AFRICOM oo ka hadashay Khasaaraha rayidka

Bishii January 2021, AFRICOM ayaa dhameystirtay amarkii Trump ee ahayd in Ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya oo la geeyo meelo kale oo ka tirsan Bariga Afrika.

Warar Keydmedia Online
AFRICOM oo ka hadashay Khasaaraha rayidka

WASHINGTON - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika [AFRICOM], ayaa soo saarey warbixin saddexdii biloodba mar soo saaro oo uga hadlo khasaaraha duqeymaha Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegtay in dhawaan lasoo gaarsiiyay labo warbixin oo la xiriirta khasaaro shacab oo ka dhashay duqeymo ay ka fuliyeen Koonfurta dalka Soomaaliya.

Khasaaraha oo inta uu la egyahay la shaacin ayaa ka dhashay laba weerar oo cirka ah oo dhacay Jan.1, 2021 iyo Jan. 19, 2021, waxayna AFRICOM sheegtay in hada la qiimeynayo, ugana hadli doonaa warbixin seddex biloodle ah ee soo socota.

Bishii January 2021, AFRICOM ayaa dhameystirtay amarkii Trump ee ahayd in Ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya oo la geeyo meelo kale oo ka tirsan Bariga Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.