa baal-marid sharci iyo balaayo afuuf, waa dib u dhac ku yimaada dalka iyo dowladnimada, waa qabweynaan qaldan iyo kursi u qooq qaawan, waa kicin qabiil oo qabyaalad cuskan, waa ku amar taagleyn awoodeed iyo kali talisnimo xargaha goosatay, waa is xushmeyn la’aan, is xaqdhowr la’aan, isla xisaabtan la’aan, ee Maxamed Rooblow, mushkiladaahas moosiddooda adigaa lagaa rabaa.

Waxaa laguu dhiibay maalmulka doorasho dal dadkaadu dul manyihiin, deegaankaaduna duugan yahay duunyaduna dugaag u darbantahay, waxaad heshay kalsooni gudaha iyo dibaddaba loo dhanyhay , waxaa lagaa dhowrayaa in aad dar-xumada ka dhiidhisid oo aad u diir naxidid, hooyooyinka waddoonyinka Muqdisho ku umul raacanaya, dalkaan doorasho u jaheysid dabinka Farmaajo iyo maafiyadiisana ka saartid, ee Maxamed Rooblow maamul togan taabagali.

Waxaa ku hor taalla fursad aad taariikh toolmoon ama mid taban ku tabcan kartid, waxaad heysataa kala doorashada, labadii waddo ee ay kala qaadeen Allaha u naxariistee, Nuur Xasan Xuseen ‘Nuur Cadde’ iyo Cali Maxamed Geedi, oo bulshada Soomaaliyeed ugu kala qoran laba buug oo mid cad-yahay midna madow-yahay, ee Maxamed Rooblow, labadaas dhigane midkii mudan magacaada ku qor.

Inkastoo aadan ka dhiidhin, dar-xumooyinka la rabay in aad ka dhag-taagtid, lagaana waayay matalaad siyaasadeed oo ka baxsan muuqaalkaada Ra’iisal Wasaarenimo, hadana wali fursad ayaad heysataa dood dhab ah, dadaal dheeri ah, dad isku dumid, diracnimo iyo dan-guud ka fakarid ayaa lagaa filayaa, ee Maxamed Rooblow, dabindaabyo ka Digtoonow.

Waxa xilka Ra’iisu Wasaraha laguu magacaabay 17 September 2020, saacado kadib markii lagu dhawaaqay heshiiskii doorashada isla maalintaas, waxaa lagaaga fadhiyaa in aan heshiiskaas meel-marisid, wixii dheeri ku ah ka reebtid, wixii ka dhiman ku darted, dalkana ka qabatid doorasho xor iyo xalaal ah oo muddo gaaban ku qabsoonta.

Waxaa lagaa rajeynayaa in aad furtid masaaxada siyaasadda ee Farmaajo muddada dheer u xirneyd, shirka wada-tashigana aad ka qeyb galisid dhamaan saamileyda siyaasadda iyo ururada bulshada, si loo gaaro heshiis dhab ah oo aan dheelis lahyn.

Rooblow waa xilligaadii ee xayaato is gali!

Guuleed Faarx - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.