Al-Shabaab oo ka baxday Ceel-Buur

Dadka degaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sameysay dib u gurasha kadib markii Ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowladda oo ay kaabayaan Itoobiyaan ay kusoo dhawaadeen degmada.

Warar Keydmedia Online

CEEL-BUUR, Soomaaliya - Malleeshiyadka Al-Shabaab ayaa Maanta oo Isniin ah fuuriyay degmada Ceel-Buur, ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay dareemeen inay kusoo wajahan yihiin Ciidanka Galmudug oo ay la socdaan kuwa Dowladda iyo Itoobiyaan aa du hubeysan.

Xiisad ayaa ka taagan degmada duleedkeeda, iyadoo Al-Shabaab ay wadooyinka ku aastay Miinooyin, si ay uga hortagto duulaadka kusoo socdo, oo ujeedkiisu yahay inay Ciidanka huwanta la wareegaan Ceel-Buur, oo tan iyo 2017 ku jiray gacanta argagaxisadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.